Wasiirka Beeraha jsl oo si Badheedha U Hor Istaagay Ceel biyood Gala
Qodayay Deegaanka Waalid-Xoor Oo Kamida Gobolka Gabiley

Gabiley (TNN):- Wasiirka Wasaarada Beeraha Jamhuuriyada
Somaliland Maxamed Aw Daahir ay aa si badheedha u hor istaagay riig
biyood ay wasaarada khayraadka biyaha somaliland ka qod asay meel
kammid ah deegaanka kulmiya degmooyinka Alaybaday iyo geed baladhaan,
taas oo cadho galisay dadka ku nool deegaankaasi oo baahi badan u
qabay qodista ceelashan oo laga yagleelayay meelo oomane ah.
Deegaanadan ceelasha laga qodayay oo ah Tuulada
Waalid Xoor oo ka
tirsan deegaanada hoos yimaada gobolka gabiley.Arinta uu Wasiirku ku hor istaagay ayaan si rasmiya loo ogayn
soboba ha keenay balse wararka aanu ka helayno ayaa tibaaxay in
Wasiirka Beeruhu ku dooday in aan ay halkan dagin jufadiisa hoose.Wasiirka ayaa sida warar xogogaal ahi xaqiijiyeen doodaya in riigan
laga qodo meel kale oo sida la sheegay ay degto jufadiisu.
Dhanka kale masuuliyiinta wasaarada biyaha ayaa la sheegay in ay ku
adkaysteen in aan marn ada deegankan laga wareejinay ceel biyoodka
loo qodayo iyagoo ku dooday in ay hore loo qaaday sahaminta iyo baahi
ceel biyood kan bulshada halkan degtaa ay u qabto
Wasiirka beeraha ayaa mudooyinkii u danbeeyay lagu eedaynayay in uu
kala qaybin wayn ka dhex wado dadka ku dhaqan gobolka gabiley iyo
deegaanada Alaybaday oo tiraba dhawr jeer uu ka leexiyay masharriico
ay ka mid ahaayeen raashinkii loogu talagalay abaartii dhawaan ku
dhacday deegaanadaasi iyo mashaariico kale oo ay ugu talagashay
dawlada dhexe degaanada as kuwaas oo uu u leexiyay dhinaca
deegaankiisa ee ay dagaan jufadiisu taas oo dhabar jab ku ah
masuuliyada qaranka uu u hayo.
Sidoo kale wasiir maxamed aw daahir ayaa dhowr jeer oo uu ka hadlay
warbaahinta maxaliga ah dibada soo dhigay arimo dhawr ah oo ka mid ah
sirta hoose ee dawlada uu ka mid yahay,
Si kastaba ha ahaatee dadwaynaha ku dhaqan deegaanada hoos yimaada
Allaybaday iyo gee dbalaadh ayaan hore uga baran masuuliyiintii hore
ee kaga jiray xukuumada kala qaybinta iyo kala jufaysiga uu ku kacay
masuulkani taasi oo hadii uu talaabo ka qaadi waayo madaxweyne
siilaanyo keeni karta kala fogaansho iyo qabyaalad ka dhex abuuranta
dadwaynhaas walaalaha ah ee kuwada dhaqan deegaanadaasi.
Source: Wajaale News
|