Wasiirka Beeraha oo Ka Jawaabaay Eedo Uu U Soo Jeediyay Mr John
Draystal
Hargaysa (TNN)-Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Md. Faarax
Cilmi Geedoole oo ma anta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa
sheegay in mashruucii kala xadaynta beeraha ee uu Mr John Draystal
ku eedeeyay in uu Wasiirku kala wareegay uu ahaa mashruuc la jo
ojiyay ka hor intii aanu xilka wasaarada qaban.
Wasiirku waxaa uu sheegay in mashruucaasi kala xadyntaa beeraha laga
majaro habaabiy ay u jeedooyinkiisii, loogana faa’iidaynin sidii
loogu talo galay, isaga oo wasiirku xusay in m ashruucani uu Mr John
Draystal doonayo in uu isagu kelidii gacanta ku hayo isla marakaa na
hay’adihii maal gelinayay ay joojiyeen.
Faarax Cilmi Geedoole isaga oo ka waramaya wakhtigii mashruucani uu
Somaliland ka bilaaa bmay waxa uu yidhi “Mashuurcan kala xadaynta
beeruhu wuxuu bilaabmay sanadkii 1997-kii wuxuuna socday muddo lagu
qiyaasay afar iyo toban sano, mashruucaa waxaa maalgeli nayay
Hay’ada DENIDA inkasta oo markii hore bilawgiisii labada Hay’adood
ee UNOPS iyo DRC ay mal gelinayeen hadana mashruucaa intiisa badan
waxaa maalgelinaysay hay’ada DANIDA. mashruucaan ma waxaa iska leh
cidii maal gellinaysay, mise cidii fulinaysay, mise waxaa leh
dawlada Somaliland, mashruuc kasta oo ay dawladi dawlad ugu deeqdo
waxaa iska leh dawlada loogu deeqay wasaarada ay doonto ha ahaatee,
markaa mashruucaa wax aa iska leh oo la siiyay dawlada Somaliland.
Ayaa mashruuca ilaashanaya, waxaa ilaashana ya laba qof oo kala ah
cidii fanka bixinaysay iyo cidii ay siisay in ay gaadhay iyo in kale
way ilaashaynaysaa, waxaa kale oo ilaashanaysa dawladii lahayd
weliba wasaaradii ay khusaysay oo ah wasaarada Beeraha”.
Wasiirka beeraha Somaliland waxaa kale oo uu sheegay in u
jeedooyinkii mashruucan ay ka mid ahayd in shaqaalaha wasaarada
beeraha loo tababaro xirfada kala xadaynta beeraha, dadka beeralayda
ahna la siiyo shahaadooyin la yidhaahdo shahaadooyinka beeraha “U
jee dadii mashruucan loo sameeyay waxay ahayd in wasaarada Beeraha
Somaliland loo tababa ro shaqaale xirfad u leh in ay yeeshaan awood
ay ku kala xadeeyaan beeraha oo ah dhibaa tada ugu badan ee wadanka
ka taagan ee ah kala xadaynta madaha beeraha, isla markaa na in uu
mashruucaasi gaadho dadka beeralaayda ah ee look ala xadaynayo
beeraha in la siiyo shahaadooyin la yidhaahdo shahaadooyinkii
beeraha”. Ayuu yidhi Wasiirku.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Mashruucaasi muxuu
qabtay John Drays sida uu ii sheegay markii aan anigu xafiiska imid
war qadii ugu horaysay isaga ayaan ka helay, wuxuu igu yidhi waxaan
kala xadaynay beero lagu qiyaaso afar iyo toban kun oo beerood
(14000) beerood , mashruuca waxaa la soo shaqaynayay wasiiro lagu
qiyaaso ilaa todoba wasiir oo u kala danbeeyay xilka, waxaa ugu
horeeyay wasiir Yaxye waxaana ugu danbeeyay aniga oo hada xafiiska
fadhiya”.
Faarax Cilmi Geedoole waxaa uu intaasi ku daray “Hadaba mashruucani
ma fuliyay u jeedad ii laga lahaa oo dadkii beeralayda ahaa ma
gaadhsiiyay shahaadooyinkii, ma tababaray sha qaalihii wasaarada
Beeraha, oo awood ma u yeesheen in ay iyagu maanta beeraha kala xa
deeyaan, waayo urur maxali ah oo gaar loo leeyahay haddii la siiyo
shaqo oo berina shaqa dii ka dhamaatay oo xirfadii ay noqon waydo
mid wasaarada soo gaadha oo wasaarada sh aqaaleheedii xirfadii
yeeshaan mashruucaasi wuu hirgalay mar se haddi aanu sidaa u dhicin
wuu guuldaraystay.Maxaa uu mashruucu u guuldaraystay, waxaan idiin
sheegayaa in mashruucaa la isku afgaran waayay oo la joojiyay,
waxaana mashruucaasi la joojiyay saddex iyo tobankii bishii January
ee sanadkii 2010-kii, waxaana la ogyahay wakhtigii aanu anagu xilka
la wareegnay oo ahayd 27-kii bishii 7-aad 2010, waxaana loo joojiyay
mashruucan u jeedooyinkii uu lahaa in shahaadooyinka la gaadhsiiyo
dadka beeralayda ah , waxaan idiin sheegayaa in afar iyo tobankaa
sanoee uu mashruucu socday in aan wax shahaadooyin ah la gaadhsiinin
dadka beeralayda ah, waxaa kale oo aan diin sheegayaa xogtii
mashruucu lahaa ee ahayd in wasaarada Beeraha lagu soo ururiyo in ay
ku filiq san tahay dadkii mashruucan ka shaqaynayay, anigu markaan
xafiiska soo fadhiistay waxaan agaasimihii guud oo ahaa Cali Cabdi
odowaa ka codsaday dhamaanba waxa mashaariic wasarada ka socda in uu
ii soo gudbiyo, wuxuu iigu daray Cali Odowaa war bxintiisii in
mashruucaa kala xadayntaa beeraha la joojiyay, waxaanan ka codasaday
in uu u yeedho UNDP oo mashruuca masuul ka ahayd, halkan ayaanu ku
kulanay UNDP waxayna ii sheegtay in uu mashruucu u istaagay John
drays oo ka xoogwaynaaday hay’adihii maalgelinayay UNDP DENID iyo
wasaaradii beerahaba, oo marka la damco in mashruuca laga hadlo ama
wax laga waydiiyo John in uu u tago madaxwayneyaasha Cigaal ayuu u
tegay oo uu war qad ka soo qaatay oo la yidhi lalama hadli karo,
Rayaale ayuu u tegay oo isna lalama hadli karo ayuu yidhi,
mashruuciina wuxuu noqday mashruuc khatar galay oo u jeedooyinkiisii
laga weeciyay kana faa’iidaysteen dadkii gacanta ku hayay oo aan
looga faa’iidayn dalka.”
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in markii mashruucani hay’adihii
maal gelinayay ay ka codsaadeen in dib loo furo ay ku xidheen
shuruud ah haddii mashruuca uu John Drays fuli yo ay doonayaan aanay
furaynin balse haddii ay wasaaradu fulinayso ay furayaan “Mash
ruucii markaan ka codsaday Hay’adihii maal gelinayay in la noo furo
hal shuruud ayay nagu xidheen, waxaanay yidhaahdeen mashruuca haddii
wasaarada Beeruhu fulinayso oo ay awood u leedahay waanu furaynaa,
balse haddii John drays in uu mashruuca fuliyo aad u dalbanaysaan ma
furayno, hadana waxaan ka codsaday in ay mashruuca noo furan oo aanu
anagu fulino, dabadeed waxaan u yeedhay John oo isagu markii horeba
war qadii ugu horaysay ee aan anigu xafiis ahaan helo ii soo qoray
waraaq daasi oo ahayd in aan ugu dacwiyo in mashruucaasi la furo,
waxaanan u tegay Hay’adii waxaanay igu tidhi haddii aad siinayso
qayb ka mid ah mashruuca wasaarada ayay u taalaa, markaan John Drays
u shee gayna markii hore wuu diiday sidaasi laakiin markii danbe
wuxuu ii soo qoray waraaq uu ku ogolaanayo, ka dib waxaanu ogaanay
in uu John yahay nin daalay oo aan shaqayn karay nin ka dibna
xukuumada ayaa talo ka gashay oo waxaa lagu taliyay in uu daalay ka
dibna lacag ayaanu u qornay.” Ayuu yidhi Mr Geedoole.
Source:Somaliland.Org
|