Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Qeyb-galaya Shir Caalami ah Oo lagu Qabanayo Imaaraadka



Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Socdaalka Wasiirka ....

Hargeysa (TNN):- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalami ga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta u kicitimay dalka Imaaraadka Car abta, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo lagaga hadlayo xakamaynta iyo budhcad-badeedka oo ay soo qaban qaabisay Qarrammadda Midoobay oo kaashanaysa midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD.

Sidaasna waxa noo xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) oo caawa khadka Telefoonka ugu waramayay shabakadda wararka ee Somalil and.Org.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalka weftiga Wa siirka, waxaanu yidhi “Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane Max amed Biixi Yoonis, waxa uu maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu sii marayay dalka Jabuuti oo uu saacad ku nasanayay, waxaanu caawaba uga sii gudbayaa Magaaladda Adis-ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu berri uga sii gudbayaa dalk a Imaaraadka Carabta,halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay qarrammadda midoobay oo kaashanaysa midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD.”

“Shirkan waxa ka soo qeyb galaya dalalka gobolka iyo wadammadda aafadda tahriibku ay saamaysay ee caalamka. Waana shir sanadle ah oo lagaga hadlo sidii loo xakamayn lahaa budhcad badeedda oo waxyeelo weyn ku haysa ganacsiga caalamka,”ayuu yidhi Afhayeen ka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.

Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) waxa uu sheegay socdaalka Wasiirka ee dalka Imaaraadka car abta uu ku weheliyo Agaasimaha xafiiska la dagaalanka budhcad badeedka Somaliland Md. Maxamed Cismaan.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in lagu wado in weftiga Wasiirka Khaarajigu ay dalka dib ugu soo laabtaan maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa.


 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland