Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo ka Hadlay Hawl gal Ciidan oo
sababay dhimasho iyo dhaawac

“Waxaan ka xumahay geerida Marxuum-Maxamed Iid Ibraahim manay ahayn
wax lagu tallo ga lay”
“Waxaan
dadweynaha u soo jeedinaynaa inaanay ku dagaalamin dhulka dadka guud”
Haragyasa(TNN) Wasiirka wasaaradda arrimha gudaha Somaliland mudane
Maxamed Nuur Cara ale (Duur) ayaa maanta ka hadlay hawl ay ciidamada
boolisku ku rarayeen dadkii deganaa cisbit aalkii hore ee jajabka,
hawl galkaasi oo ay ku dhinteen wiil dhlinyaro ah iyo haweenay
dhaawac dhimatay.
Md Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo shir jaraa’id ku qabtay
xafiiskiisa wasaaradda arrimaha g udaha waxa uu Tacsi ugu diray
eleladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE haw naxariistee m
arxuun Maxamed Iid Ibraahin oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku
geeriyooday hawl galkaasi ay ciid amada boolisku kaga rarayeen
dadkii daganaa dhismaha cisbitaalkii hore ee jajabka, wasiirku wa xa
kale oo ILAAHAY caafimaad uga baryay dadkii kale ee ku dhaawacmay
hawlgalkaa ay ciidanka boolisku fuliyeen.
“Waxa maanta dhacday hawlgal uu ciidanka boolisku fuliyay kaas oo
keenay dhimasho iyo dhaaw ac aan lagu tallo galin, ugu horayn waxaan
halkan Tacsi uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday
ALLE ha naxariistee marxuun Maxamed Iid Ibraahim oo ahaa wiil
dhalinyaro ah oo ay laba geeriyood ku dhaceen, waayo waalidka dhalay
waxa uu ahaa waalid taag daran oo naafo ah markaa waa laba geeriyood
Tacsi tiiraanyo leh baanu udiraynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Sidii ay wax u dheceen baadhid
baanu ku haynaa.”
“Hawlgalka uu boolisku ku socday waxa uu ahaa hawl-gal qaran markaa
tallaabo kasta oo ciidan marka la qaadayo waxa ka imanaya dhibaato,
markaa dhimasho aan lagu tallo galin maadaama oo ay dhacday dhiiga
qofka bina aadanka ahina uu yahay wax qaali ah oo aanay ahayn in la
dhay alsado , waase wax adduunyada dhaca. Waxaan aad uga ugu xumahay
sidii ay wax u dhaceen waxaan amar ku bixinay in baadhitaan la galo
oo sidii ay wax u dheceen la baaadho. waayo geeri lagu tallo galay
may ahayn, falkasta oo la fulinaayo waxaan lagu tallo galin baa ka
yimaada. Masuuliyad geeridaasi waa masuuliyad qaran, laakiin waxa
noo garab socota siday wax u dhece en,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inaanay ku dagaalamin
dhulka danta guud, waxaanu yidhi “Waxa la fulinaayay waxay ahayd
danguud, dan qof gaar ahi leeyahay may hayn. Dhismihii cisbitaalka
jajabka ayaa waxa loo baahday in cisbitaal kale laga dhiso, horena
cisbitaal bay u ahayd danta guudna waa hanti ummadeed, waxaan
leeyahay tani way inagu dhacday laakiin dan guud oo dalku leeyahay
qofawna ha ku dagaalamin, waxa kale oo aanu ka xumahay in iska horim
aado hubaysan amma dhimasho keenaa dadka dhex maraan wixii dhibaato
ah ee ka dhashayna wada hadal baanu ku xalinaynaa. Arrintani may
ahayn qof-qof boos ka kicisanaaya laakiin waxay ahayd arrin qaran oo
danta guud.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in sida uu arko in ciidanhku
rasaas u adeegsadaan dad shicib ah oo aan hubaysnayn waxa uu yidhi
“Marka ciidan la hawl galinaayo cudud baa la hawl galinayaa,
cududaana wixii keenay baa jira, muddo araf bilood ah waxa laga wada
hadlaayay sidii cusbitaalkaa loo banyan lahaa markaa way ka fursan
wayday in ciidan la galiyo sidii wax u dhec eena waanu badhaynaa.”
Wasiirka mar wax laga waydiiyay baahida keentay in dadkan laga raro
guryihii ay daganaayeen waxa uu ku jawaabay “Baahida caafimaad waxay
umada u leedahay muhiimad aad u balaadhan, baahiyaha Cusbitaal ee
jiraana inaguma filna waxaanaynu u baahanahay kuwo kale kanina waxa
an cadynayaa in uu cusbiyaal uu yahay.”
Source: Somaliland.Org
|