Wasiirka
Arrimaha Dibada oo Addis ababa kula kulmay Wefdi ka socda Dawlada
Maraykanka
Addis ababa Jimce 05 March 2010 (TNN)-Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuri yadda Somaliland, Mudane,
Abdillahi Mohamed Duale, ayaa kula kulmay Magaala Madaxda Dalka
Ethiopia ee Addis Ababa 03/03/10 huteelka Sherton Addis wefti ka
socday Dawladda Maraykanka oo uu Hogaaminayay Mr. Karl E. Wycoff, oo
ah Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghaya ha Arrimaha Dibedda ee Dalka
Maraykanka isla markaana qaabilsan Arrimaha Geeska Africa iyo
Badhtamaha Africa.
Shirkaasi oo qaatay saacad iyo badh u jeedadiisa ugu wayni waxay
ahayd u gogol xaadhka wefti ka socda Dawladda Somaliland oo dhawan
booqosho rasmi ah ku tegi doona wadanka Maraykanka iyaga oo
martiqaad rasmi ah ka helay Xukumadda Maraykanka.
Wasiirku waxuu warbixin dheer kasiyay waftiga Markaykanka xaalka
guud ee dalka khaasa tan dhinacyadda Nabadgelyadda, Horumarka,
geedu socodka Dimquraadiyada iyo taabo ga lka dawlad wanaaga.
Isagoo u cadeeyay waftiga in xidhiidhka somaliland iyo Maraykanku
ya hay mid soo jiren ah oo soo taxnaa ilaa 1991kii intii ay
Somaliland lasoo noqotay Madaxbana anideeda waxuu Wasiirku ku
adkeeyay waftiga Dawladda Maraykanka in lagaadhay wakhti gii
la sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal,
Maraynkankuna uu gacan mug leh uga gaysan lahaa dhinac yadda gaar
ahaan:- Diblamaasiyyadda, Horumarka iyo geed u soc odka
dimquraadiyadda.
waxa kale oo uu Wasiirku ku adkeeyay waftiga in kulamadda dhawan ka
dhici doona dalka M araynkanka ee labadda dhinac ay noqondonan kuwo
dhal natijo midho leh oo waxku ool ah..
Waxa dhica weftiga Maraynkanka Karl E. Wycoff uu u xaqiijiyay
wasiirka in Maraykanku aad ula dhacsan yahay Hogaanka Xukuumadeed ee
Somaliland shacbi iyo Xukumadba waxqabsi gooda, isagoo cadeeyay in
xidhiidhka labada dal yahay mid aad iyo aad isu soo tarayay mu
do dheer lana gaadhay wakhtigii xididada loo sii adkayn lahaa
iskaashiga labada wadan oo ku dhisan ( Mutual Interests). Waxa kale
oo uu intaas ku daray in kulamada soo socda ay noqondoonan kuwo
midho dhal ah. waxa kale oo uu Karl sheegay in joogtaynta kulamada
labada dal ay noqon doonan kuwo sii socda.
Kulankaas waxa wasiirka Arrimaha Dibedda Ku weheliyay isaga iyo Karl
E. Wycoff , Mudane Ayanle Salad Deria, Safiir Ku Xigeenka
Safaarradda JSL Addis Ababa , Ambassador, John Ya tes,
Safiirka Dalka Maraynkanka u Fadhiya Ethiopia iyo Mr. T. Kirk
McBride, oo Safaaradda M araynkanka u qaabilsan arrimaha
Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.
Wasiirku Wuxuu soo gaadhay shalay gelinkii danbe isaga oo ka soo
kicitimay Magaalo mada xda Jamahuuriyadda Somaliland, Hargeisa
iyada oo aan hore loo ilcaamin Safarkiisa.
Salaan Badan
Mr. Ayanale Salad Deria
Safiirku-Xigeenka Safaaradda JSL
Addis Ababa , Ethiopia
|