Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka hadlay Kulamo uu la yeeshay
wufuuddii Masar, Kenya iyo Jarmalka

Addis Ababa (TNN)-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar, ayaa magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka
Itoobiya oo uu ka socdo shirkii midowga Afrika, kula kulmay Wufuudii
shirkaasi uga qeyb gashay waddamadda Kenya, Masar iyo Jar malka.
Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku
qabtay Magaaladda Addi s-ababa ee wadanka Itoobiya.
“Shirkan waxaad moodaa inuu xooga saarayo xurgufaha ka dhex jira
qaaradda hase yeesh ee ka Somaliland ahaan sanad kasta marka shir
caynkan oo kale ahi ka socda Addis ababa waanu ka soo qayb gali
jirnay si aanu kulamo ka baxsan shirka ula yeelano wufuuda ka ima
naysa dunida daafaheeda kala gedisan,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Khaarajiga oo ka hadlayay kulamadaasi wuxuu yidhi “Intii
aanu halkan nimidna na siib wanaag waxa noo suurogashay inaanu dhawr
Dal wufuudooda la kulano waxaana ka mid ahaa wefdigii Dawladda Kenya
ee uu hogaaminayay Wasiirul khaarajiyaha Dalkaasi, wu fuud ka
socotay Dalka Masar iyo saaka oo aanu la kulanay kuwo ka socday
Dalka Jarmalka, kuwo kalena way noo hadheen intabana waxaanu kala
hadlaynay qadiyada arrimaha dibe da Somaliland iyo sidii aanu
taageero uga heli lahayn.”
Dr. Maxamed waxa uu raali-gelin ka bixiyay war ka dhan ah Safaaradda
Itoobiya ee Harge ysa oo wargeys wax ka qoray, isagoo arrintaasi ka
hadlayayna wuxuu yidhi “Arrintaa da wlad ahaan aad iyo aad baanu uga
xunahay, xukuumadda Itoobiya iyo safaaradeedu wax aanu ka siinaynaa
raali-gelin, waa arrin muujinaysa mas’uuliyad darrada qaybo ka mid
ah saxaafadda Somaliland. waxaan leeyahay safaaradda Itoobiya ku
leedahay Somaliland wax ay ka shaqaysaa xidhiidha labada dal
wadaagaan. Waxaanay xooga saartaa in xidhiidh dha qaale iyo ganacsi
labada wadan dhex maro.”
“Waxa naga dhaxaysa wada shaqayn wanaagsan uma socdaan arrimo
ganacsi oo iyaga u gaar ah iyo arrimo kootarabaan ah oo dalka ka
manuuc ah. waxay u joogaan hagaajinta iy o adkaynta xidhiidhka
labada dal, eedaha wargeysku u soo jeediyay waa mid aaan jirin, wa
xaan jecel nahay in arrintaa laga waantoobo oo aanay mar dambe
dhicin. waa arrin qaran ka ceeb ku ah,”ayuu yidhi Wasiirka
Khaarajigu. Wasiirka waxa socdaalkiisan Itoobiya ku we helinaya
Wasiirka duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud
Xaashi Ca bdi.
Cumar Maxamed Faarax
|