Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Sheegay In Ciidanka Qaranku Dhirbaaxo Huwiyeen Maleeshiyaadka Khaatumo Seeg, kana Waramay Dagaalkii Saaka ka dhacay Laasaanood iyo Buuhoodle.

 



weerarrada Malleeshiyada Khaatumo oo fulinaya go’aammadii bishii koowaad ee sannadkan ka soo baxay Shir lagu qabtay degmada Taleex


Hargeisa (TNN)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa Ka hadlay Daagaalkii Maanta ka dhacay Deegaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, Khasaaraha Dagaalk aasi iyo Guullo uu sheegay in Ciidanka Qaranku ka soo hooyeen Dagaalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga oo saaka Shir Jaraa,id ku Qabtay Xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in Ciid amada Qaranka ee ku sugan jiidda hore ee deegaannada Gobolka Sool iyo Buuhoodle ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen Malleeshiyada loogu la magac baxay Khaatumo ee taabacsan dagaal-ooge Cali K haliif Galaydh oo Weerarro ku soo qaaday laba fadhiisin oo ay Ciidammadu ku sugnaayeen.

Md.Cadami waxa uu sheegay in Ciidammada Qaranku difaaceen weerarrada Malleeshiyada Khaatu mo oo fulinaya go’aammadii bishii koowaad ee sannadkan ka soo baxay Shir lagu qabtay degmada Taleex ee gobolka Sool oo lagaga dhawaaqay waxa loogu Sheegay Maamul aan Meelna haysan oo la Magac baxay Khaatumo, waxa kale oo uu sheegay Wasiirku inay Ciidammada Qaranku iska difaaceen weerarrada lagu soo qaaday, isla markaana ay baacsadeen Malleeshiyada ku soo duushay.


Wasiirka Gaashaandhiga oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Weerar baa lagu soo qaaday Ciidammadeennii halkaa joogay (Jiidda Sool), weerarkaa waa laga diyaar-garoobay, Ciidammadu wa y caabbiyeen, waa la iskala fogaaday halkii la isku soo weeraray, meelo ka durugsan baa la isla mara yaa, hordhac ma samaynayno oo si aan waxba uga soo noqon war sugan baannu ka rejaynaynaa inuu ka soo baxo saacadaha soo socda” ayuu yidhi Mr.Cadami

Wasiirka Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa hadd aa Saxaafadda tihiin maaddaama oo dadka dhagtu wada taagan tahay, waxaan idiin sheegayaa ina an kedis loogu iman Ciidammada Qaranka, iyaga oo feejigan oo diyaar ah ayaa loo yimi, difaac wanaa gsan buu sameeyey, meeshii lagu dagaallamayna meel ka durugsan baa la isla marayaa, wixii dhaaw ac iyo dhimasho ah ee jira iyo wixii gaadiid la kala qabsaday markuu warka oo sugani soo baxo ayaa nnu sheegaynaa, Goobaha dagaalku ka dhacay waa deegaannada Buuhoodle iyo Laascaanood, cid da dagaalka soo qaadday maaha cid cusub ee waa ciddii awalba dhufayska la isugu jiray, gaar ahaan Kooxda loogu yeedho Khaatumo oo fulinaysa go’aammadii ka soo baxay shirkii Taleex”

 


Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland