Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isku bedelay lix Agaasime Waaxeed Sadexna xilkii ka qaaday
 

 


Hargeysa (TNN) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Cabdi Gaboose ,ayaa isbedelay lix Agaasime  W aaxeed ,Saddexna xilkii ka qaaday, tasoo xaqiijisay war uu Wargeyska Waaheen hore u baahiy ey balse uu beeniyey Agaasimaha Guud Cabdilaahi Balaaki.

Waraqada uu Wasiirku ku magacaabay Agaasi waaxeedyada cusub wuxuu u qornaa sedan:

“Ujeedo: Magacaabis Xilalka Waaxyaha

Tixraac wargalinta Hay’adda Maamulka shaqaalaha ee qeexaysa inay Wasaaraddan qaybteeda Ar rimaha Guduhu ay ka koobnaan doonto Lix Waaxyood (Departments) oo kaliya.

Hadaba, iyadoo laga duulayo wargelintaa loona baahan yahay dardargalinta hawlaha xaasaasiga ah ee wasaaraddan Qaranku u igmaday waxaa loo magaacaabay xilalka lixdaas waaxyood masuu liyiinta hoos ku xusan:-

1. Maxamed Cali Maxamed Agaasimaha Waaxda Nabadgelyada

2. Faarax Siciid Maxamed Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada iyo Wacyigalinta

3. Maxamed Cismaan Dubbe Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta

4. Maxamed Axmed Maxamuud Agaasimaha Waaxda Horumarinta Degmooyinka

5. Cali Xasan Cawaale Agaasimaha Waaxda Goboladda iyo Siyaasadda

6. Xasan Cilmi Ceelaabe Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta

Waxaa lagu wargalinayaa masuuliyiintii hore inay xilalkii ay hayeen si habsami ah ugu wareejiyaan Agaasimayaasha la magacaabay hadba kii ay khusayso waaxdiisu

Fiiro gaar ah:-

* Waaxyihii hore sida Xidhiidhka Mujaahidiinta, Arrimaha Qoyska, Naafadda iyo Agoomaha iyo Jins iyadaha waxay xilkooda ku wareejinayaan Waaxda Arrimaha Bulshada


* Waaxdii sida Dhulka waxay xilka ku wareejinaysaa Waaxda Horumarinta Degmooyinka


* Waax waliba waxay yeelanaysaa qayb Qorshaynta(Planning) iyo Warbixinta(Reporting) oo u ga ar ah
 

 


Maxamed Cabdi Gaboose

Waiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

 

Source: Waaheen