Wasiirka Duulista Oo Fadeexado Musuqmaasuq Oo La Sheegay In Looga Gudbiyey Dawladda Kuwait ,Inuu Iska Leexiyo U Adeegsaday Agaasimihiisa Guud

 



Hargeysa (TNN) – Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la she egay inuu si khaldan u maamulay dhaqaale loogu talo galay dayactirka Madaaradda Hargeysa iyo Berbera oo la sheegay in dawladda Kuwait ay bixisay kharashkaasi, taas oo la tilmaamay in La ta liyihiisii dhinaca Madaarada Maxamed Cilmi Makhtal oo uu Wasiirku shaqada ka joojiyey dhawaan ayay tibaaxuhu sheegayaan inuu gudbiyey dawladda Kuwait eedahaasi wasiirka ka dhanka ah.

Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi ayaa eedaha la sheegay in looga gudbiyey dawladda Kuwait oo iyadu hore u balanqaaday inay lacag badan ku bixin doonto dayactirka Madaaradda Igal Inte rnational Airport iyo Madaarka Magaalada Berbera iska fogayntooda u wakiishalay inuu ka difaa co Agaasimihiisa Guud Axmed Dalal Faarax, kaas oo shalay mar uu Warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa sheegay in La taliyaha shaqada laga caydhiyey uu ahaa Nin khiyaamo qaran sameeyey oo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya la taliye u ahaa.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Duulista Axmed Dalal Faarax waxa uu la taliyihii Wasiirka Maxam uud Xaashi ee dhinaca Madaarada Maxamed Cilmi ku eedeeyey inuu shirar badan oo hay’adda dhi naca hawada u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee ICAO qabatay inuu u matalay dawladda TFG-da, isaga oo markaa la taliye u ah Wasiirka Duulista.

Dhinaca kale jawaabta Agaasimaha Guud ee Duulista ayaa ah mid uu kaga jawaabayo warar sh eegaya in Wasiirka Duulista iyo gaadiidka Cirka Maxamed Xaashi Cabdi in la taliyihiisaasi uu u ery ey siro musuqmaasuq oo la sheegay inuu uga gudbiyey dawladda Kuwait oo lacag badan ku bixis ay horumarinta Madaarada Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo lala xidhiidhinayo in wasiirku aanu si haboon u maamulin lacagtii loogu tallo-galay in lagu casriyeeyo madaaradaas loo adeegsado, taasi oo la sheegay inay ka cadhaysiisay wasiirka, isla-markaana keentay inuu shaqada ka joo jiyo.

Si kataba ha ahaatee si dhaba looma oga xaqiiqada in Wasiirka duulistu Maxamuud Xaashi uu Kh arashaadkaasi si khaldan u maamulay, hase yeeshee mar aanu isku daynay in aanu wax ka wayd iino eedahaasi loo jeediyey iyo sababta uu agaasimihiisa ugu wakiishay inuu eedahaasi ka leexi yo, ayaanay noo suurta galin kadib markii uu Telefoonka naga qaban waayey.
 

 

Source:Haatuf