Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka oo Xadhiga ka jaray Shirkad Cusub oo Dalka keentay Tagaasi Casri ah.

 

 

 


Munaasabada Furitaanka Shirkaddan oo maanta lagu Qabtay isla Xafiiska shirkadda Daawo Sawiradda

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta Xadhiga ka jaray Shirkadda Hargeysa City Bus oo Magaalada Hargeysa keentay Tagaasi yaryar oo Dadka rakaabka ah qaada.

Munaasabada Furitaanka Shirkaddan oo maanta lagu Qabtay isla Xafiiska shirkadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Somaliland, la taliyaha madaxwaynaha ee Gobolada Bariga Somaliland, Gudoomiyaha ururka Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland, Xubno ka Tirsan Golaha guurtida iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Shirkadda Hargeysa Taxi Company C/kariin Saalax Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay Furitaankii Xaflada ayaa Faahfaahin ka bixiyay Shirkaddan cusub iyo sida ay uga hawl gali doonto hargeysa, waxa uu sheegay in shirkaddani loo aasaasay in ay shaqo abuurista Dhalinyarada dalka qayb ka qaadato una abuuraan shaqo tayo leh.


Gudoomiye C/kariin waxa uu sheegay in ay Baabuurtan ka shaqayn doonaan Dirawallo Takhasus u leh shaqada ay bulshada u qabanayaan, kuwaasi oo ay tijaabo ka soo qaadeen shirkad ahaan, isla markaana aanu kaxayn doonin dirawal aan liisan lahayn, waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay damaanad ka qaaday shirkadu dirawliinteeda isla markaana ay yihiin kuwo aamin ah oo leh tixraac uu ku garan karo qofka rakaabka ahi iyo Tixraacii gaadhigaba.

Waxa uu sheegay in hargeysa ay noqotay Caasimadii ugu horaysay Afrika ee baabuurtan yeelata (Yellow car) kuwaasi oo qaabkii iyo midabkii iyo tayadii ka Maraykan jooga oo kale leh, Gudoomiyuhu waxa uu xusay in indha Dadku qabtaan laba meelood oo kala ah Madaarada iyo Tagaasida, kuwaasi oo muraayad u ah wadan kasta, waxa kale oo uu intaasi raaciyay in ay Shirkaddu la jaan qaadi karto adeega Madaarka Caasimada Hargeysa ee dhismihiisu socdo.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Somaliland axmed Cabdi Xaabsade oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheeay in shirkadani ahayd mid loo baahnaa oo caasimadu tabaysay,waxaanu sheegay in loo baahanyahay dadka mufakiriinta noocan oo kale ah Xukuumad ahaana ay soo dhawaynayaan fikaradooda.DSCN7240
Wasiirku waxa uu sheegay in Xil saarnaa ay shirkadani ka furatay aadna Caasimadu ugu baahnayd hadday tahay Madaarka iyo magaaladaba, waxaanu kula dardaarmay in ay nabad galyada iyo amaanadaba illaaliyaan, waxa kale oo uu ku booriyay in ay dirawaladu Afka ajaanibka yaqaanaan maadaama oo ay madaarada ka shaqaynayaan.

La taliyaha Madaxwaynaha ee Goboladda Bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabo badan oo ay beel ahaan ka caban jireen maanta beenoodbay isla markaana aanay jirin cid hargeysa ka xigta oo kaga Awood saraysa.

Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sheegay in Qurba jooga Beesha Dhulbahante gartaan Hargeysa tahay Caasimadoodii, Bulshada ku dhaqanna tahay Gob lala dhaqmi karo.
Xildhibaan C/qaadir indho-indho oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida oo isaguna hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ku booriyay in ay ka kiraystaan shirkaddan baabuurta ay keeneen isaga oo xusay in ay keeneen Gawaadhidii ajaanibku garanayay, kuwaasi oo uu sheegay in ay buuxiyeen shuruudihii tagaasida caalamka looga baahnaa.

Gudoomiyaha Ururka shirkadaha isgaadhsiinta iyo Mulkiilaha Hotel Guuleed oo iyaguna hadalo halkaasi ka jeediyay ayaa ku booriyay bulshada Somaliland in shirkaddan la soo dhaweeyo oo baabuurta laga kiraysto, macaamiil fiicanna lala yeesho.DSCN7195DSCN7194
 


Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
mccfuture@hotmail.com