Wasiirka gaashaandhiga soomalia xuseen carab oo la rabo in laga dhigo nin qabiil kasoo jeeda
 

 

 

Waxa dhawaan isa soo taraya dacaayado badan oo khakhal lagu galinaayo wada hadalka habsa mida ee somaliland iyo soomaliya u dhaxeeya.waxa dhawaan laga soo laabtay shir m lagu qabtay magaalada london kaas oo ay ku kulmeen m,adaxada somaliland iyo kuwa soomaliya auagoo ay wheliyaan madax badan oo aduunyada ka socota oo gaadhaya ilaa 50 dawladood.

Waxa shirkaa kasoo baxay qodobo badan oo ay ugu muhiimsanayd in la adkeeyo nabadagalyada mandiqada inkastoo aan shirka lagu darin in ururka alshabaab talada shirka wax laga siiyo taasi na aanay ahayn mid fiican marka la rabo in nabad waarta la gaadho.

Waxa hadaba mucjiso noqtay in dhinaca s/land ay sheekada dhinac kale u dhigeen ayagoo ade egsanaya inay ay khalkhal galiyaan waanwanta labada dal wadaan wasiirka gaashaandhiga ee soomaliya xuseen carab ciise oo ah raga sh shariif aad ula shaqeeyay ee sida wayn uga qayb qaatay isu keenida labada maamul ee somaliland iyo soomaliya ayaa maanta loo arkaa inuu yah ay cadawga ugu wayn ee somaliland ay leedahay.

Waxa markiiba la guda galay in dacayado badan laga fidiyo xuseen carab ciise waxaana la go, aa nsaday in dadka reer soomaliya loo tuso in xuseen carab ciise yahay mid u xaglinaaya dhinaca s/land.wasiiruldawlaha soomaliya cabdi wali oo asagu si badheedha u hor istaagay arinta khaa tumo state ayaa waxa dusha laga saaray wasiirka gaashaandhiga xuseen carab oo aan asagu wax luga ku lahayn kaliya waxa wasiirka gaashaandhigu yidhi dhawr kalmadood oo uu amniga m andaqda u nasteexaynaayay balse si khilaaf wayn looga dhaliyo somaliya iyo soomaliland waxa maanta la go,aansaday in wasiirka gaashaandhiga xuseeen carab hadalo gafa oo aanu qabin du sha laga saaro si dadka koonfurta loo shaki galiyo oo looga dhigo in ninkani yahay nin meel kale laga soo diray

Dacaayadahan badan ee soo noqnoqda ayaa ah kuwo rag badan oo siyaasiyiina loo adeegsado
sida siyasiga wayn ee xisbiga ucid hogaanka u haya mudane faysal cali waraabe. mudane faysal ayaa markaad la kulanto waxaad arkaysaa in dad badani aakhiro ku guban doonan beenta ay ka fidinayaan iyo warka ay suuqa galinayaan. mudane faysal cali waraabe waa nin mudawaca oo x aga diinta ku wanaagsan . waa nin aan beenta aqoon waa nin runtii marka uu dadka hor fadhiyo jecel inuu waxqabadka uu rabo wax kaa ogaysiiyo

Waxase xaqiiq ah in rag badan oo siyaasiyiini haday heli lahaayeen garab adag iyo taageero inay dunida ku noqon lahaayeen dayax nuuray laakin lil asaf shadiid ilaa imka way sugayaan inay jaan iskooda helaan

gabagabdii


Wasiirka gaashaandhiga iyo siyaasadiisa soomaliya anigu shaklhsiyan ma ihi mid wax luga ku leh
mana ihi nin alshabaab kasoo horjeeda kaliya waxaan ka hadlay oo aan sheegay in dad badani ay raban inay khilaaf ka dhex abuuraan soomaliya iyo soomaliland ayagoo mudane wasiirka gaasha andhiga ka dhigaya nin qabiil ah ama cid dhinaca ku haya oo filim aan jirin dadka u sawiraaya.

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London