Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Xog waran ka siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Hawsha Wasaaradiisa.

 


“Wasaaradda Duulista hawaddu waxay maamushaa oo shaqada ay Qaranka u hayso ..............


Hargeysa (TNN)-Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa faahfaahin xog waran ka siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Shaqada ay Qaranka u hay so Wasaaraddiisu, isaga oo ka sheekeeyey halka ay marinayaan hawlaha horumarinta Madaarada Dalka.

Wasiirka oo maanta hor tagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey meelaha ay Wasaaraddiisu maamusho waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Wasaaradda Duulista hawaddu waxay maamushaa oo shaqada ay Qaranka u hayso u weyn madaarradda dalka iyo ka ganacsiga hawada Somaliland, madaaradda dalk u waxay u qeybsan yihiin laba qeybood, labada madaar oo kuwa caalamiga ah inoo xisaa bsan iyo madaaradda kale oo ah madaarro goboleed. Waxa na haysta caqabado badan mandaqad xasaasi ah ayaynu ku nool nahay oo nabadgelyaddu ay halis ku jirto.


Madaaraddeenu waxa had iyo jeer ay ku eedeeyaan cadowgeenu inay yihiin madaarro jilicsan, Waxa xil naga saaran yahay inaanu ilaalino nabadgelyada madaarradda dalka si aanay uga soo degin cadowga Somaliland. Waxa madaaradda ka shaqeeya ha’yado bad an oo dawliya oo ay ka mid yihiin Wasaarada Maaliyadda, Laanta socdaalka, sirdoonka qaranka, hase yeeshee waxa maamulka madaarada isku duba ridaya oo maamula sarkaal ka socda wasaaradda duulista Hawadda.”


Wasiirka ayaa sheegay in ay maalin walba Madaarada ku qabtaan dad Qaranka Somalilan d ka soo horjeeda ama falal ka soo horjeeda sameeyey, waxaanu Wasiirku yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Maalin walba waxaanu qabanaa dad faro badan oo Somaliland u dhashay laakiin qaranimadeena ku tacadiyay oo xilal ka haya maamulo kale.


Qaar Alshabaab ah oo rasmi ah ayaanu qabanaa laakiin lama sheego sababo la xidhiidha ammaanka darteed, maalintii dhawayd aad iyo aad ayaanu uga naxnay sarkaalkii Ciidanka qaranka ee dhawaan sheegay inay qabteen walxo qarxa oo aanay ahayn inuu isagu mar ka horeba hadlo aan xaq u lahayn.Ha’yadaha ammaanku Booliska iyo sirdoonku way yaqa anaan sida loola macaamilo dhacdooyinkan.”

Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa uu sheegay inay Madaarrad da Hargeysa iyo Berbera ay ku rakibeen kamarado iyo agab kale oo wax ka taraya amma anka madaarka.


Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay dayactir balaadhan ku sameyn doonaan dhabada diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarada Hargeysa iyo Berbera, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dalka Kuwayt ayaa 2010-kii waxay inoogu deeqeen 10 malyan oo Dollar oo ay inoogu deeqeen inaynu ku horumarino madaaradda Berbera iyo Hargey sa., lacagtaasi waxa la inagu caawiyay iyadoo aan la qiimayn baahida labada madaar ee Hargeysa iyo Berbera,waxaanu ku rajo weynahay inaanu dhawaan dayactir balaadhan oo dhinaca dhabada ah iyo deyrar waaweyn lagu soo wareejinayo,”.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in qandaraaska mashruuca casriyaynta labadaasi madaar ay dhawaan lagu dhawaaqi doono shirkada ku guulaysata, waxaanu xusay inay soo dalbad een shirkado badan oo ajanabi ahi.

Wasiirka ayaa ka hadlay Sababaha ku kalifay in ay iibiyaan Xaruntii Wasaaradda, waxaa nu yidhi “Wasaaradda qeyb shaqadeedii ka mid ah waxa haysa Ha’yad la yidhaahdo CAC AS oo hoos tagta ICAO oo hawada oo dhan maamusha iyagaa lacagaha hawadeena qaa da, waxaanu u baahan nahay xarun weyn oo aanu ku shaqayno dhismahan imika aanu ku jirnaa waa meel yar oo suuqa oo dundunsan sidaasi darteed ayaanu u baahanay in la iib iyo dhismihii hore ee wasaaradda, waxaana qandaraaskiisa loo baahiyay sifo sharci ah.”
 

 


Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland