Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Masar

 


Hargeysa  (TNN) : -Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr.Sacad Cali shire xafiiskiisa Ku qaabilay wafti u hogaaminayo Safiir Ku xigeenkii hore ee Dalka Masar ee Jabuuti Mr.Maxamed AL amiir oo u wahelinayo Safiir Ku Xigeenka cusub ee hadda fadhiya Jabuuti Mr.Haytham Ax med Cumar.

Ujeedada safarkan oo ay wafdigu Sheegen in salkiisu yahay in safiirka cusub iyo maddexd a Dalka Somaliland ay is baran lahayeen madaama u yahay masuulkaà xidhiidhka Somalila nd iyo Masar gacanta Ku hayn doona mudada afarta sanno ee soo socda

Iyo in kulan balaadhan ay la yeelan lahaayeen wasiirka arrimaha dibedda Dr Sacad Cali Shire iyo maddexda kale we Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland si loo lafa guro hawlaha iskaashi iyo wadashaqaynta labada dal gaar ahaan booqashada Wasiir Sacad Ku tagayo Dalka Masar bisha soo socota ee feberwary iyo falaqaynta ajandaha uu la yeelan doono dhigiisa Mr. Saamix Shukri wasiirka Arr dibedda ee dalka masar.

Kulankan oo Ku dhamaaday jawi is af garasho ah waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku Xig eenka Arr dibedda Mr Axmed Adan Ismaacil iyo wakiilka Somaliland dalka UAE Mr. Baashe Cumar iyo Fahmi qasim iyo Mrs Jawahir Maxamed oo ka tirsan xafiiska xidhiidhka dalalka carabta ee wasaarasda arrimaha dibedda