Wasiirka cusub ee Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo si rasmi ah xilkii ula wareegay Wasiirkii hore
 

 


 


Hargeysa  (TNN)- Wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Somal iland Md. Cali Siciid Raygal, ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugala wareegay Wasiirkii hore Md. Cabdi Siciid Faahiye.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay xil-wareejintan, waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Ganacsi ga, Wasiir Ku xigeenka Waxbarashadda, Maareeyaha Ha’yadda wadooyinka SRA , Maareeyaha wakaaladda Biyaha, Xidhibaano ka tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda, xidhiidhadda kala duwan ee ciyaaraha iyo dhalinyaro tiro badan iyo marti-sharaf kale.

Wasiirkii hore ee dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka xog-waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaasi mudadii uu joogay oo ay ka mid ahaayeen taramo badan oo ciyaaraha kubadda cagta ah oo iskugu jira naadiyada heerka koowaad iyo labaad.
Wasiirkii hore waxa uu tilmaamay in ay wasaaradiisa ugu dhammaatay si guul ah tartankii ciya araha goboladda Somaliland uu xusay inuu ahaa tartankii ugu xiisaha iyo xamaasadaba badnaa.

“Markii Wasiirnimadda Baarlamaanka la ii ansixinayay waxaan balan qaaday inaan qaban doono tartanka ciyaaraha goboladda. ILAAHAY mahaddii anigoo laba bilood oo qudha xilka hayay ayaan qabtay tartankii ciyaaraha goboladda ee ka qabsoomay Burco. Waxaana dhacay wax aan hore u dhicin aad iyo aadna waan ugu faraxsan nahay,”ayuu yidhi Wasiirku.


Md. Cabdi Siciid wuxuu tilmaamay inuu sameeyay xulkii iyo tabarihii qaranka oo uu maanta ku wareejinayo Wasiirka cusub.

Wasiirka oo ka hadlayay sida uu u arko xilka qaadistiisa wuxuu yidhi “Anigoo aad ugu faraxsan 100% inaan xilka ku wareejiyo saaxiibkay oo walaalkay ahaa Md. Cali Siciid Raygal oo ahaa mar kii aan xilka la wareegay raggii garabka ii ahaa, inuu maantana xilkii igala wareego. Waxaanu qirayaa wixii aan qabtay. Waxaan leeyahay wasiirnimadaydii meel fog lama geynin maadaama oo aan ku wareejinayo saaxiibkay. Madaxweynahana sharaf iyo ammaan ayaan u hayaa intii aan la shaqaynayayna waxaan ka sheeganayaa ammaan iyo gobanimo. Waxaan qabaa xilku waa meetu isbedelka uu nagu sameeyayna waan ku faraxsan nahay.”

“Anigu dawladda ayaan ka tirsan nahay xisbiga Dawladda ayaan sidii uga tirsan nahay, shaqa da qaranka ee banaan ayaan qabanayaa,”ayuu yidhi Wasiirkii hore.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Golaha Wasiirraddu ay ansixiyeen siyaasad da dhalinyarada oo uu maantana wareejinayo. Waxaanu ku dooday inuu olale weyn ka galay hawl-galkii dhalinyarada lagaga qaaday dabarkii ka hortaagnaa inay ka qeyb galaan siyaasad da. Waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo arrintaasi kala shaqeysay.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay inay dayactir ku sameeyeen qaar ka mid ah Garoomadda ciyaara ha ee goboladda halka kuwo kalena ay qorshaha dhow ugu jirtay in la dayactiro.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay inuu xilka kala wareegay sadex xidhiidh oo kuwa ciyaaraha ah, imi kana uu wareejinayo lix xidhiidh, kuwaasi oo uu xusay inay qeyb ka tahay qorshaha wasaaradd a ee horumarinta ciyaaraha.

Md. Cabdi Siciid Faahiye wuxuu u mahad celiyay waaxda dhaqanka ee wasaaradda oo uu tilmaa may inay ilaaliyaan waajibka qaranka ka saaran wacyigelinta ummadda.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi raaciyay inay dhawaan ku guulaysteen in orodyahano reer Somaliland ahi ka qeyb galeen tartan lagu qabtay dalka Jabuuti isla markaana ay koox kubadda kolleyga ahi ay dhawaan ugu kicitimi doonaan dalka Uganda, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan tartan kubadaha gacmaha ah.

“Waxaan maanta wasaaradan ku sagootinayaa niyad-sami iyo walaalkay oo shalayna I garab joogay ayaan maantana ku wareejinayaa, waliba waxaan ula diyaar ahay inaan la shaqeeyo oo qaranka wixii ka baylah ahna aan qabto,”ayuu yidhi Cabdi Siciid Faahiye.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay inuu beeshiisa ugu jiray door weyn, waxaanu yidhi yidhi “Marka dhinaca kale la eego waxaan anigu wasiir u ahaa beesha Ciisaha, anigu waxaan u sarifayaa kursigoodii. Waxaan beeshaasi u ahaa wasiir, waxaan u ahaa Agaasime guud, Waxaan u ahaa Wasiir Ku xigeen intaasi oo kaalmood ayaan u hayay. Waxaan leeyahay Madaxweyne beeshayda kuraasida haloo badiyo. Aniguna shaqo kasta oo aad ii qorto waan qabanayaa.”

Wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Md.Cali Siciid Raygal oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay wasiirkii hore ee Ciyaaraha oo uu tilmaamay inuu si niyadsami ah ugu wareejiyay.

Wasiirka cusub oo la hadlayay wasiirkii hore wuxuu yidhi “Anigu hadalka badin maayo wasiirkii hore ayaa hadalkii iyo warbixintii wasaarada dhameeyay. Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa wasiirkii hore oo ah nin qaaliya oo wax bandanna soo qabtay oo ku guulaystay. Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay iyo wixii uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka qaranka hayayba.”

“Runtii wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanku waa wixii ugu wanaagsanaa ee bulshadda. Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalka bari hagayay iyo cududii bulshadda. Dhaqankuna waa hidaheenii, waxaan ku rajo weyn nahay inaan labadaba ka shaqayn doono sidii loo horumarin lahaa,”ayuu yidhi Md. Cali Siciid Raygal.

Wasiirka cusub oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Wasiirkii hore wax badan buu sheegay inay diyaar yihiin. Wax walbana cid buu iigu tilmaamay inay gacanta iigu hayso.Aniguna cidii gacanta ku haysay ayaan kula xisaabtami doonaa. Ninkii waxaas la iigu sheegay laga waayaa waa waxaan meesha ku jirin.”

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Mustafe Maxamuud Qodax, oo faahfaahin balaadhan ka bixiyay waajibaadka wasaaradda iyo waxyaabihii ugu qabsoomay sanad iyo badhkii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Agaasimaha guud waxa uu xusay inay wasiirkii hore uga mahad celinayaan wixii uu la qabtay, Wasiirka cusubna ay ku soo dhawaynayaan qalbi furan.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo Abwaan Cali Caateeye oo dhammaantood ammaanay wasiirkii hore oo ay ku doodeen in mudadii uu xilka hayay wax badan ka qabtay wasaaradaasi.
source:so