Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo La Kulmay Madaxweynaha South
Afrika
South Africa (TNN):-Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga
ah JSL Mudane Maxa med Biixi Yoonis oo ka qaybgalay shirkii lagaga
hadlayay dhaqaalaha qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa)
oo muddo seddex maalmood ah ka socday magaalada Cape Town ee dalka
Koonfur Afrika, ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika
Jacob Zuma oo dalkiisu martigeliyay shirkaas.
Wasiirka iyo Madaxweyne Jacob Zuma waxay si kooban u wadaageen hadal
kadib markii Aja ndaha lagaga hadlayay aragtiyaha ku aadan
kaabayaasha Afrika ee mustaqbalka la soo xid hay.
Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL,
Mudane Maxamed Biixi Yoonis ka qaybqaatay Ajandaha lagaga hadlayay
nabadgelyada Afrika iyo Ajandeyaal kale oo dhammaantood khuseeyay
arrimaha Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, caqabadaha ka jira xagga
waxsosoaarka warshadaha, diyaarinta hoggaamiyayaasha waajahaya
carqala badda nabadgelyada mustaqbalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhinicisa wuxu aad uga hadlay
heerarka sarreeya ee shaqo nabadgelyada ka jirta mujtamaca
dhalinyarada ah ee qaarada Afrika iyo fursadaha x adidan ee
horumarinta xirfadaha iyo shaqada oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku
noqonaya an xasiloonida, waxanu soo jeediyay talooyin tiro badan oo
dhibaatooyinkan xal u noqon kar a sida siyaasado waafi ah oo
dawladuhu ka yeeshaan xagga waxka qabashada sinnaan la’a anta,
horumarinta waxbarashada xirfadaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga
dibadeed ee toos ka ah
Waxa ka mid ah masuuliyiinta ay Wasiirka ka wada qaybqaateen doodaha
kala duwan ee aja ndayaashan sare masuuliyiin xilal sare haya oo
metelyay wadamada South Afrika, Malawi, Canada, Uganda, Uk iyo
dhinacyo kale
Sidoo kale, Wasiirku wuxu waraysi faahfaahsan siiyay Warbaahinta
Caalamiga ah ee CNBC kaasoo uu kaga hadlay hadlay nabadgelyada
Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso, sida ay hawlbawle ugu tahay
nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo qaaradaba iyo weliba iyo
qorshayaasha mudnaanta leh ee dalka dhinacyada horumarka iyo
siyaasadaba oo uu su’aale badan kaga jawaabaty
Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of
Somaliland
|