Wasiirka Cusub ee Wasaarada Ganacsiga Abiib Xasan Filfil oo Maanta Xilkii la wareegay


Hargeiesa (Longlivesomaliland News) Munaasibad balaadhan oo loo qabtay  x il-wareejinta wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga Somaliland, Cismaan  Qa asim Qodax iyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi, Abiib Xasan Filfil, ayaa saaka lagu qabtay Hooka shirarka ee wasaarada Ganacsiga Somaliland.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin; Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga, guddoomiyaha rugta ganacsiga  Somalil and, ku simaha agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga, guddoomiye ku xigeenka Hay’ada shaqaalaha, xildhibaano ka socday Aqalka wakiilada  Somalil and iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga Somaliland, Qaasim sheikh yuusuf oo hahlkaa ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay oo sida uu sheegay ahayd muddo lix sanno ah. Sidoo kale Mr. Qaa sim waxa kale oo uu ka sheekeeyay in uu xilku yahay wareegto isla markaana aanu ka xumayn in xilka laga qaado. Waxa uu sheegay In masuuliyiin badan oo hore u ahaan jiray wasiiro ama xilal uga hayn jiray xukuumada marka xilka laga qaado ay ka baxaan xisbiga tallada haya kuna biiraan xisbiyada  mucaa ridka ah, hasa yeeshee, isaguse aanu ka bixi doonin xisbiga udub ee uu ka tirsanaan jiray. Waxaanu ILaahay uga baryay wasiirka cusub in uu xilka ku asturo, isaga oo dhinaca kalena shaqaalaha wasaarada ka codsaday in ay sidii ay ula shaqayn jireen ay isagana ula shaqeeyaan.

Sidoo kale, isaguna waxa halkaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradaasi, Abiib Xasan Filfil oo sheegay in loo dhiibay masuuliyad cusub oo culus isaguna aanu xilkaa fududaysan doonin. Mr. Filfi, wasiirka cusub ee wasaarada  ganac siga Somaliland, waxa uu sheegay in uu qaban doono wixii waajibaada ee ay wasaaradu leedahay, waxaanu ilaahay ka baryay in uu xilka cusub ku asturo isagoo shaqaalaha wasaaradana ka codsaday in ay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jieen.


Sidoo kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal oo ka waramay xidhiidhka ka dhaxeeya wasaarada ganacsiga iyo rugta ganacsiga Somaliland oo uu tilmaamay in ay ka dhaxaysay wada shaqayn aad u wanaagsan. Waxa uu xusay in uu wasiirka cusub ka rajaynayo sii ambo-qaaadka hawlaha wada shaqayneed ee ka  dhax eeya labada xaruumood. C/raxmaan Faarax Sugaal-guddoomiyha rugta  gana csiga Somaliland waxa uu sheegay in ay aqoon fiicani ay ka dhaxayso isaga iyo wasiirka cusub taasina ay wax wayn ka tari doonto wada shaqayntii ka dhaxaysay rugta ganacsiga iyo wasaarada ganacsiga.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin: wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland C/Xaliim Maxamed Aw Muuse iyo xildhibaan xasan cawaale caynaan.


Wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax ayaa xil ka  qa a distiisu ay ku soo beegantay wakhti uu dagaal ka socdo deegaanka ceelba rdaale. Inkasta oo ay dadka qaarkii ku macneeyeen in xilka qaadistiisu ay  ari ntaa la xidhiidho iyaga oo taa cadayn uga dhigaya wasiirkii madaxtooyada Aw Nuur Amiin oo ka soo jeeda deegaanka ceel bardaale, hadana warar kale  ay aa iyaguna sheegaya In arintiisu ay la xidhiidho khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo M/wayne Rayaale.


 


Wariye Mustafe Future
mccfuture@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News
Hargeisa Office