Wasiirka Arimaha Debeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Som aliland Dr Sacad Haji Ali Shire oo la kulmay Qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee London

 

 

London (TNN):-Waxaa shirkaas agendahiisu ahaa is-wareysi iyo maskax-tuujin lagu falanqeeyey sifeyaasha ugu haboob ee Qaranka Somaliland ictiraaf buuxa loogu baadi goobi lahaa. Waxaa la is ku afgartay in marka hore ay Dhamaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee UK ay iyagu is ictiraafaan oo ka midoobaan sifeyaashii ay ictiraafka ugu raadin lahaayeen Qarankooda Somaliland.

– Waxaa la isku afgartay in la helo marka hore is xilqaan, xil-wadareer mug leh iyo caqli cokan oo mideysan

– Waxaa la isku raacay shirkaa in mudnaanta koowaad la siiyo ictiraaf raadin geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo
– Waxaa la isku raacay in midnimadii iyo mid ahaantii Qurbejooga reer Somaliland dib loo soo daba alo.

– Waxaa Jaaliyaduhu soo jeediyeen in gudi aqoonyahan ah la sameeyo oo aqoontooda iyo CV-goo da lagu soo xulo


– Waxaa kale oo aqoon yahan ku soo jeediyeen in iyanaga aan laga tegin gudi looyaro ah oo ictira afka u guntada


– Waxaa la soo jeediyey in la sameeyo Dalad dhexda u xidhata oo isku xidha Jaaliyadaha Somalilan d ee kala jan jeedha


– Si dar dar mug leh loo geliyo hawsha ictiraafka waxaa laga dhawaajiyey in Sanduuq gaar ah loo furo ictiraaf raadinta JSL.


-Waxaa la soo jeediyey in Saaxiibadii badnaa ee Somaliland ku lahayd Baarlaaanmaka UK iyo Xafiis kii yaraa ee ku meel gaadhka ahaa ee Baarlamaanka UK dhexdiisa Somaliland uga furnaan jiray in dib loo furo waayo waxaa ku kulmi jiray ayey ka yidhaaheen Saaxiibadii 36 MP-ga ahaa ee JSL u ololeyn jiray ictiraafkeeda iyo xuquuqdeeda gaarka ah taas oo ay hada ka sii joogaan Saaxiibadaa ilaa iyo 6 xubnood oo keliya oo aan iyaguna cod kar aheyn oo aan waxba tamarin.


-Waxaa la isku raacay shirkaa in marka hore Xuduudaha Somaliland leedahay si fiican loo sugo oo maamul-daadejin la sameeyo. Waxaa iyana laga dhawaajiyey in wada hadalada Dawlada Turkigu wado ay Somaliland ku tahay hadimo iyo hagardaamo qaran ee laga wareejiyo wada hadalada ay dhex dhexaadinayso Dawlada Turkigu maadaama aaney dhex dhexaadinta aaney dhex ka aheyn ee ay xaga Somaliweyn u jan-jeedho had iyo jeer.

-Waxaa Wasiirka la weydiiyey Su’aalo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Faaiidada Somaliland ugu jirta wada hadalada iyaga iyo Somalia u dhaxeeya waxaana uu Wasiirku uu yidhi ” Sideedaba cid marka ay wax idinka dhexeeyaan waa laba mid uun

1- in aad dagaalantaan oo xoog iyo cudud melateri aad ku kala adkaataan iyo
2- In aad heshiisaan oo fadhi iyo farsamo wax ku dhameysataan markaa wuxu yidhi Wasiir Sacad Somaliland waxay qaadatay in ay Somalia heshiis wax ku dhameystaan aduunkuna uu markhaati ka noqdo waanu soo dhaweeyey oo dhex buu ka noqonayaa Caalamku iyo hayadihiisuba.


Wuxuuna uu Wasiirku ku kabay su’aashii la weydiiyey oo uu yidhi ” Shirkaasi waa kulan aynu siman ahay Somalia oo nahay laba dawladood oo siman oo danahooda ka tashanaaya. waana gogol dhig wanaagsan oo dib inoogu celinaaya in aynu ku kala baxno sifihii aynu lixdankii ku midowney taas oo Caalamkuna mar khaati uu inoo yahay oo inagu kaalmeynaayo. Waxaa kale oo uu Wasiirku faah-fa ahin dheeraad ka bixiyey 5-ta darajo ee aqoonsiga ee aduunka ka jira iyo Faaiidooyinka ictiraafka buuxa uu Qaranka Somaliland u leeyahay isaga oo tusaale yar u soo qaatay Mashaariicda baaxada leh ee gaadhaya ilaa iyo 10 Bilyan ee Dollar ee dawlada yar ee Djibuuti ay hada maamusho, waxaa kale oo uu wasiirku tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey sifihii gudi heer qaran oo ay u dhan yihiin Muca arid iyo Muxaafid loo dhisi lahaa . Shirkaasi wu xuu ku dhamaaday is afgarad iyo jawi aad u qurux badan oo duco lagu soo afmeeray.

 

 


Gobanimo dadkaa mudan
Galadana Allaa iska Leh
Somalilan Guul Waarta.
Salaannmedia/London
Tebiye : A/fidhinle
West London
UK