Wasiirka Wasaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caa lamiga ah, Oo Maanta Xafiiskiisa ku Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo ka Socday Dalka Shiinaha

 


Hargeysa (TNN):-Weftigaa oo ka koobnaa Ganacsato iyo Maal-gashadayaal ka socday dal wey naha Shiinaha oo uu hogaaminayey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka China Ambass ador Abdi Mohamud Saleebaan iyo gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Shiinaha ku no ol.
 
Ujeedada ugu muhiimsan ee weftigaasi waxay ahayd si ay u indha-indheeyaan fursadaha xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee ka jira dalka JSL.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ayaa warbixin faah-faahs an weftiga ka siiyey in ummadda reer Somaliland ay yihiin bulsho caan ku ah xagga Gana csiga isla markaana ay xidhiidhiidh ganacsi oo soo jireen ah la lahaayeen dalka Shiinaha.

Wasiirku waxa kale oo uu weftiga uga warramay goobta isteraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro Ganacsiga Caalamku. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo khayraadka dabiici ga ah ee dalka ceegaaga una baahan in la Maal-gashigashado.

Ugu danbayn Wasiirku wuxuu ka warramay heerarka ay JSL soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay Somaliland haatan diyaarka ugu tahay uguna baahan ta hay xidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba.
 
Waxa iyaguna dhinacooda muujiyey inay si weyn u danaynayaan inay helaan fursado iyo xaalado ay shirkadaha ay wakiilka ka yihiin dalka ku sameeyaan Maalgashi dhinacyo bada n leh xubnihii weftiga hogaaminaayey.

Kulankan maanta ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dalka Somaliland ku sugan yihiin wefti balaadhan oo Arrimaha isu socodka ganacsiga, nabadgelyada iyo xidhiidhka labada dal uu ku dhex maray madaxda Wasaaradda Ganacsiga, iyo Maalgashiga caalamiga ah oo ay si wada jira shalay u dhagax dhigeen xubnaha weftiga, Maamulka dekeda Berbera, iyo Wasii rka Wasaaradu taas oo laga hagi doono ganacsiga labada dal ee Somaliland iyo itoobiya ay ka wada hadleen.
 


Wa-bilaahi Tawfiiq