Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Shirkadaha Isgaadhsiinta U Hanjabay sheegayna in la isku wada xidhi doono isgaadhsiinta.

 


Hargeysa 9TNN)-Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Cabdirisaaq Maxamed Ibrahim, ay aa bulshada Somaliland ugu bushaareeyay inay ugu dambayn bisha labaad ee sannadkan ka nasan  do onaan shirkadaha Isgaadhsiinta ee badan oo ay baahidooda u adeegsan doonaan hal Telefoon oo  keli ya, taas oo uu macnaheedu yahay in la isku xidhi doono shirkadaha Isgaadhsiinta oo aan hadda wada hadli karin.

Md. Cabdirisaaq, oo shalay uu waraysi khaas ah la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu ku  han jabay inay ka go’antahay inuu isku xidho shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka, haddii uu ku guulaysan  w aayana uu shaqada iskaga tagi doono. Wasiirku, waxa uu wax laga xishoodo ku tilmaamay xadiga  cash uurta ay shirkaduhu dawladda siiyaan, marka loo eego faa’iidada ay helaan. Waxa uu Wasiir  Cabdirisa aq si faahfaahsan uga hadlay qorshayaasha wasaaradiisa u dejin ee lagu horumarin karo isgaadhsiinta si ay dawladu u hesho xuquuqdeeda cashuureed ee shirkadaha wadaniga ah ku waajibay, waxaanu  xu say inay xukuumadda ka go’antahay ilaalinta shirkadaha wadaniga ah. Waraysigaasi, wuxuu u dhacay sidan:


Waxaad Faahfaahin naga siisaa Inta aad xafiiska Wasaarada joogtay waxa kuu qabsoomay?


Runtii hawsha Wasaaradu waa hawl balaadhan, wasaaradu dawladu waxay u qaabilsan tahay saddex waaxood oo muhiim ah, lana odhan karayo saddex-duba waa laf-dhabarta bulshadeena.
Saddex-daa waaxood mid uunbaa si fiican u shaqayn jirtay oo iyaddana waxa ka shaqaysiinayay waxa ay ahaayeen oo aanu ugu mahad-naqaynaa shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasina waa waaxd isgaadhsiinta, nidaamka dawliga ahaa iyo sharciyadii iyo qaabkii shirkaduhu telefoonada u maamulayeen oo shirkad walba gaarkeeda ha u fiicnaato laakiin ta guud ahaaneed aad ayay u xumayd oo nidaam ma jirin lagu wada shaqeeyo xagga dawlada iyo shirkadaha dhexdoodaba, intaas ayuunbaana iyagga ka khaldanayd.


Labada waaxood ee wasaaradu wakiilka uga tahay dawlada waxa weeyaan boosaha oo aan gabi aha anba aan dalka ka jirin, ta hadda noogu daran ee aanu la baxaa-degaynaa sidii aanu u hirgalin lahayna waa iyadda, imika marka aanu iska dhamayno wajiga hore ee isticmaalka telefoonada iyo maamulkooda.
Ta saddexaadna waxa weeeyaan waxa loo yaqaan (Tiknoolajiyadda), tiknoolajiyaddana waxa jirta  ha y’ad madax-banaan oo ICT la yidhaahdo, laakiin Wasaarada ayaa la shaqaysa, markaa iyadda lafteeda in aanu kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa, sidii shaqooyinkooda oo dhan loo hagaajin lahaa ee w ax looga qaban lahaa, markaa waxyaabahaas oo dhan ayaa noo yaala. Wasaarad shaqadeedu marka loo eego sidii ay ahaan jirtay koley aad ayaanu mashquul u nahay oo shaqada 7:00 subaxnimo ayaa la bilaabaa ilaa 2:00 ayay toos u socotaa, maalmahan dambana shaqadu galabtii ayay socotaa oo loo soo noqdaa, markaa shaqada wasaaradu xawli ayay ku socotoo.


Wasiiro hore oo wasaaradan kaaga horeeyay ayaa ku fashilmay inay isku xidhaan shirkadaha isgaadhs iinta dalka, adigu ma isleedahay way kuu suurtoobaysaa isku xidhka shirkadaha Telefoonada dalku.?


Anigu ma odhanayo wasiiradii iga horeeyay way ku fashilmeen, laakiin waanay u suurtoobin dabcan, w axaana xusid mudan inay isku dayeen inay sameeyaan (Shirkada isgaadhsiinta isku xidha) taas  laftee da ayaana ah shaqo amaan mudan, waayo markaan sidaa leeyahay shirkadaheena telefoonadu waa shirkado gaar loo leeyahay, waxaana laga yaabaa in badankoodu shirkaduhu u fahmaan inaan dani ugu jirin in la isku xidho shirkadaha oo mid walba is tidhaahdo haddii shirkadihii la isku furo macaamiisha  me el joogtaa ka kale ayay u tagayaan mar haddii aanay jirin wax mushkilad ah oo diidaya in telefoon, tele foon kale la hadlo, markaa mar walba siyaasada dawlada ayay ku xidhnayd. Anigu odhan maayo waan ka karti badanahay ama ka caqli wacanahay, laakiin waa laga yaabaa in aanu ka nasiib badanahay, oo xukuumada oo dhan ayaa imika diyaar u ah, waana hadaf guud oo Madaxwaynaha Somaliland Md  Axm ed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku hogaamiyo dalka in wax kasta oo hore u suurtoobi waayay in maanta la hirgaliyo, dadaalkaas ayaanu anaguna hiigsanaynaa, taas ayaana xukuumada ilaa golaha wasiiradana aanu ku wada shaqaynaynaa waana hadaf guud oo dawladu wadato.


Ilaa hadda waanu isku xidhnaynaa shirkadaha Ma Afka ayuun-baad ka leedahay mise kulamo ayaad la qaadateen shirkadaha oo hawlihii ayaa socda?


Haa..shirkadaha hadda wadashaqayn wacan ayaanu leenahay oo meel fiican ayay wax noo marayaan sida xaqiiqda, waxaana horta muhiim ah in la fahmo, waayo qofku marka uu shirkad gaar ah haysto oo uu ganacsi ku jiro wuxuu eeganayaa dantiisa, laakiin dawladana xil-baa ka saaran wanaajinta adeega shaqada ay shirkaduhu hayaan, xil-baa ka saaran sidii loo wanaajin lahaa dalka iyo dadka macaamiisha ah, dhinaca kale dawlada waxa ka maqan cashuur iyo shaqaale faro badan ayaa kaga maqan nidaam xumada, markaa shirkadaha waanu kulanay oo wax badan ayaanu ka wada hadalnay, kulankuna muu ahayn ka isku xidhka shirkadaha, waayo shaqadayada taas kamaanaan bilaabin ee waxaanu ka  bilown ay in aanu dalka ka samayno sharcigii isgaadhsiinta Somaliland, kaas ayaanu samaynay oo muddo  sadd ex bilood ah ayaanu soo wadnay, waxaanu la kaashanay aqoonyahano badan, dad garyaqaano ah, mar kii ugu dambaysay ee aanu gabogabeynayna shirkadaha laftooda ayaanu dhammaantood ku casuunay oo aanu aqoon-iswaydaarsi u samaynay si iyaguna ay fikradooda uga gaystaan sharciga aanu  samay nay, sharcigaasina waa mid hadda diyaar ah golaha wasiiradana diyaar ayuu ka yahay, laakiin sugaya in golaha [Wakiilada] fasaxa ku jiraa uu ansixiyo, markaa taas ayaanu shaqada ka bilownay, waayo  sh arci la’aan cidna ma maamuli kartid, tan aanu imika aanu wadno ee isku xidhka shirkadaha telefoonada dalka, shirkadaha waxna way naga dhaxeeyaan waxna nagama dhexeeyaan, shirkadaha shaqo ayaanu wada leenahay, shaqada aanu wada leenahay sidii looga heshiin lahaa waxyaabaha khuseeya iyagga, matalan waxa jira xuquuqo ay iyagu kala qaadanayan hadhow oo iyagu marka ay isla hadlayaan ee ay laymanka isku marayaan xuquuqbaa jiraysa ay ka wada hadlayaan, haddii ay ku heshiin waayaana  kol eyba dawladu way soo faro-galinaysaa, laakiin inta kale shaqadani waa shaqo dawlada masuuliyadeedii ah inay hirgashana dawlada ayaa diyaar u ah, haddii ay shirkaduhu diidaana waxa loo baahan yahay in si wanaagsan oo caqliga saliimka ahi ku jiro aanu iskula shaqayno oo aanu iskaga qancino ayaanu  diya ar u nahay, shirkaduhuna waa shirkadahayagii, amaan ayaanuna u haynaa inay dadka reer Somaliland gaadhsiiyeen adeega isgaadhiinta, markaa u malayn maayo in aanu wax kala leenahay oo aanu wax kal a jiidanayno.


Maadaama oo aydaan haysan qalab lagu ogaan karo daqiiqadaha shirkaduhu isgaadhsiintu  isticmalaa an, sidee ayaad cashuurta aad xaqa ugu leedihiin uga qaadanaysaan.?


Nidaamka dawladu cashuurta kula soo baxayso waa nidaamka aanu hadda wadno oo uu aasaas u  yah ay isku-xidhka shirkadaha, haddii loo baahdana aanu uga gudbi doono qalab kale inaanu helno.
Hadda shirkadaha isghaadhsiinta dhib badan ayaa ka haysata dhulalka fog-fog Magaalooyinka  waawa yn waayo waxa ay la gorgortamayaan dad qabaa’il ah marka ay dhul galinayaan isgaadhsiinta ee  taa war oo kale meel ka dhisayaan, lacag badan ayaana kaga baxda si aan qalabkooda wax loo yeelin, dawl ada oo cashuurteeda hesha oo dhaqaalaha wasaarada iyo dawladaba uu kobco waxa ay dawladu awo od u yeelanaysaa inay iyaddu masuuliyadii ilaalinta qalabka shirkadaha isgaadhsiinta qaado, taasina waxa ay ku tusaysaa saamaynta ay shirkadaha ku leedahay oo haddii ay shirkaduhu faa’ido kaliya ku xisaabtamaan oo aanay dawladu iyadu dshaqaale helin, waligoodba shirkaduduhu waligoodba si bilaa macno ah ayay lacag ku bixinayaan, markaa cashuurta dawladu waa mid waajib ah qof lagala tashado oo dawladu u daba fadhiisanaysaa ma jirto, wayna naga go’an tahay, haddii wasiir hore ku fashilmayna aniga ayaa hadda diyaar u ah inaan ku fashilmo, haddii aan samayn kari waayana aan ka tago xafiiska, macnuhuna waxa weeyaan in ka iga dambeeyaa uu hirgaliyo, waana in lagu dhiiradaa oo dadku ay kala noqdaan dawlad iyo shacab oo cid walba xuquuqdeedii ay hesho.


Maadaama oo aydaan haysan qalabka sheegaya daqiiqadaha shirkaduhu dadka ka iibiyeen, mala odhan karaa nidaamka aad cashuurta kaga rabtaan waa xeer jajajb?


Horta wax walba wada shaqayn ayay ku hirgalaan, waana waxa ugu dambeeya nidaamka iyo awooda dawladnimada ee la isticmaalayaa, waxaasna waxa ka horeeya in la wada shaqeeyo oo aanu anaguna shirkadaha la shaqayno, shirkaduhuna anag nala shaqeeyaan, waliba iyadda oo la eegayo danta mujtamaca danta yar.


Dawladu hadda waxay ku tallo-jirtaa inay awoodii yeelato, qalabkan aad leedahay ma awoodi kartaana haa waanu awoodi karnaa oo maantaba wasaarada boosaha iyo isgaashiinta ayuu ku dhan yahay oo wax naga maqani ma jiraan, inkasta oo dawladu ay ka fikirayso inay iibsato qalab lagu kaantaroolo hawada Somaliland (National Frequency Control), wixii intaa ka sokeeya sida wixii aanu shirkadaha isku xidhkooda ama daqiiqadahooda kula soconayno, waaka imika wasaaradu hirgalinayso ee shaqadiisu soc oto ee lagu rikibayo xarunta wasaarada.


Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Maxamed Xaashi waxa uu hore u sheegay in shirkadaha  Xawaalad aha cashuur ahaan looga qaado wax u dhigma 0.1%, ma noo sheegi kartaa shirkadaha isgaadhsiinta wax aad cashuur ahaan looga qaado.?


Horta nidaamka shaqada ayay wax u dhimaysaa oo anigu ma odhanayo shirkad waliba intaa ayay bixis aa, laakiin wasiirka waxaan ku waafaqsan tahay inay aad u yar-tahay lacagta laga qaado shirkadaha isgaadhsiinta xagga cashuuraha ay dalka soo galiyaan marka loo eego faa’idada ay helaan, waliba mar arka qaarkood ay tahay wax laga xishoodo in la sheegaba, laakiin arintaa dawladhii oo dhan eed ayay ku leeyihiin, waayo waxay ahayd inay shirkadaha kala shaqeeyaan sidii ay cashuurta u bixin lahaayeen, iyaggana baahidooda kale loo dhisi lahaa.


Dawladu niyadda ma ku haysaa inay abuurto shirkad isgaadhsiineed oo ay leedahay, haddii shirkadaha gaarka loo leeyahay fulin waayaan awaamiirta xukuumadiina.?


Horta, anigu ka masuul ahaan mar walba waxaan looyar u ahay shirkadaha isgadhsiinta ee gaarka loo leeyahay.?


Way jiraan shirkado ajaanib ah oo naga doonaya in aanu wadanka dajino oo aanu liisano siino, haddana inkasta oo uu ganacsigeenu xor yahay, haddana waxa jira si dadban oo aanu anagu shirkadaha  wada ni ga ah u danaynayno oo aanu u ilaalinayno, in anaga iyo shirkaduhu aanaan isfahmin oo aanaan wada shaqayn naguma xambaarayso in aanu wax iyagga ka soo horjeeda oo burburinaya aanu ku kacno oo ka saaraya suuqa, laakiin waajibkayaga waanu gudanaynaa anaga oo aan iyagga la ficiltamayn.


Waxa jiri doona nidaam kaa ka duwan oo ah, wasaaraduna hadda laga bilaabo waxay awood u yeelan doontaa inay ugu yaraan dawlada u samayso layman gaar ah oo telefoono ah oo wasaaradu  maamu sho, waa haddii loo baahdo, laakiin waanu ka digtoonahay shirkado kale oo khalkhal ina galiya.
Bal waxaad umadda u sheegtaa wakhtiga ugu dambeeya ee aad shirkadaha isgaadhsiinta isku  xidhay saan ee shacabku hal telefoon oo kaliya isticmaali karaan, waayo wasiir umadda dhibaato ayaa ka haysata, dhinaca kalena arrimaha amniga iyo dhaqaalahaba waxa u fiican isku xidhka shirkadaha?


Waa su’aal wanaagsan oo aan lsleeyahay malaha haddii aydaan waxba haynin jawaabteeda waad ka biqi laheydeen.


Hadda wixii ka dambeeya waxa naga dhiman ee aanu gudo galaynaa waa xeer hoosaadadii shaqadan aanu wadno lagu maamuli lahaa, oo noo dhaxayn lahaa anaga iyo shikadaha laftooda, waayo waxa la rabaa in shirkadaha laftooda uu ka dhex dhaco wada hadal iyo tanaasulaad iyo is-afgarad xagga  qiim aha ah inuu ka dhex-dhaco, oo lagaga maarmo inay dawladu iyadu wax meel mariso. Markaa waxaan isleeyahay bishan soo socota ee labaad horaanteeda ayay dadwaynaha reer Somaliland awood u ye elan doonaan inay wada hadlaan, haddii Alle idmo.

Source: Wargeyska Geeska Afrika