Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan La Yeeshay Haayada
Samafalka ARC Ee Fadhigeedu Yahay Qadar

Hargeysa (TNN) :- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha
Somaliland mudane cali maxamed Warancadde ayaa xafiiskiisa kulan
kula qaaday madaxda haayada ARC oo fadhigeedu yahay Qadar.
Qaayada ayaa muddo ka shaqaynaysay gudaha Somaliland ayaa inta badan
caawisa agooma ha iyo dadka danyarta ah ee reer Somaliland iyadoo
dalka ka hir galisay Riiga biyaha ee Dhali nta Magaalada Hargaysa
Qaybintii Raashinkii abaaraha ee xeebaha Somaliland iyo Xarunta
agoomaha ee Kuwaitiga oo ay kaalin laxaadleh ka qaadatay.4
Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Madaxda haayadan ayaa manta ka wada
hadlay sidii loo sii xo ogin lahaa deeqaha iyo taageerida dadka
jilicsan .
Wasiir Warancadde ayaa ku hanbalyeeyay wax qabadka balaadhan ee
dalka ka qabteen haa yada ARC isaga oo sheegay in looga baahan yahay
inay intaa kasii laban laabaan isla marka ana ay gaadhsiiyaan
gobolada kale ee dalka.3
Masuul u hadlay dhinaca ARC ayaa dhankooda wasiirka ka dalbadan inuu
kala shaqeeyo dhin aca amniga isaga oo tilmaamay in amaanka
Somaliland yahay mid lagu faano .
Ugu danbayntii labada dhinac waxa ay isla qaateen taageerida iyo
horumarinta dadka danya rta ah in laga wada shaqeeyo.
Xafiiska Af-hayeenka
Wasaarada Arrimaha GUdaha
Contact Details:
Phone: +252 63 4127409
Find Us On Facebook: https://www.facebook.com/wasaaradagudaha/?ref=hl
Website:
http://www.somalilandinterior.net/
|