Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Madaxda Iyo Siyaasiyiinta Somalia Uga
Digay Sheegashada Somaliland
Dr Maxamed C/laahi Cumar oo maanta hadal ka jeedinayay munaasibad
loo qabtay Mushar ax...........
Hargeysa (TNN) - Wasiirka arrimaha Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi
Cumar ayaa madaxdad a Somalia uga digay sheegashada
Somaliland,waxaanu ka digay hadaladan ka soo yeedhaya Siyaasiyiinta
Dalkaasi.
Dr Maxamed C/laahi Cumar oo maanta hadal ka jeedinayay munaasibad
loo qabtay Musharax Hodan Axmed Cabdilaahi Oo xisbiga Kulmiye uga
tartamaysa Golaha deeganka Ee gobolka Mar oodi-jeex, ayaa ugu baaqay
maamulka Soomaaliya in ay joojiyaan arrimaha keeni kara xasiloo ni
daro ku habsata Geeska Afrika
Waxaana uu sheegay in sheegashada Somaliland oo ay aqoonsan yihiin
qayb ka mid ah Soom aaliya ay tahay meel ka dhac, isla markaana ay
Somaliland tahay dal madaxbanaan oo raadin ayo aqoonsi caalamiya.
“Dastuurka Soomaaliya waxa uu sheeganayaa Somaliland , waxa ay
jariimad ku tahay ah mad axbanaanida Somaliland , waxaanu ugu
baaqaynaa Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale in ay joo jiyaan
sheegashada aan micnaha lahayn , waxaanu leenahay Somaliland waa dal
madaxbana an , waa dal u taagan in beesha caalamku madaxbanaani
buuxda siiyo”
Waxa kale uu sheegay Somaliland ay soo dhaweynayso in dawlada cusub
oo uu yeesho dalka Soomaaliya oo ah xudunta rabshadaha ka dhaca
Geeska Afrika.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|