Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo
goor dhawayd ka soo degay gegiga diyaaradaha Brussels ee Dalka
Belgium
Waxa garoonka ku soo dhaweeyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan
belgium Maxamuud Cabdi Dacar iyo xubno ka tirsan jaaliyada
Somaliland ee Belgium
Brussels,Belgium, 20 March,2012 (TNN):- Wasiirka Arimaha dibada
somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi cumar oo kasoo degay g egiga
diyaaradaha Brussels ee dalka belgium halkaas oo la filayo in uu
kula mo kala duwan la yeesho madax sare oo ka tirsan Baarlamaanka
reer Yurub , sidoo kale wuxuu la kul mi doonaa xubno ka tirsan
jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Belgium.
Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo
goordhawayd ka soo degan ga roonka Brussels ayay Timacade News wax
ka waydiisay socdaalkiisan , waxaanu sheegay inuu u soc do kulamo
kala duwan oouu la leeyahay madax sare oo ka tirsan baarlamaanka
Yurub , waxaanu she eg ay inuu xoogga saarayo sidii xog buuxda uga
siin lahaa xubnaha uu la kulmayo shirkii ka dhacay mag aalada London
iyo faaiidada ay u lahayd Somaliland inay ka qayb gasho iyo doorka
ka ay ciyaari karto siyaasada mandaqada bariga Afirka iyo siyaasada
somaliland halka ay marayso hada.
Wasiirka oo la filayo inuu ku sugnaado caasimada reer Yurub ee
Brusseles ilaa khamiista ayaa waxa ay shabakada Timacade News
mudadaa uu jooggo idiin balan qaadaysaa inay idiin soo tabiso kulam
ada iyo sawiradooda ha ka fogaan Timacade News
Sacad Guray
Timacade News Desk
Brussels , Belgium
|