Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la kulmay Guddo om iyaha
Guddida Saaxiibada Somaliland ee Baarlamaanka Britain Alun Machael
oo Baaq u Jeediyey Xukuumadda Ingiriiska
Cardiff (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
ee Somaliland Dr. Maxamed Cab dillaahi Cumar, ayaa dalka
Ingiriiska kula kulmay Guddoomiyaha Guddida saaxiibada Somaliland ee
Baarl amaanka boqortooyada Britain Mr. Alun Michael.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo booqasho ku jooga wadanka
Ingiriiska, waxa maalintii Axada ee taariikhdu ahayd 29 Augost 2010
magaalada Cardiif kulan kula yeeshay
Gudoomiyaha Guddida Saaxiibada Somaliland ee Golaha Baarlamaanka
Britain Md. Alun Michael, masuu liyiinta xafiiska Jaalliyada iyo
xubno ka socda Jaalliyada Somaliland ee Gobolka Wales ee wadanka
boq ortooyada Ingiriiska.
Haddaba waxa warbixin kullankaasi ku saabsan iyo waxyaabihii lagaga
wada hadlay nooga soo direy m agaalada London Khadar Xasan
Cali oo ka tirsan Jamhuuriya Times. “Kullankan oo ka dhacay xarunta
Jaalliyada Somaliland ee Cardiff, waxa ay wasiirka arrimaha dibadda
iyo Md. Alun Michael ugu horeyntii si wada jira u qaabileen qaar ka
mid ah odayaasha iyo masuuliyiinta Jaalliyada Somaliland ee Cardiff,
waxaana ereyo kooban oo soo dhaweyn iyo mahadcelin ah halkaasi ka
soo jeediyay agaasimaha xafiis ka jaalliyada Cabdikariim Cabdi
Aadan, waxaanu intaasi ku daray in ay farxad weyn u tahay jaalliyada
reer Cardiff in magaaladii u horeysay ee wasiirka cusub ee arrimaha
dibaddu booqdaa noqotay Cardiff.
Guddoomiyaha Guddida Saaxiibada Somaliland ee Golaha Baarlamaanka
Ingiriiska Md. Alun Michael, ayaa warbixin kooban wasiirka ka siiyay
dedaalka Jaalliyada reer Cardiff ee uu wakiilka uga yahay
Baarlama anka Ingiriisku ugu jiraan qaddiyada Somalilad iyo ka qayb
qaadashada mashaariicda lagu horumarin ayo Somaliland.
Md Alun Michael waxa intaasi ku ladhay in ay tahay wax lagu faano
doorashadii Somaliland ka dhacday iyo qaabkii xilka loola kale
wareegay oo Somaliland sumcadii ay caalamka ku lahayd kor u qaaday.
Md. Alun waxa uu xusey in xukuumadii hore ee Ingiriisku ballanqaaday
in ay kaalmada ay Somaliland siiso iyo wada shaqaynta ay la leedahay
ay sare u qaadi doonaan doorashada madaxtooyada ka dib, sidaa
daraadeedna looga fadhiyo xukuumada uu madaxda ka yahay David
Cameron in ay fulliso ballanqaadkaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
oo halkaasi ka hadlay, ayaa ugu horeyntiiba uga mahadceliyay
Jaalliyada reer Cardiff iyo Md. Alun Michael dedaalka joogtada ah ee
ay ugu jiraan sidii Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka
iyo waliba taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Somaliland.
Waxaanu uga waramay marxalada Somaliland maanta marayso iyo
caqabadaha horyaala xukuumada cusub ee Somaliland ee Madaxweyne
Siilaanyo.
Ibraahim Carab oo ka mid ah masuulyiinta Jaalliyada, ayaa isna ka
xog waramay kaallinta ay reer Cardi ff ka soo qaateen
halgankii dalka lagu xorreeyay,dib u dhiska iyo horumarinta
Somaliland. Guddoomiyaha isku xidhka Somaliland iyo Wales Angela
Goran ayaa waxay ka warbixisay taageerada d hinaca caafimaadka
ee hay’adda samofalka ah ee ay madaxda ka tahay u fidiso 8 cusbitaal
oo ku yaalla Somaliland, gaar ahaana iyagoo ka kaalmeeyay daaweynta
haweenka uurka leh.
Intaa ka dib waxa u wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cumar waxa
uu kullan gaara oo lagu lafa gurey arrimo badan oo muhiima la
yeeshay Md Alun Michael. Waxaannu Dr. Maxamed uga xog waramay
qorshaha xukuumada ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga,
taasi oo wasiirku sheegay in wasa aradiisu xooga saari doonto
sidii Somaliland uga dhex muuqan lahayd, door muuhiimana uga qaadan
l ahayd siyaasada Gobolka. Wasiirka oo faahfaahin ka bixinayaa
arrintaasina waxa uu yidhi “Waxaanu xoojin doonaa xidhiidhka
iyo wada shaqaynta aanu la leenahayn waddamada dunida, ururada iyo
hay’a ddaha caalamiga ah, gaar ahaana waxaanu xoogga saarin doonaa
kuwa gobolka sida IGAD iyo dalalka aanu saaxiibka nahay ee wada
shaqayntu naga dhaxayso.”
Wasiirka arrimaha dibadda waxa kale oo xusay in xukuumadooda ay ka
go’an tahay ka midho dhallinta mashruuca marinka Berbera (Berbera
Corridor) oo sida uu sheegay faa’iido weyn u yeelan doona dady
owga ku nool Gobolka Geeska Afrika guud ahaanba.
Kullanka waxa kale oo lagu soo qaaday sida arrimaha dhinaca
nabadgalyada iyo xasiloonida mandaqada iyo waliba sidii dowladda
Britain gacan geysan lahayd horumarinta kaabiyada dhaqaalaha ee
Somalil and, suuq geynta xoolaha nool iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Sido kale kale waxa wasiirka iyo mudanuhu si qoto dheer oo
cilmiyeysan uga wada xaajoodeen habkii iyo hanaankii ay Somaliland
ku gaadhi lahayd aqoonsi caalami ah oo ay dunida ka hesho iyo doorka
ay Dowladda Britain ka qaadan karto, taasi oo labada dhinac isku
aragti ka ahaayeen.
Dhinaca kalena, wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga
ah Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shalay u waramay VOA, waxa uu ka
hadlay kulankii maalintii Isniinta magaalada Addis Ababa ku dhex
maray madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo
ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zanawi.
“Waxaanu ka maqalay Saxaafadda in Madaxweynihii hore ee Somaliland
Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan xukuumadiisii ay ku
sugan yihiin Addis ababa, laakiin arrintaasi waa arrin iyaga u gaar
ah haddii ay booqasho ku marayaan Itoobiya. Hawlo xukuumaddan ay
kaga wakiil yihiin oo ay u hayaan a ma jirto. Laakiin waa
muwaadiniin xor ah oo mari kara dalalka jaarka. Laakiin arrin aanu
isku ognahay ma jirto. Anagu waxaanu rajaynaynaa in Madaxweynihii
hore ee Somaliland waa nin masuul ah oo dalkan xil illaa Madaxweyne
ka hayay. Waxaanu filaynaa haddii uu fursad u helo inuu masuuliyiin
kale oo wadamo aynu jaar nahay ama kuwo kale uu la kulmo inuu
kollayba danaha qaranka wax waxtar u leh kala hadlayo oo ku saabsan
sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka labada geesood.”
Source; Jamhuuriya Online
|