Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Waramay Qorshaha waxqabadka Wasaaradiisa

 

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda JSL Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa ka xog waramay hawlaha shaqo ee ay wasaaradiisu qabato iyo tallaabooyinka siyaasada arrimaha dibeda ee ay wasaaradiisu iyo Somalilandba hore u qaaday intii lagu gudo jiray sanadkii dhamaaday ee 2009-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa kaasi oo uu Sidoo kale wasiirku waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga xog waramay xidhiidhka isa soo taraya ee ay Somaliland la leedahay wadamada Dibeda iyo kuwa jaarkeeda ah, gaar ahaana waxa uu wasiirku carrabka ku dhuftay wadanka Jabuuti oo beryahan danbe xidhiidhka ay Somaliland la leedahay si weyn kor ugu soo kacay.

Wasiirka arrimaha Dibedu Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale waxa uu tilmaamay in wadanka Jabuuti oo ay Somaliland wada ambaqaadeed xidhiidh saaxiibtinimo , iskaashi, iyo nabad gelyo uu haatan gaadhay meel la taaban karo oo midho dhal ah.

Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirku mar uu ka hadlayay Arrimaha doorashooyinka iyo qabanqaabada shirweynaha 2aad ee Xisbiga UDUB waxa uu tilmaamay in aanay Xukuumada dhexe ee Somaliland iyo Xisbiga talada haya ee UDUB midna aanay ogolayn in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loo cayimay oo ah 29.March.2009. isagoo wasiirku tilmaamay inay diyaar u yihiin wax waliba isla markaana ay caalamku ballan qaadeen inay doorashada Madaxtooyada u soo diri doonaan goob joogayaal caalami ah oo indha-indhayn ku sameeya doorashada.

Shirkaa jaraa’id ee wasiirka arrimaha Dibada waxa ku wehelinayay oo goob jog ka ahaa wasiiru dawlaha arrimaha dibada Md. Siciid Aadan Nuur iyo xubno ka mida agaasima waaxeedyada wasaaradda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “

Horta waa sidaasi uu sheegay Wasiiru-Dowluhu waxaan doonayaa in aan halkan idiinka caddeeyo Wasaaradu waxna waa Protocol anigu aan mas’uul ka ahay iyo Wasiiru Dowluhu Markaa wixii Wasaaradda guud ahaan ka xumaada waxa iska leh Wasiirka Arrimaha Dibadda isaga ayaa ugu horeeya madax meel ka saraysa oo la taabtaana ma jirto, ta kale waxa weeyaan dar-dar galin doonaa hawlaha sidaa uu Wasiirku sheegay, waxaanu aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa Madaxweynaha JSL oo runtii meelo badan culays noo saaray, marka Madaxweyne Dibad u baxo iyo Warqada uu qoraa waxay miisaan siisaa xoojinta Siyaasaddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda taana aad iyo aad ayaanu ugu mahad celinaynaa Madaxweynaha, waxna waxa aan la wadaagnaa Colleagues-kayaga kale .

Taana wasaaraddu qayb wayn ayay kaga jirtaa guud ahaan waxaan jecelahay walaalayaal inta aynaan su’aalaha u galin sidii Madaxweynuhuba horeba u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr. Obama ina aanu maanta halkan Dhaartii loo dhaariyay xafiiska in aanu aad iyo aad u hambalyayno waa wax wayn oo taariikhda Maraykanka iska bedeshay, Taariikhdii dadkii African-Americans-kana waxa wayn ka bedeshay waxa kale oo aanu hambalyo u diraynaa Hillary Clinton oo iyana la wareegtay maanta hawsha sidoo kale waxaanu hambalyo u diraynaa Dr. Susan Rice Wakiilka Qaramada Midoobay ee Maraykanka horena saaxiib Somaliland ula ahayd. Waxa kale oo aan khaasatan u mahad-naqayaa safiirka Ingiriiska ee Norman Ling iyo ku-xigeenkiisa John Marshal oo labaduba gacan-siin wayn la leh xafiiskeena Addis Ababa ka furan, waxaan jecelahay in aan si gaar ah ugu mahad-naqo kullankii ay noo sammeeyeen kullankii ugu dambeeyay ee Wasiirkii Ingiriiska ee yimid Addis Ababa oo gobolka marayay Admiral Lord West ayaa la yidhaahdaa oo runtii waqti fiican na siiyay Xukuumaddana anuu aan u matalayay aad iyo aad ayaanu runtii ugu mahad-celinaynaa, waxa kale oo aanu u mahad-celinaynaa Safaaradda Maraykanka ee Nairobi Ambassador Runner Burger iyo hawl wadeenada kale iyo safiirka u fadhiya Maraykanka wadanka Djibouti Ambassador James Swan oo iyaguna runtii suurta galiyay kulankii Madaxweynaha iyo Senator Feingold oo hawsha Afrika u qaabilsan Senate-ka Guddoomiyena u ah kooxdaasi aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa, Nairobi intii aanu joognay Wakiilkeena halkaasi fadhiya Mr. Indho Buur oo aad noola shaqeeyay ayaan u mahad-naqayaa.

Waxa kale oo aan halkan uga mahad-naqaynaa Ambassador Bawakera Nicolas oo warbixin fiican inaga qoray una gudbiyay Africa Union-ka hawlahaasi aad iyo aad ayaan u jecelahay inaan uga wada-mahad naqno, waxa kale oo aan u mahad celinaynaa Dowladda Ethiopia oo aad iyaduna noo caawisa.

Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa Dowladda Djabouti oo aanu yeelanay Strategic Partnership oo ah wax wayn oo inoo soo kodhay, daris wanaaga iyo jaarkana sidaasi ayaanu u wadaynaa Insha Allah, Dowladda Kenya sidoo kale xidhiidh wayn oo caaqiibo leh ayaa naga dhaxeeya Kibaki waanu aragnay Wasiirul Khaarajiyaha Telefoon ayuunbaa na kala xiga waan saaxiibkay Watankula , Ra’iisal Wasaaraha Rail Odinga waa saaxiib wayn oo Somaliland leedahay waan nin yaqaana Somaliland.

Intaa ka dib waxaa wasiirka la waydiiyay su’aalo waxaana ka mid ahaa kuwan:

S. Maalmahan dad badan waxay u arkaan in Cawil hoggaamiyo xagga arrimaha Dibadda markaa ma adiga ayaa gaabiyay oo lagu dhaliilayaa inkastoo aad ahayd nin in badan ka soo shaqaynayay Arrimaha Dibadda arrimahaasi maxaad ka odhanaysaa ?

J. Cawil walaal waa Oday Qaran weeyi, Shirkayagii Djabouti aanu ku tagnayna waxa aanu ku tagnay Guddi, Guddida isaga ayaa Guddoomiye u ahaa waana waxa aan aad iyo aad ugu faanayno, sidaad la socotaanba waxay ahayd arrin hore loo soo dhammeeyay, arrinta ugu wayn ee taalaana waa arrinta Nabad-gelyada, Wefdigana waxa aanu ku ahayn saddex Wasiir iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafina, W/Maaliyada Cawil iyo W/Daakhiliga C/laahi Ciro. Waxaanu meesha ugu tagnayna waa intaa dhigoodii, Wasiirka Khaarajiga Djaboutina shir qudha oo uu kala soo qabtayna ma jirin markaasi sidaasi ayuu Guddoomiye ku ahaa, waa oday Qaran oo Siyaasi ah inqilaabkii ugu horeeya sammeeyay aad iyo aad ayaan ugu han-waynahay dee kollayba sida loo kala wayn yahayna waa mid meesha ku jirta “nin gu kaa waynina guri xeel kaa wayn baa la yidhi” Golaha Wasiiradda waxa ka dhaxeeya sharaf “co-hesive) ayaanu nahay wusara ah markaa waxa weeyaan waxa aanu ku shaqaynaa wadar iyo wadajir marna port-folio ayaa lagu shaqeeyaa. Markaas Cawil Guddoonkiisii hawl fiican ayuu soo qabtay waana noo sharaf.

S. Wasiir waxa la sheegayaa in Wasaaraddu Baryahan dambe in ay dhaliilo daciif ah oo faro badan leedahay siib dhinca Khibrada Diblomaasiyadda gaar ahaan Wasiirka, socdaaladu waxay noqdeen qaar kaligaa aad baxdo oo aan lahayn awood lagu baxo culaysna lagu saari karo meel, ta kale xafiisyo la furayo ayaad sheegteen iyo Librari laakiin maad sheegin strategyada Wasaaradda arrintaa maxaad ka odhan kartaa ?

J. Caalamku kuma shaqeeyo Kun-fa-yakuun, anigu waxa aan kalsooni badan ku qabaa taariikhduna xusi doontaa aniga iyo Wasiiradii iga horeeyayba ka soo bilaw Marxuum Sh. Yuusuf 1991 in Wasaaraddani horumar gaadhayso mar walbana ay ahayd Incremental, maantana waxaa aan aad ugu niyad samahay in horumar wayn la sameeyay wufuud badani inoo timid oo ay ugu dambaysay qolyihii maalintii dhawayd inoo yimid ma jeclin in aan wax kasta carabka ku dhufano wax badan oo dusha aanu ka marnaa waa jiraan oo masalan Prime minister Gordon Brown warqad rasim ah ayuu u soo qoray Madaxweynaha iyo qoladii halkan timid dhambaal ayay inoo keeneen, kuma shaqayno anagu I arkaay i maqlaay mana jeclin danta iyo hawsha ayuunbaa laga raac tan xagga socodka aad ayaa loogu baxay inta badan waxa ina xaniba waxa weeyaan waa arrin xagga dhaqaalaha ah, mar aanu dirno Xukuumada iyo mar aanu dirno Axsaabta Qaranka iyo mar aan anigu baxo oo u baxo dalalkaas ay inoo joogaan Wakiiladdeenu shirarka Caalamiga oo kale ayay ka qayb qaataan Maxamuud Cabdi Dacar oo kale Brussels ayuu joogaa

S. Wasiir xagga loobinka waynu ka liidanaa sida la sheegayo ee arrinkaa maxaa ka jira ?

J. Walaal Soomaalidu waxay tidhaahdaa tog waliba taagtii ayuu rgo madaa, anagu waxa aanu is leenahay Xukuumada ahaan Qaran ahaan iyo Wasiir ahaanba waxaanu la hadhnay in aanay jirin mid aanu ka daalaynana maaha.

S. Wasiir Dalka Kenya sida aad sheegtay xidhiidh ayaynu la leenahay oo lagu tilmoom in uu yahay meesha laga hago siyaasadda Afrika, dhowaan waxa safar kaga soo noqday Guddoomiyaha Kulmiye Siilaanyo, waxa uu sheegay in aad halkaasi dayacdeen xilkii idinka saarnaana aydaan gudan oo ay gaadhay Madaxweyne ku-xigeenku aaminsan yahay in Edna Adan ay tahay Wasiir Arrima dibadeedkii markaasi miyaanay ahayn arrin aad gabteen ?

J. Horta walaal farxad wayn waxa ii ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye haddiiba uu arrin qadiyad Somaliland ah ka soo shaqeeyay waan ku hambalyaynaynaa oo waliba waanu odhan Dowladda Kenya waa la igu diray, Wasiirkaa nagu diray Ethiopia iyo arrimaahsi, laakiin si wanaagsan loo soo dhaweeyay run ahaantii waxa weeyaan dee Odaygu isaga ayaa hadalkaasi yidihi xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeya Madaxweyne Kibaki waanu aragnay waan la socday wafdigii Madaxweynaha anigu ee ugu horeeyay ee Arab Moi illaa wakhtigii Cigaal oo ay ugu horaysay 1993 iyo dhowr shir oo kale oo aanu Madaxweynaha (Cigaal) ka sidanay Waraaqo, intii ka dambaysayna dhowr jeer ayaanu taagnay Porto-folio-dana waxa haya Madaxweynaha iyo Wasiir khaarajiyaha saaxiibo badana waanu ku leenahay, arrintan aad soo qaaday ee Madaxweyne ku-xigeenka haddii uu arakay Axmed Siilaanyo dee waa fiican tahay haddii uu arkay Axmed Maxamed, baryahan dambe waxa aad moodaa duqu inuu ku wallacay Magaca la yidhaahdo Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Wasaaradda taasna waxa aan jecelahay in aanan halkaasi u dhaafin, uu sheegay sifo shakhsi ah ayaan ku tagay meesha shirkii jaraa’id ee uu idiinku qabtay Madaarka, markaas waxa habboon marka dal aad tagto ee aad sifo shakhsi ah ku tagtid in aad sifo shakhsi ah ku joogtid waxaanu arkaynay in arrintii u socotay Kaambayn iyadoo waliba jaaliyaddii dhexdeeda Kaambayn wayn laga sammeeyay waa dal ajnabi ah dalku shuruuc ayuu leeyahay inaga Kaambaynkeenu waa dalka gudihiisa markaanu tagno anagu ama Axsaabtu hore ayaanu u dirnay waanu dhowrnaa oo waa la dhowraa dalka aad tagayo dadka meesha joogaana waa shacab inkastoo Somaliland asliyan yihiin, runtii waa dad Kenya ah, taasna waxaanu u aragnaa waa arrin fajiciso ah markaad eegto xeerkeena wali doorashadii lama galin waxa aynu ku jirnaa Diiwaangelintii, arrintaasna waxaan u arkaa arrin gef ah oo shuruucdeena gaf ku ah, Dalkaa Duqu tagayna inuu dhowro ayay ahayd xafiisna waan ku leenahay shaqeeya.

 


Waaheen