Wasiirka Dhaqaalaha Itoobiya Oo Qaabilay Wasiirka Khaariga Somaliland
 



Addis-ababa (TNN):-Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Lacagta ee Itoobiya, Mudane Axmed Suufiyaan, iyo Wasiir dawlahiisa, Mudane Axmed Shide, ayaa xafiiskiisa Addis-aba ba ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo danjir aha Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Ayaanle Salaad Diiriye.

Kulankaas waxay labada dawladood diiradda ku saareen arrimaha Dhaqaalaha iyo Maal g ashiga ee labada dal.Waxay labadda dhinac kaga wada hadleen mashruucii “Horumarinta Berbera” iyo sida waxa ka dhiman loo dhamaystiri lahaa. Mudane Axmed Suufiyaan oo ka hadlayey mawqifka Itoobiya ee ku wajahan mashruuca Berbera corridor ayaa yidhi “Itoo biya waxa ka go’an in ay si balaadhan u isticmaasho dekadda berbera.”

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna dhankiisa ku dhiiri-geliyey dawladda Itoobiya,in ay So maliland diyaar u tahay in Itoobiya si balaadhan u isticmaasho dekadda Berbera. waxa ka le oo uu Wasiirku balan-qaaday in Somaliland dhankeeda diyaar u tahay inay dardar gelis o heshiisyadii labada dal kala saxeexdeen wixii kaga aadan.


Sidoo kale Wasiirul dawlaha horumarinta dhaqaalaha iyo lacagta Itoobiya, Mudane Axmed Shide, ayaa isaguna kulankaas ka sheegay inay dawladda Itoobiya dirtay laba Kooxood o o kala socday Wakaaladda Tamarta iyo Laydhka Itoobiya, si ay u soo qiimeeyaan “Laydhk a ku baxaya magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland.






Allah Mahad Leh

Danjiraha Somaliland U Fadhiya Dalka Itoobiya

Ayanle Salad Deria