Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Dalka Jabuuti U Dhoofay Ka Dib Markii Xukuumadda Somaliland Amar Ku Celisay Wasiiro Reer Jabuuti Ah oo Dalka Booqasho ku imanayey.


 

 


Labada Dawladdood ee Somaliland iyo Jabuuti ayaan ilaa hada.............................


Hargeysa (TNN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maa nta dalka Jabuuti u dhoofay si uu wadahadal ula soo yeesho masuuliyiinta dalka Jabuuti, ka dib markii maalintii shalay amar uu isagu bixiyey dalka lagaga celiyey in ay soo galaan laba wefti oo dalkaasi ka socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro.

Labada Dawladdood ee Somaliland iyo Jabuuti ayaan ilaa hada ka hadal dhacdadan sababtay in wasiirka arrimaha gudaha Somaliland booqasho ku tago dalkaasi.

Weftigan shalay laga celiyey dalka ayaa waxa ay kala ahaayeen laba wefti oo ay kala hogaam inayeen Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kalluumaysiga Maxamed Somali iyo Maareeyaha Dek edda Jabuuti Sacad Cumar Geelle.

Dhacdadan ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato xidhiidhka labada.
 

 

 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland