Wasiirka Duulista Oo Ceeb Uu Kala Baxsanayay Wasaa radiisa Dusha U Saaray Qaranka Somaliland

 


laakiin muhiimada u wayn ee ay noo sheegeen waxa weeye arrimo dhinaca guud ee nabad gelyada la xidhiidha,


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Ca bdi, ayaa ceeb uu is lahaa kala carar dhismaha madaarka diyaaradaha Hargeysa ee muranka ka taagan yahay waxa sababay in diyaaradda Ethiopian Airline joojiso duulimaadyadeedii dusha ka saaray qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu ku dooday in sababta keentay joogsida duulimaadyada diy aaradda Itoobiya aannu la xidhiidhin ceeb uu leeyahay dhismaha madaarku, balse ay ku lug leedahay Ammaanka Somaliland oo ay saluugtay, iyadoo arrintaasina ceeb ku tahay Qaranka Somaliland oo laga war qabo inuu ka mid yahay dalalka ugu ammaanka fiican dalalka Bariga Afrika.

Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya waa mid ganacsi oo la mid ah diyaaraha kale, xaq bay u leey ihiin inay meel ka joogaan meel kalena ka ganacsadaan, annaguna khasbimayno, laakiin muhiim ada u wayn ee ay noo sheegeen waxa weeye arrimo dhinaca guud ee nabadgelyada la xidhiid ha, iyagoo haddana ku qanacsan xaaladda guud ee nabadgelyo ee Somaliland, balse aanay aha yn arrin farsamo oo madaarka ah iyo u soo wareejintii madaarka Hargeysa wax ka xun aannu jirin oo waanay caddeeyeen, haddana aad mooday in aanay ku go?aan qaadan xaaladda nabad gelyo ee Somaliland ee aad moodo in duruuftaa Soomaaliya iyo waxyaabaha ka dhacaya uun in walwalkoodu salka ku hayey,? ayuu yidhi Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da uga warramay shalay kulan isaga iyo Wasiirka Daakhiligu kula yeesheen masuuliyiinta diyaaradda Ethiopian Airline magaalada Addis Ababa.


Waxa kaloo uu sheegay in ay shirkadda diyaaradda Itoobiya isla qaateen inay dib u bilowdo du ulimaadyadeedii Somaliland, inkasta oo aannu carabaabin waqti cayiman, isagoo dusha ka saar ay shirkadda dhibaatada ka dhalatay joojinta duulimaadyadeeda.


Xilli adag oo dadkii qurbaha ka yimi badankoodu noqonayey oo diyaaraddu maalin walba ay buu xday ayey hakintaasi saamaysay, waanuna ka xunnahay oo arrin annagu xukuumad ahaan sha qo ku leenahay maaha ee waa arrin shirkad ganacsi keentay, waxaan jeclahay in dadweynuhu sidaasi u fahmaan, laakiin doorkii dawladnimo ayaanu ka ciyaaraynaa oo waajib ayey nagu tahay in aannu culays saarno,? ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Maxamuud Xaashi.

Source:Hadhwanaag