Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay socdaal uu ugu kicitimay galbeedlka Afrika


 


Hargaysa (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar iyo Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor ayaa safar shaqo ugu ambo-baxay dalalka Nigeria iyo Congo oo ku yaalla galbeedka Afrika.

Wasiir Maxamed C/laahi Cumar oo maanta warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa ayaa sheegay in isaga iyo mareeyaha Dekeda Berbera kulan la yeelan doonaan shirkadda Bollare oo maamusha dekedaha dalalka Nigeria iyo Congo, waxaanu tilmaamay in shirkada Bollare wada hadalo kula yeesheen magaalada Paris ee dalka French.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo arrimahaasi ka hadlayayna a waxa uu yidhi “Waxaan maanta u baxaynaa aniga iyo mareeyaha Dekedda Berbera dalaka Nayjeria iyo Congo oo dekeda ku yaa lla ay maamusho shirkadda Bollare oo sida laga warqabo dhawaan wada hadalo hordhaca oo arrintaa Berbera kula yeelanay magaalada Paris ee dalka Fench, waxaanay arrintani ka mid tahay, qorsheynta iyo ka baaraan dagida dawlada Somaliland ee hindise shirkaddaasi noo soo gudbisay oo aanu daraasad ku samaynayno markaa waa qayb ka mida in daraasadaa eegno sida ay u maamulaan dekeda dhaqaalaha ay dalalka ku soo kordhiyaan sida shirkadda iyo dala lkaasi u waddaagaan faa’iidooyinka ka soo baxa dekeda iyo horumarka ay ku soo kordhiyeen dekedaha dhinaca kale waxa la tashiyo la samaynaynaa garyaqaano Somaliland iyo kuwo ca alamiya oo aanu arrintaa sharci ahaan talooyin naga siin doona markaa ka dib ayaa dalku go’aan ka gaadhi karaa wixii uu ku yeelayo arrintaa.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu u mahadceliyay baanka adduunka oo uu sheegay in ay dhawaan dalka ku qabteen shir lagaga hadlayay dhaqaalaha Somaliland. waxaanu yidhi “waxaan baanka adduunka uga mahadcelinayaa taakulaynta iyo gacanta uu naga siiyo in dar aasad lagu sameeyo dhaqaalaha dalka, waxaanay ahayd tallaabo xaga wanaagsan loo qaada yo oo dalka siinaysa wax lagu qiyaasi karo horumarka dalka, isla markaana aanu ka shidaal qa adano meelaha u baahan in la hagaajiyo. Somaliland waa dal nabadgalyo, waa dal dimuqraa diya waxaanay keeni doontaa in arrimahaa tixgelitooda in Somaliland kor u kaco dhaqaalahee da, waxa kale oo Somaliland leedahay wax soo saar isa soo taraya maalin walba markaa kani sanad qudha ayuu ku qiyaasnaa”.

 



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland