Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Dhaliilo U Soo Jeediyey
Hay’adda UNDP
“Waxa Aan Leeyahay Waxa La Idin Ka Rabaa Dhamaystirka Waxa Aad Balan
Qaadaan” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland .
Hargeysa (TNN)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur
Caraale (Duur) ayaa Hay’ adda qaramada midoobay u qaabilsan
horumarinta ku eedeeyey in aanay ka soo bixin balamo ay la gashay
Xukuumadda, isaga oo ka codsaday in ay balamahaasi sidooda uga soo
baxdo.
Wasiirka oo maanta ka hadlayey Xafladii uu xilka kula wareegayey
Taliyaha cusub ee Ciidanka Bo oliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan
ayaa waxa hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “Waxa aan aad uga xumahay
in hay’adda UNDP oo balamo hore u qaaday ciidamadda Booliska aan
ilaa hadda la ga haynin, sanadkana heshiiskii aanu la geli lahayn
waxa uu u baaqday oo aanu u seexi waynay ka dib markii ay ka soo
bixi wayday dhamaystirka dirays u gaar ah ciidamada Booliska iyo
dhism aha taliska oo gaboobay sidii mid cusub loogu dhisi lahaa
kuwaas oo aanu ku heshiinay””
Wasiirka ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyay dawladda Ingiriiska
oo uu xusay in waxyaab aha ay gacanta ku qabato markaaba
dhamaystirto, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi
“Dawladda Ingiriiska waxa aan uga mahad celinayaa sida ay markaaba u
dhamaystirto waxa ay gacanta u qaado, Ciidamada Cusub ee RRU-da ayay
hadda inoo tababartay, qalabkoodiina w ay u dhamaystirty SPU-da ayay
inoo tababareen waanay inoo dhamaystireen, markaa UNDP wa xa aan
leeyahay waxa la idin ka rabaa dhamaystirka waxa aad balan qaadaan”.
C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|