Wasiirka Duuliska Oo Ka Hadlay Eedo Xisbiga
UDUB u Jeediyeen

 



“Masuuliyiinta UDUB ee cabanayaa waa kuwii shalay xilka hayay dhitadii ay dhigteen ula macaamili mayno”
 

Hargeysa (TNN)- Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxam uud Xaashi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyay eedo masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee UDUB u je ediyeen oo la xidhiidhay inuu masuuliyiinta iyo taageereyaasha xisbigaas ka hor-joogsaday inay g udaha madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha xisbiga UDUB ahna Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Hargeysa.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi waxaanu yidhi “Eeda xisbiga UDUB nagu eedeeyeen inaanu u diidn ay inay galaan qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa waa mid waxba kama jiraan ah oo been ah. Xaqiiqadu waxay tahay waxaanu isku qabanay masuuliyiinta UDUB wax cad ayay ahayd Daahir Ra yaale Kaahin, waa Madaxweynihii hore ee Somaliland waana gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ah ee UDUB maamuus qaran ayuu nagu leeyahay milgihiisana waanu garanaynaa.”

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay masuuliyiinta xisbiga UDUB u ogolaadeen inay galaan gudaha madaarka loona furo qolka nasashada ee VIP-da waxaanu yidhi “Waxaanu u ogolaanay d hamaan masuuliyiinta xisbiga UDUB inay galaan gudaha madaarka oo loo furo qolka nasashada ga adiidka ay wataanna loo dhigo Parking-nada madaarka dadka taageereyaasha ah ee faraha bada nna ay dibada sii joogaan sababo la xidhiidha amniga madaarka darrteed.

Maamuus xumayna may ahayne ammaanka ayaa sidaasi loo yeelay, madaarka Hargeysa dad baa ka dhoofaya qaarna way ka soo degayaan waxaas oo dad ah looma sii dayn karo qolka nasashad una ma qaadi karo boqolaalkaas qof.”

“Markaa waxay yidhaahdeen masuuliyiinta UDUB haddii aan nala sii wada dayn anaguna geli mayno gudaha. Masuuliyiinta maanta qeylinaya ee cabanayaa waa raggii shalay xilka hayay kuwa maanta talada hayaana waa mucaaridkii shalay. Sidii ay noola dhaqmi jireen markaanu masuuliyiintayada soo dhawaynayno. Dhitadii ay dhigteen ula macaamili mayno,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista hawadd u.

Wasiirku waxa uu masuuliyiinta UDUB ku eedeeyay inay iyagu leeyihiin masuuliyada murankii halka asi ka dhacay.



Source:Somaliland.Org