Wasiirka Boosaha iyo
Isgaadhsiinta oo soo gaadhay Magaalada laascaanood
Laascaanood (Timacade News)-Waxaa maanta soo gaadhay Magaalada
Laascaanood Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiint
Mudane Cali Maxamed Maxam uud Axmed Cali Sandule iyo
Gudoomiyaha Gobolka Sool Ee Cusub Faarax Askar oo ay ku waheliyaan
Xildhabaano ay ka mid yihiin Xasan Cumar iyo C/qaadir Maxamed Xasan
In dho indho.
Waftiga Wasiirka ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey dhamaan
deegaanadii ay soo mareen iyadoo lagala hortagay caleemo qoyan ilaa
magaalada burco oo waftigan la soo galbinayay waftiga ayaa waxaa
safarkooda ku weheliyay sidoo kale laba gaadhi oo loogu talagalay
Booliska Magaalda Laascaanood.
Gudoomiyaha Cusub Faarax Askar iyo Wasiirka Boostada iyo
isgaadhsiinta Cali sandule ayaa lagu wadaa inay xil wareejintoodu ay
qabsoonto maalinta bari ah iyadoo wasiirku xilka ku wareejin doono
Gudoomiyaha Cusub ee gobolka sool.
isku soo wada duuboo Wasiirka iyo Gudoomiyaha ayaa ku tilmaamay soo
dhaweyntooda mid ay u bogeen iyagoo sheegay in wixii mushkilado ah
ee ka jira gobolka ay xalin doon aan , wasiirka ayaa mar uu
saxafada u waramayay sheegay in wixii ku tiri ku teen ah ee laga
sheegayay gobolka aysan waxba ka jirin amni buuxana yaalo gobolka
sool.
Timacade news Desk
Lasanod Office
Email:qanciye_ciise@hotmail.com
|