Wasiirka Caafimaadka oo si Dheel-dheel ah uga Hadlay Xilka Qaadista Agaasimihii Guud ee Cusbitaalka Hargeysa
 


 

Gudida maamusha cusbitaalka Guud oo la filayo inay maanta faahfaahin ka  bixi yaan sababta xilka qaadista agaasimaha


“Dr. Yaasiin dhakhaatiirka wasaaradda ayuu ka mid ahaa, wuxuu  dheeryahay na ma jirto... kuwa Ceerigaabo loo bedelay muxuu ka sitaa isagu”


“Agaasaha cusub ee loo magacaabay xilkii wuu tirsaday, isagaana hadda  cus bitaalka jooga” Md. Cabdi Haybe Maxamed


Hargeysa (Timacade News)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyey xil-ka-qaadista  Agaasi ma ha Guud ee cusbitaalka magaalada Hargeysa iyo sababaha keenay in xilka laga qaado, isaga oo sheegay inuu u beddelay qaybta tallaalka oo uu hoos-u-dhac weyni ku yimi.


Sidaa waxa uu ka sheegay mar shalay xafiiskiisa ku qabtay shir-jaraa’id oo uu kaga xorwarramayey xil-ka-qaadiska Yaasiin Carab oo saameyn weyn ku  yeel atay Wasaaradda Caafimaadka, taas loo aanaynayey inay sabab u ahayd  gaa dhi hay’adda UNDP siisay cusbitaalka oo ay isku khilaafeen Wasiirka iyo Agaasimuhu.


"Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay, waxa jiray ayaamahanba sheekooyin malo-awaal ah oo lagu qorayay jaraa’idka oo aad moodo waxay doonayaan inay iskaga soo qoraan jaraai’idka iyagoo aan xaqiijin runtu waxay tahay, waxa ka mid ah gaadhi lagu soo sawiray oo loo soo iibiyey cusbitaalka guud, Waxa jira nin dhakhtar ah oo laga beddelay Cusbtitaalka oo shalaqaalaha wasaaaaradda caafimaadka ah oo isagana aad moodo in la buun-buunayo, agaasimaha cusbiatalka guud waxa weeyaan dhakhaatiirka cubitaalka, qofka wasaaradda shaqaale ka ahna halkii la doono aya loo bedeli karaa oo looma qorin inuu waligiiba joogo, markaa kolba halka baahidu taalo, imikaba laba dhakhtar ayaan u bedelnay Ceerigaabo, isaguna (Agaasimihii guud ee xilka laga qaaday) kuwaa ayuun buu ka mid yahay, dhakhtar shaqaalaha kale wax ka sitaana ma jiro, meel gaar ah oo isagana laga xumo oo aan wasaaradda ahayn ma jirto. Dr. Yaasiin waa shaqaalahayaga waxaannu u soo beddelay xafiiska Tallaalka oo hoos u dhacay oo aanu doonayno in kor loo soo qaado, markaa dhakhtarka lama eryin ee waxa loo beddelay Wasaarada gudaheeda."


Md. Cabdi Haybe, wuxuu sheegay in la buun buubiyay Gaadhi loo keenay  Cusb itaalka Guud, oo la sheegay inuu isagu kaxaystay, isla markaana ay isku  khilaa feen Agaasimihii hore "Gaadhiga qudhiisa ayaa been- abuur laga sameeyay. Gaadhiga saddex casho oo aan taariikadda dawladda u soo samaynayay  mooy aane wax kale maan haysan, imikana waa ka dhex yaalla geerashka  Cusbitaal ka Guud, waxaanna jiray in dad doonayeen in ay gaadhiga u sameeyaan  taar iikada gaadiidka shicibka, gaadhigu mid Wasiirku u baahan yahay ma aha, Wasiirku baabuuro wuu haystaa."


Intaa ka dib su’aalihii la waydiiyey iyo jawaabihii taagtaagana ee wasiirku  ka ga jawaabay waxay u dhaceen sidan;

Su’aal: Waxa lagugu dhaliilaa inaad cusbitaalka guud ee Hargeysa u haysato il dhaqaale oo dihin, isla markaana aad doonayso inaad keento qof ku adeeca, cusbitaalkuna intii uu Dr. Yaasiin haystay waxa lagu majiirtaa horumar, su’aashaa maxaad kaga jawaabaysaa?


Jawaab: Su’aasha aad i weydiinaysaa waa edeb-darro, mid meesha taalla  ma aha, anigu dhaqaale aan u baahan nahay ma jirto¸ Wasaaraddana anigaa ka madax ah, dhaqaale ha kaa soo gelo cusbitaal halkan uma joogo, Illaahay wax walba wuu i siiyey, mid aan u baahannay ma ah ee ummaddan u shaqaynaa, laba Sanadood ayaan Wasiir ahaaye ma dhaqaalaan waydiiyey, mise dhaqaale ayaan uga baahnay anigu? Qaranka mushahar ayaan ka qaataa, ummaddaan u shaqeeyaa.


S: Agaasimuhu wuxuu sheegay in aannu jirin wax gaadhi ah oo lagu  wareejiy ey, islamarkaana furihiisii adigaa haysta ilaa hadda, maxaad furaha ugu  ware ejin wayday Yaasiin Carab intii uu joogay?


J: Gaadhiga Yaasiin muu lahayne cusbitaalka ayaa leh, cusbitaalkaanu yaalaa darawalkii baanan furaha ku wareejinay.


S: Laakiin Dr. Yaasiin waxa uu sheegay in wax lagu wareejiyey aanu jirin?


J: waardee gaadhiga Yaasiin muu lahayn ee cusbitaalka lahaa.


S: Wasiir, Agaasimihii guud waxa uu sheegay inuu maalintii Sabtida waayey cidii uu xilka ku wareejin lahaa sidaa daraadeedna uu ku-xigeenkiisii ku sii wareejiyey, waxa kale oo jira warar sheegaya in agaasimaha cusub qudhiisu ka cudurdaartay inuu xilka la wareego, arrimahaa ka waran?


J: waxba kamuu cudurdaarane agaasaha cusub ee loo magacaabay xilkii wuu tirsaday, isagaana hadda cusbitaalka jooga.


S: tan iyo intii uu soo baxay xilka qaadista agaasumihii cusbitaalka, dadku aad bay u hadal hayeen, iyaga oo ku doodayey in Dr. Yaasiin meel fiican iyo  horu mar la taaban karo gaadhsiiyey cusbitaalka guud ee Hargeysa, arrimahaa maxaad ka odhanaysaa?


J: Dr. Yaasiin dhakhaatiirka wasaaradda ayuu ka mid ahaa, wuxuu dheeryahayna ma jirto, xil laga qaadayna ma jiro ee waxa loo bedelay meel ka mid ah wasaaradda caafimaadka, kuwa Ceerigaabo loo bedelay muxuu ka sitaa isagu.


S: Maxaa baajiyey xafladii labada masuul xilka kula kala wareegi lahaayeen?


J: xilkii waa loo kala wareejiyey wayna dhammaatay.


S: waxa jira warar sheegaya in agaasimaha cusubi diiday inuu xilka kala  ware ego agaaaasimihii hore oo aad adigu wasiir ahaan ku qasbayso?


J: waxba kama jiraan waa jeebkaaga.


Inkasta oo wasiirka caafimaadku ku adkaystay in agaasimaha cusub ee  cusb itaalka guud loo magacaabay xilkii kala wareegay agaasimihii hore, ayaa  had dana sida ay shalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen gudida maamusha cusbitaalka g uud ee Hargeysa, ma jirto wax xil wareejin ah oo labada masuul ku kala  tirs adeen xilkii, waxanu gudidu tibaaxeen in ay shalay dib-u celiyeen agaasimaha cusub ee wasiirku u soo magacaabay cusbitaalka, islamarakaana ay gudi  aha an wadahadalo u socdaan madaxtooyadda, Isniinta maantana ay faahfaahin ka bixin doonaan sababaha xilka qaadista agaasimihii cusbitaalka Hargeysa iyo sida wax u dhaceenba.







Source: Jamhuuriya Online