WASIIRKA DAAKHILIGA S/L MR CIRO OO SAFAR KADISO AH UGU BAXAY XEEBAHA GALBEED

 

Wararka ka imanaya deegaanada xeebaha galbeedka ee Somaliland ayaa  shee gaya in shalay dhulkaasi uu gaadhay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland  C/lla ahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo hawlwadeeno dhinaca amniga ah, kuwaas oo gaadhay magaalada Saylac iyo degaanno la xidhiidha, isaga oo degaankaasi kaga yimid dhinaca dalka deriska ah ee Djibouti oo uu diyaarad u sii raacay. halkaasi oo sida la sheegayo u tagey arrimo xasaasi ah oo la xidhiidha hub iyo badeecado kale oo la sheegay in laga soo dejiyey degaanada xeebta Bullo-Caddo.

Socdaalka wasiirka daakhiliga oo lagu sheegay mid qarsoodi ah ayaa lala  xidhiid hinayaa dhinaca amniga gobolka, gaar ahaana sidii uu xogogaal ugu noqon lahaa dareenno xasaasi ah oo waayadanba lagu sheegayay in degaanada xeebaha Awdal uu ka soo degay hub iyo badeecado kale oo aan la ogeyn cidda ka dambaysay, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha dhinaca tahriibta

Sida wararku sheegayaan wasiirka daakhiliga ayaa shalay magaaladaasi Saylac kula shiray masuulyiinta laamaha dawladda ,iyo xildhibaanada Golaha deegaanka kuwaas oo uu wasiirku uga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dedaalka lagu doonayo in xoogga la saaro feejignaanta amniga dalka wakhtigan xaaladda amniga Somalia ay faraha kasii baxayso dabkeeduna soo gaadhi karayo Somaliland, waxana sida la sheegeyo shalay ay u ekayad magaalo ka tirsan somaliland, iyadoo bilihii inna soo dhaafay magaaladaasi loo qaatay inay hoos timaado maamulka dalka deriska ah ee Djibouti, wasiirka dakahiliguna maanta ogaaday in ku dhawaad sannad ka badan aanay wasiirada xukuumadda somaliland dhulkaasi cago soo dhigin, marka laga reebo Wasiirka dalxiiska C/risaaq Waaberi oo magaaladaasi u yimaadda xaflado loogu dabbaaldegayo Ismaaciil Cumar iyo dawladdiisa.

Maanta gelinkii dambe ayaa sidoo kale wararku sheegeyaan inuu wasiirku u  amb abaxay dhinaca xeebaha galbeedka, gaar ahaan dhulka go'doonka ee ku teedsan xeebaha gobolka Awdal una dhexeeya Lughaya iyo Saylac, iyadoo wasiirka ay  so c daalkiisa ku weheliyeen taliyayaasha ciidamada amniga ee Gobolkaasi gaar  aha anna taliyaha ciidanka badda ee degaanada Saylac iyo Lughaya, oo lagu  mag acaabo Arraweelo iyo taliyaha ciidanka Bileyska ee dhulka uu dhowaan  Madaxw eyne Rayaale u magacaabay Gobolka Selel C/raxmaan Colhaye,  Taliyay aashaasi oo dhammaantood ka soo jeeda degaanada Selel, ayaa wasiirka tusi doona dhul aanu weligii tegin oo ka baxsan caasimada Hargeysa ee uu guri-guriga u yaqaanno, jidkaasi aan naxariista lahayn ee reer Awdal iyo reer Selel u barteen, ayaa wasiirka daakhiliga iyo istaafkiisuba dhawr jeer oo hore ka ambadeen, balse looga soo gurmaday.

Inkastoo aanay dawladdu wax war ah ka soo saarin socdaalka wasiirka Daakhiliga haddana sida ay sheegeen warar laga helay ilo ku dhawdhaw Saraakiisha amniga Somaliland qaabilsan waxay ujeedada socdaalkiisu la xidhiidhaa xaqiiqo raadin la xidhiidha warar soo noqnoqnayey oo ku saabsan badeecado shaki xambaarsan oo ilaa maantana aanay sheekadooda dhammaanin, wasiirkuna ka fadhiyi waayey kursigiisa Hargeysa oo la sheegay inay ka soo degeen degaanada xeebaha galbeedka gobolka Awdal.

Socdaalka wasiirku ku tegey dhulkaasi, ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid jawaab u ah socdaal dhawaan wasiirku ku tegay Itoobiya, kaas oo sida la sheegay ay dawladda Itoobiya u soo bandhigtay wasiirka Daakhiliga Somaliland inuu ka qanciyo warar dhawaan la baahiyey oo sheegayay in hub kootarobaan uu ka soo degay xeebaha galbeedka Somaliland, sidaas darteedna uu wasiirku daba socdo xaqiiqada warkaas.

 


Haatuf