Wasiirka Gaashandhiga Oo Sheegay In 15 December La Qaybin-doono
Darajooyinka Ciiddamada
Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed X. Cali Caddami ayaa sheegay
in 15-ka December 2012 ay Dalka...........
Hargeysa (TNN) - Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed X. Cali
Caddami ayaa sheegay in 15-ka December 2012 ay Dalka Itoobiya ka
iman doonto darajadii ciidammadda qalabka sida ee Somaliland oo dhan.
Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi maanta uu
siiyay Weriye Xa mse Cali Bul-Bul oo ku tirsan TV-ga qaranka
Somaliland.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waxaan dadweynaha reer Somaliland
si rasmiya aan ugu sheegayaa in hawshaas barayhanba la waday oo
gacanta lagu hayay, gudi qaran ayaa loo qabtay oo Hargaysa joogta,
Boorama Ilaa Saylac cidii aqoon ciidan iyo mid darajo la bidaay ay
iyo sidaas si leeg ilaa bariga sanaag dad waayeel ah oo ciidamada u
soo shaqeeyay oo waayo aragnimo leh baanu soo ururinay, si wanaagsan
oo hagar la’aan ahna hawsha waa ay u wadeen, walina gacanta ayay ku
hayaan.” “ Hawsha la samaynaayana warkeeda hawa da lagama keenayo’ee
ciidamada dhexdooda ayaa laga soo qorayaa oo foomam ayaa la diya
ariyay, waa la soo buuxiyay, nin waliba goortuu ciidanka qaranka
galay iyo inta uu ka shayn aayay, waxa uu ku galay inuu aqoon
cilmiyeed leeyahay,masuuliyad inuu qabtay iyo inkale iyo inuu
tabobar askariyeed ku galay, arimahaas oo dhan ayaa la eegayaa,
waana qiimayn lagu sameeyay ciidanka qaranka Somaliland.”
Wasiir Cadami oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “ Saraakiiisha,ku
xigeenada ilaa iyo isba tooruhu qiimayn ayuu leeyahay, waxa
qiimayntaas barbar socday laba nin oo ku jiray ayaa ku maqan Addis
Ababa oo hada bil maqan warshad baa samaysa darajooyinka markaas hal
kaas ayay ku taalaa, waxaanan u qornay wasiirka gaashandhiga ee
Itoobiya iyo masuuliyii nta kale ee amniga codsi waanay aqbaleen,
wafigiina waa ay u tageen oo waxa ay u sheege en inay diyaar u
yahiin.Hawshiina waa aynu codsanay waraaqsiina waa aynu dhiibnay oo
tirada aynu doonayno ayaynu sheeganay bilbay qaadnaysaa samaynteedu,
15-kii bishan ka bilaw ilaa 15 bisha danbe ayay qaadnaysaa iyada oo
dhan ayaa markaas la soo qaadayaa, labadeena sarkaalna meesha ayay
joogayaan oo waxii su’aalo ka soo baxa ayay saxayaan, sidaas ayayna
hawshaasu u socotaa marxalad fiicana waa ay maraysaa.”
Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu hadalkiisa ku
soo gunaanday “ Waxaa kal sooni lagu qabaa in wakhtigii loogu
talogalay ay ku dhamaanayso, anigu sida aan hada qiimaynaayana marka
ay dhamaato in lagu beego munaasabad waa lagama maarmaan, in lagu
beego wakhtigii la aasaasay ciidanka qaranka ayaa dhaci karta waana
laga tashanay aa, lakiinse waxa muhiim ah in ay malaawaalkii hada ka
baxday, waxii oo Kumbutar garaysan ayaana la hayaa oo aan ciidanka
qaranka oo kaliyaata aan ahayn ee ay ku jiraan Booliska iy o
ciidanka baduba ayaa la hayaa oo la fayl gareeyay. Wakhtiga lays
waafajiyo ayaana lagu dhawaaqayaa.”
Khaalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|