WAR-SAXAAFADEED

 


Axaddii shalay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mohamed Biixii Yonis, a yaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkeyga u fadhiya Somaliland, Muza ffer Yuksel. Booqashada Yuksel ee Wasaarada Arrimha Debedda ayaa la xidhiid hay is-barasho waxaana laga wadahadlay xidhiidhka Turkeyga iyo Somaliland.

Arrimaha kale ee laga wada hadlay waxa ka mid ahaa mashaariicda dawlada Turk eygu ka fulinayso jamhuuriyada Somaliland, oo ay cusbitaaladu ka mid yihiin iyo m ashaariic kale. Qunsulka Guud wuxuu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somali land uu wax badan oo uusan hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka caasimada Somaliland ee Hargeisa. Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska Xoghaynta ee Somalilan d ee dalka Turkeyga xafiiskaas oo qaabilsan wadahadalada ka dhexeeya Somalilan d iyo Somalia.

Munaasabada waxa joogay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda, Mowleed Moha med Ibrahim iyo Safiirka Somaliland u magcawday dalka Turkeyga, Ali Ahmed Osm an, oo la filaayo in uu dhowaan ka hawl galo dalka Turkeyga.
 

 

Siciid Cali Muuse
Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga