Wasiirka Khaarajiga
Djibouti Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Somaliland Ku Soo Dhawaynayaan In
Xubin Aan Joogto Ahayn Ay Ka Noqoto Ururka IGAD, Kana Hadlay
Mawqifka Xukuumadiisa Ee Aqoonsiga S/Land
Djibouti (tTNN) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda
DJibouti ,Maxamuud Cali Yuusuf , ay aa
ku dhawaaqay in dalka Djibouti soo dhawaynayo, isla markaana garab
istaagayo inay Somaliland xubin aan joogto ahayn ka noqoto
Urur Goboleedka IGAD, isagoo ku
tilmaamay Somaliland dal wax ku ool ah oo wax weyn ku biirin kara
mandaqadda geeska afrika iyo dunida inteeda kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda DJibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo la
hadlaayey doraad Tilifishanka Horn Cable
oo uu Magaalada Dijbouti ugu waramay, ka dib markii uu kulan la
yeeshay dhigiisa Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa
weriyaha HCTV ee Magaalada DJibouti mar
uu wayidiiyey maw qifka xukuumadda DJibouti ka qabto codsigii
Somaliland u soo gudbisay IGAD inay ka noqoto xubin aan joogto ahayn
wuxuu ku jawaabay “Arrintaasi waanu soo dhawaynayna, waa arrin
wanaagsan Somaliland waa dal muhiim ah oo wax weyn ku soo kordhin
kara mandaqadda iyo dunidaba, xidhiidhk ani iyo wada shaqayntani
aanu imika wadno ee aanu leenahayna maba suurtagalayso haddii aanay
qayb ka noqon arrimaha gobolka ka soconaya, arrinta Djibouti way soo
dhawaynaysa waanu garab gallayna, gacana waanu ka siinayna
Somaliland sidii ay xubin aan joogto ahayn uga noqon lahayd IGAD”
ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Jibouti Mudane Yuusuf.
Dhinaca kalena Wasiirka Khaarajiga Djibouti Mr. Yuusuf ayaa isaga oo
hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Dedaalka Somaliland inay beesha
caalamka ku soo biirto ugu jirta waa mid ay xaq u leedahay waanay u
qallanta, Jibouti ahaana waanu soo dhawaynayna”.
Source:Haatuf
|