Wasiirka Duulista Iyo Hawada Ee Somaliland Oo Ku Dhawaaqay In Ay Dalka Ka Mamnuceen Shirkada Diyaaradaha Ee Djabuuti Air In Ay Iskaga Kala Gooshta Djabuuti Iyo Somaliland

 


Hargeysa (TNN) Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Gabi aha an ay joojiyeen Duulimadkii Shirkada Diyaaradaha ee DJabuuti Air, Isaga oo qiil uga dhigay in Diyaradaasi Djabuuti Air aanay xaladeedu wanaagsanyan oo ay dadka Rakaabka ahi ay ka cawdaan marka ay soo raa can, isaga oo sheegay in dad badani khatar ku galeen ka dib markii ay Oxsajintii diyaarada ay ka waaye en, waxaanu intaasi ku daray in Duyaaradu aanay lahayn wax Qaboojiye ah, waxaanu wasiirku Jabuuti ka cod saday in ay ku soo badashaan Duyaaradaasi muddo Saddex Todobaad ah, waxa kale oo uu sheegay in ay ganaaxayaan Diyaarada Djabuuti Air.

Waxanu sidaasi ku sheegay Shirjara’iid oo uu ku qabtay xafiiskiisa magalada Hargeysa.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixinaya Sababta ay u mamnuucen shirkadaasi waxa uu yidhi “Waxaanu goosan ay in Diyaarada Djabuuti Air ee wakhtigan joogta Madaarka Hargeysa, in aanu Mamnuucno ama joojino in dib danbe ay Iskaga gooshin Madaarada Hargeysa iyo Djabuuti, waliba iyada oo dad rakaab ah sida, wakh tigan waxay fadhidaa Diyaaradu madaarka hargeysa imika, marka ay noqonayso hal qof ma qaadayso, lakiin anagu Rusqadii kalamaanu noqon Djabuuti Air, ee waxaanu leenahay muddo Saddex Todobaad ah ku soo badasha Duyaaradaasi, oo ay noo keenan Diyaarad Wanagsan oo marka ay noo keenan aanu iska hubino oo Engneradaydu iska eegan ay noo keento”,.Ayuu yidhi Wasiirku

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay diyaarada Jabuuti Air uu raciyey Eng. Maxmed Xaaji Cabdi Caamir si uu u soo ogaado dhibatada ka jirta diyaarada “ Eng. Maxamed ayaa aanu racinay si uu u soo ogaado dh ibta jirta ee rakabku ka cabanayaan waayo dee masuuliyada dadka dhoofaya waxa leh Somaliland sidaasi daradeed markii uu racay waxay Nimanka wada diyaaradu ku yidhadeen marka ay 15 Daqiiqo socoto ayey Qaboojiyayal yeelta basle waa ay yeelan wayday, isaga oo xusay in hadan uu dib u soo racay Eng Duyaar ada sidii si lamid ah ay ahay oo aanay wax hawo ah iyo qaboojiyaal aanay lahayn, marka taasi waxay dhal isay in aanu diyaaradaasi dalka ka mamnuucno oo aanu qaadanay go’aankii Eng ee ahaa in aanay diyaara daasi ku haboonayn in dad rakab ah qaado“Ayuu yidhi

Wasiirku waxa uu sheegay inay laba hablood oo kamid ahaa dadkii soo raacay Diyaaraddaasi ku neef qaba toobeen Diyaaradaasi oo aan lahayn wax Qaboojiyaal iyo Oxsajiin ah.

Wasiirka waxaa la waydiiyey meeshii uu ku dambeeyey mashruucii Dawladda Kuwait ugu deeqday garoom ada Diyaaradaha ee Somaliland sidii dib loogu dhisi lahaa waxaanu sheegay inay la cagtaasi ahayd 10 Milli on oo Doolar ka maraykanka ah.

Wasiirku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan qaabka mashruucaasi kala tashadeen Dawladda laca gta bixisay ee Kuwait isla markaana ay isla garteen in la sameeyo baadhitaan kusaabsan kharashka ku baxay qiimihiisa dhismaha garoomada Somaliland isla narkaan ay soo baxday lacag ka badan 10kii Million sidaa daraadeed ay doonayaan inay dib ugu celiyaan kharashka faraha badan ee soo baxay inay kula laabtaan Kuwait qorshahaasina uu socdo illaa iyo hadda.

Waxaa kale oo wax laga waydiiyey laydhkii ka bakhtiyey madaarka Hargeysa iyada oo diyaarada Air jab outi ku soo fool lahayd garoonka sidii ay cilladdaasi ku dhacay waxaana arintaa ka hadlay masuul sare oo ka tirsan Wasaaradad Duulista waxaanu sheegay in uu si Alle isaga bakhtiyey iyada oo ay Diyaaraddaasi soo dagaysay sidaa darteed ay ka wasaarad ahaan qaateen go’aan ah inay badbaadiyaan Diyaaraddaasi isla markaana sidii lagu damiyey Matoorkii Diyaaraddaasi dibna ugu celiyeen Jabuuti .

Source:Waaheen