Wasiirka
Caafimaadka iyo Shaqada JSL oo ka Xo g-waramay
Socdaal uu Dhawaan ku soo maray qaar ka
mid ah Goboladda Dalka Somaliland

Hargeisa (Longlivesomaliland
News)-Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada So maliland Mudane
Cabdi haybe ayaa Shirjaraa,id oo uu xafiiskiisa ku qabtay kaga
waramay arimo Door ah iyo Socdaal uu dhawaan ku soo maray Gob
olada Awdal iyo Salal, waxa kale uu ka waramay Mudane Cabdi Haybe
olo laha ay ka fulinayso wasaaradu Gobolada togdheer iyo Sanaag.
Wasiir Cabdi Haybe waxa uu ka waramay kormeerkaasi ay Goboladaasi ku
soo mareen oo uu sheegay inay u kuur galayeen Xaalada Caafimaad ee
Da dka iyo Duunyada ee Deegaanadaasi, oo uu sheegay inay Xaaladoodu
ahayd mid aad uwanaagsan.
Waxa kale oo uu Wasiirku intaasi ku daray in kormeerkaasi ay ku
wehelina yeen, Goobaha Caafimaadka sida Cusbitaalka iyo MCH-yada ku
waasi oo laga samaynayay tira koob sax ah, oo looga samaynayay
Shaqaalaha ka hawl gala Goobahaasi.
Wasiirka Caafimaad iyo Shaqada Somaliland Mudane Cabdi Haybe mar uu
ka hadlayay olole Caafimaad oo wasaaradu ka fulinayso Gobolada
Togdheer, Sanaag, iyo Sool, waxaa uu sheegay inay u direen Afar
kooxood oo uu hog a aminayay Wasiir ku xigeen Wasaarada
Caafimaadka iyo Shaqada JSL mud ane Mahdi Cismaan Buuri,“hawl
wadeenadaasi ayaa fulinaya hawlo Caafi maad” ayuu yidhi
wasiirku.
Wasiirku waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal uu Gudoomiyaha
Xisbiga UCID eng. Faysal Cali waraabe uu ku duray Wasaarada
Caafimaadka, hadaladaasi oo uu ku sheegay wasiirku kuwo aan Sal iyo
raad toona lahayn.
Wasiirku waxa uu sheegay inay Dalka ka jiraan Dugsiyo iyo jaamacado
laga Barto Caafimaadka, kuwaasi oo ay ka soo baxaan Aqoonyahano
Caafimaa dka ku xeel Dheer oo isugu jira Kal kaaliye yaal Caafimaad
iyo Dhakhaatiir.
Mar uu wasiirku ka hadlayay Goobaha Caafimaadka ah ee Sida gaarka ah
loo leeyahay, waxa uu sheegay in Goobaha Caafimaadka marka laga
hirga linayo Dalka ay ruqsad Caafimaad ka qaataan Wasaarada
Caafimaad iyo Shaqada JSL, cidii aan ka qaadana ruqsadaasi ama aan
haysan Liisanka ay bixiso Wasaarada Caafimaadku aanay Fasax u
helaynin inay goobo gaar ah Samaystaan, iyada oo Cidii Arinkaasi
lagu arkana Talaabo Sharciga Waaf aqsan laga qaadayo” ayuu
yidhi wasiirka Caafimaadku.
Mustafe Future
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com
|