Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Sheegay in Xafiisyada Qara mada Midoobay ee Nairobi loo soo Rarayo Somaliland

 


Wasiiradii reer Somaliland ee booqashada ku joogay Nairobi oo dalka ku soo laabtay iyo Nuxurka Kulamadii ay la Yeesheen Hay’adaha Caalamiga iyo Dawladda Kenya


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa she egay xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya in dhowaan loo soo rari doono dhinaca caasimadda Hargeysa, qorshahaas oo uu xusay inuu yahay mid ka dhashay ammaanka buuxa ee ka jira Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda oo wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayey oo shalay ka soo laabteen  s ocdaal afar maalmood qaatay oo ay ku joogeen dalka Kenya, waxa uu sheegay in xaallada  amma an ee Somaliland laga saaray kaalinta 4aad ee Qaramada Midoobay hore

“Waxa imika bilawday qorshihii u horreeyey ee hay’adaha Qaramada Midoobay xafiisyadooda ugu soo wareejinayaa Somaliland, qorshahaasi imika ayuu bilaabmayaa, waana arrin jirta oo Jimciyada Quruunaha ka Dhexaysaa qaadatay, waxayna barbar-socotaa in ammaanka iyo nabadgelyada  da lku meel wanaagsan marayso oo darajadii saddexaad ee hore dib loogu soo celiyey,” ayuu yidhi  Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ka jawaabayey su’aal Gabileynews ka weydiisay waxa ka jira in  Qara mada Midoobay xafiisyadooda Nairobi u rarayso dhinaca Somaliland.

Weftiga wasiirka arrimaha dibeddu hoggaaminay oo muddo afar maalmood ah joogay dalka Kenya, ayaa sheegay in safarkoodu la xidhiidhay martiqaad ay ka heleen masuuliyiinta Kenya iyo  hay’a daha Qaramada Midoobay, halkaasna kulamo kala duwan kula soo yeesheen hay’adaha UN-ka iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi oo ay kala hadleen qaab-dhismeed ka horumarka ay Somaliland ugu talogaleen amma u qorsheyeen.

Waxa weftigu intaa ku dareen inay masuuliyiinta Kenya kala kulmeen madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’iisal-wasaaraha dalkaas, wakiillada u jooga waddamada Maraykanka iyo Denmark, kuwaasi oo ay kala hadleen arrima khuseeya qaddiyadda Somaliland, isla markaana uga mid noqon lahayd ururrada Afrika iyo beesha caalamka.

Weftiga oo markii ay ka soo degeen garoonka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa shalay galinkii hore shalay, halkaas oo ay ugu warrameen warbaahinta maxalliga ah.

“Safarkayagan oo aannu ku tagnay lixda wasiir wuxuu ka dambeeyey martiqaad aanu ka helnay  h ay’adaha deeqaha bixiya ee la shaqeeya Somaliland, kaasoo ujeeddadiisa ugu weyn ahayd  qorsha ha horumarineed ee xukuumadda Somaliland ku talogashay inay ku hagto dalka, maadaama ay  yih iin deeq-bixiyayaal ka qaybqaata gargaarka iyo horumarinta Somaliland. Wixii shirkaas ka soo  ba xay waxa ugu waaweynaa kulamadii aannu la yeelanay hay’adda Bangiga Adduunka iyo  Horumar ka, hay’adda Qaramada Midoobay, hay’adaha Ingiriiska iyo Maraykanka u qaabilsan xagga  horum arinta, waxa kale oo aanu la kulanay deeq-bixiyayaal kale.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha  Di badda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo faahfaahin ka siinayey saxaafadda socdaalka weftiga uu hoggaaminayey ku tageen dalka Kenya.

Kulankayagaas waxayaabihii ka soo baxay waxa ugu muhiimsanaa, in laysla qaatay in marxaladda cusub ee Somaliland gashay tahay mid horumarineed, barigii hore waxa lagula shaqayn jiray  garg aarka degdega ah, iyadoo hay’duhu aaminsanaayeen in kor loo soo qaado awoodda dawliga ah ee Somaliland xagga dawladaynta iyo nabadaynta, annagoo u sheegnay in Somaliland gashay  marxa lad loo baahan yahay horumarin dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha iyo adkaynta dawladnimada, taasi oo ay ka mid tahay in la ballaadhiyo dekedaha dalka oo la tayeeyo madaarada.

Waxa kaloo aannu kala kulanay dawladda Kenya Ra’iisal-wasaaraha Rala Odinga iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Waxa kaloo aanu la kulanay masuuliyiinta safaaradaha dalka Maraykanka iyo dalka Denmark, waxaannu iyagana la kulanay xafiiska Jamciyada Quruumaha ka Dhexaysa u qaabilsan  S omaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan wakiilka Somaliland iyo Somaliya, kulankaas oo isna ku  saab sanaa xagga siyaasadda, kaas oo ay ka mid tahay sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururrada midowga Afrika.

Waxa kaloo aanu ka aanu ogaanay oo naloo sheegay in Qramada Midoobay ka qaadday  xayiraadd a ay ku soo rogtay Somaliland ay tahay xagga nabadgelyada kaalinta afraad,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.



Source: Jamhuuriya Online