Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo kormeer ku soo maray Goobaha kaadh Bedelka Gobolka Gabiley iyo Wacyi Galinta oo aad u liidatay.
 

Gabiley (TNN)-Wasirka Warasarada Ganacsiga Somaliland mudane Abiib Xasan Filfil ayaa  ko rmeer ku soo maray Goobaha Kaadh bedelka Gobolka Gabiley, Wasiirka oo ay Wehelinayaan Qaar ka mid ah Bahda saxaafada Somaliland ayaa kormeerkiisu ahaa indho indhayn uu ku samaynayay Habsami u socodka Hawlaha Kaadh bedelka Gobolka Gabiley iyo Guud ahaa ja wiga Nabad galyo ee Goobaha Liisaska Diiwaan Galintu yaaleen.

Wasiirka oo soo maray Goobo badan oo ka mid ah Gobolka ayaa Warbixino ka dhagaystay Gudoomiyeyaasha Goobaha Kaadh beddelka iyada oo ay sheegeen in Guud ahaa Shaqadu si fiican u socoto balse Wacyi Galinta oo aad u hoosaysay awgeed aanay jirin Goobaha  Qaar kood Cid kaadhadh la siiyaaba, halka Goobaha Qaarna ay aad utiro yaraayeen Dadwaynaha qaadanayay Kaadhadhka Codbixnta Doorashooyinka Somaliland.

Cabashooyinka u badan ee uu kala Kulmay Wasiirku intii uu ku gudo jiray kormeerkiisa  wax aa ka mid ahaa Goobaha Qaarkood oo ay ka maqnaayeen liisaska Qaarkood sida liiska laga baadhayo dadka Da,doodu yartahay (under Age), liiska Tilmaanta Dadka dhawrka jeer isdiiwaan galiyay (Double registration list), iyo Goobaha Qaarkood aan Cidiba u iman Dhawr Qof mooyaane.

Wasiirka Ganacsiga somaliland oo Warbixin kooban Siiyay Shabakadda Wararka ee Timaca de News ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kormeerkiisa isaga oo ku tilmaamay in uu u kuur galayay hawlaha Geedi socodka Kaadh badalka ee Gobolka Gabiley, waxaana uu  she egay in Dhamaan Goobihii uu soo maray ay si nabad galyo ah uga socotay hawsha kaadh beddelku.

Mudane Abiib Xasan Filfil Waxa uu ka Dayriyay Wacyi Galin la,aanta Dadwaynaha Gobolka iyo Guud ahaanba Somaliland isaga oo ku dhaliilay in Gudida doorashooyinku aanay Siinin Wacyi Gali ku Filan , taasi oo sababtay inay dadku ka gaabiyaan Bedelaada kaadhadhkii  hor e oo aan Goobihii ugu dadka badnaa wakhtigii diiwaan galinta aanay Dad badan ka  qaadan in kaadhadhka, waxaa kale oo uu xusay inay Gabiley Tahay Gobol Beeralay ah sidaa  awge ed wakhtigani tahay wakhtigii ay ku mashquulsanaayeen Qodashada Beeraha Dadka ku dhaqan Baadiyahana aan Wacyi Galin la siinin haba yaraatee.

Wasiirku Waxa uu soo jeediyay komishanka, Dadwaynaha Reer Somaliland inay ka  Hawl  galaan Wacyigalinta Dadwaynaha oo ay ku dhiiri galiyaan Dadku inay qaataan kaadhadka Cusub si ay uga qayb qaataan Doorashada Fooda inagu soo haysa, ugu Danbayntiina Waxa uu sheegay Wasiirku in uu Kormeerkiisa ku soo mari doono, Guud ahaan 70-ka Goobood ee ay ka socot hawsha bedelaada kaadhadhka Gabiley.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Gabiley oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Degmada Aadan Muxumed Badde iyo Badhasaab ku Xigeenka Gobolka C/risaaq Sh.Aadan Cali ayaa iyagu Warbixin kooban ka siiyay Bahda Saxaafada Guud ahaan Habsami u socodka Hawsha  kaad hadh beddelka Gobolka Gabiley.

Maamulka Gabiley waxa ay ka warameen Dhibaatada ka haysata Wacyi Galin la,aanta  Dad waynaha oo noqotay Dhibaatada ugu Wayn oo hortaagan Habsami u socodkii hawsha  Diiw aan Galinta, iyaga oo Xusay in maamul ahaan bilaabeen Wacyi galinta dhinacooda oo ay Baabuur saareen Microphone-adii Wacyi Galinta

Maamulku waxa uu faahfaahin ka bixiyay Qaladaadka Komishaku sameeyeen Wakhtigii  Dii waan Galinta oo Dadka qaar Caqab ku noqotay in Goobtii ay iska Diiwaan galiyeen inay ka qaataan kaadhka Cusub, taasi oo ay Tusaale u soo Qaateen Ciidan Qaranka ee Wakhtigii Diiwaan galintu socotay ka Shaqaynayay Gobolka Sool maanta ku sugan Gabiley kuwaasi oo aan Gaadhi Karin Goobihii ay iska Diiwaan Galiyeen, kaadhkooduna halkaa ku khasaarayaan.

Masuuliyiinta Gobolka Gabiley waxay aad ugu dheeraadeen Qaabka Nabad galyo ee ay  u socoto Hawshu iyada oo Gabiley ahayd Goobtii ugu horaysay ee Bilawday kaadh Bedelka Wakhtii loo qoondeeyay, Waxaanay usoo jeediyeen Dadwaynaha Reer Gabiley inay  Qaata an Kaadhadka Cusub oo ay soo Saaraan Codadkii Gobolka ee ay qaateen Wakhtigii Diiwaan Galin.

Goobaha ugu badan ee aanu kormeerka ku soo marnay gabiley oo ay ku yaraayen  Qalada adka dadka dhawrka jeer isdiiwaan galiyay, iyo Dadka ka yar Da,dii loo baahnaa in la  diiwa an galiyo, balse waxaa aad u yaraa Dadka ku sugan Goobaha ay hawshu ka socota taasi oo sababteeduna ahayd Wacyi galinta oo aad u liidatay.

Goobaha dadka ugu badani iska diiwaan galiyeen maanta illaa shalay ayay Qiyaas ahaan N oqonaysaa Dadka qaatay kaadha goobtiiba 600 qof labadii cisho halka Goobaha  Qaarkoo dna Afar Qof iyo wax aan Dhaamin ka qaateen, iyada oo Goobaha Miyiga Qaarkood galinkii danbe aan cidiba u iman.


Maanta oo ahayd maalintii labaad ee Hawsha kaadh beddelka ayaa Gobolada Somaliland oo dhan dib udhac ku yimi maalintii ugu horaysay iyada oo komishanka Doorashooyinkuna ku sababeeyeen booliska oo ku yaraa, balse Gabiley waxa ay kaga duwanayd Goobaha kale Bedelaada kaadhadhka oo ka bilaabantahay wakhtigii loogu talo galayo iyada oo ay  Boolis ka Gobolka Gabiley Muujiyeen Awoodooda Wax qabad ee hawsha diiwaan galinta, Goob walbana la geeyay Boolis ku filan hawsha Nabad galyada Goobaha Hawsha Kaadhadhka Cusubi yaalaan.
 



Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Timacadde News Network (TNN)
Gabiley/Somaliland.
mccfuture@hotmail.com