Wasiirka Arr/Dibadda Oo Ka Hadlay Faraqa U Dhexeeya Siyaasadda Khaarajiga Ee Xukuumadii Rayaale Iyo Dawladda Siilaanyo & Ujeedada Shirka June Turkigu Soomaalida U Qabanayo

 


 

Hargeysa  (TNN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa markii ugu horaysay ka hadlay faraqa u dhexeeya siyaasada Khaarajiga ee xukuumadii Rayaale iyo daw ladda Madaxwayne Siilaanyo, kaas oo tilmaamay inay aad u kala duwan yihiin, isla markaana she egay in siyaasada Arrimaha Dibadda ee dawladdan Talada haysaa ay furfuran tahay kana guulo badan tahay dawladii Rayaale oo uu tibaaxay inay ku dhaqmi jirtay siyaasad Xidhxidhan oo aan dunida xidhiidh toosa la lahayn.

Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Haatuf khadka tilifoon ka ku siiyey ka dib markii uu shalay ka soo guryo noqday socdaal uu mudo todobaad ah ugu maq naa Xarunta Midawga Yurub Brussels, halkaas oo uu socdaal shaqo ugu maqnaa.

Wasiirka Khaarajiga Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Shirka Soomaalida uu bisha June u qabanayso dawladda Turkigu kaas oo tilmaamay inaan laga warqabin Ajandaha iyo arimaha ay xukuumadda Stanbul damacsan tahay in lagu falanqeeyo, waxaanu ku dooday ina anay xukuumad ahaan filaynin in lagaga hadlo arimo khatar ku keeni kara Midnimada iyo horumar ka Somaliland.

Waxa kale oo uu ka hadlay rajada xisbul Xaakimka Kulmiye ee doorashada deegaanka ee soo soc ota, kaas oo sheegay inuu aaminsan yahay in xisbiga Kulmiye uu ka soo gudbi doono Doorashooy inkaas, isla markaana ku tilmaamay xisbiga ugu balaadhan xisbiyada dalka ka jira. ugu horayna Dr. Maxamed C/laahi Cumar isaga oo ka hadlay ujeedada socdaalkiisii dalka Belgium iyo waxa uga soo qabsoomay, waxa uu yidhi “Ujeedada safarkaygii dalka Belgium waxa uu ahaa oo aanu ka jawaabaynay marti-qaad rasmiya oo Ururka Midawga Yurub Baarlamaankiisu uu soo diray Dawladda Somaliland, kaas oo ahaa jawaab ay kaga jawaabayeen Khudbadii uu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu ka jeediyey Shirkii London bishii February lagu qabtay oo uu ku dalbaday in beesha caalamku ay Somaliland xidhiidh wayn kala samayso, isla markaana ay ka caawiso dhinacyada Horumarinka iyo Nabadgalyada, iyada oo khudbadaa Madaxwaynaha ay ka jawaabayaan ayey Martiqaadka ay noo direen. Mudadii aan joogayna waxa noo suurta galay inaanu Madaxbadan kala hadalno qadiyada Somaliland iyo rabitaanka ummaddan oo dabcan aannu aad xil wayn iskaga saarno, kaas oo aanu kala hadalnay Baarlamaanka Midawga Yurub oo ilaa 27 Dal ay ku jiraan, sidoo kale mudadii aan ku sugnaa dalka Belgium waxa ii suurta galay inaan la kulmo Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalkaas, kuwaas oo aan ka xusi karo kulamo aanu yeelanay Hay’adda Fulinta ee Midawga Yurub oo aan la kulmay Masuulka ugu sareeya ee u qaabilsan arimaha huromarinta iyo iskaashiga caalamiga ah iyo masuuliyiin kale, markaa run ahaantii socdaalkayagaasi waxa uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday waana markii ugu horaysay ee xukuumadda Somaliland ay fursadan oo kale ka hesho oo aynu warbixin ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland u jeedino Xildhibaano 100 kor u dhaafaya oo ka tirsan Baarlamaanka Midawga Yurub”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa faraqa u dhexeeya siyaasadda khaarajiga ee xukuumada Siilaanyo iyo tii Rayaale iyo fursadaha ay Somaliland kala dhaxalsiiyeen, waxa uu yidhi “Siyaasada arrimaha dibada ee Xukuumaddan uu hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo ama sida ay ula dhaqanto beesha caalamka, waa siyaasad ku salaysan sidii aanu dunida ula yeelan lahayn xidhiidh furan oo aanu kula yeelano Iskaashi iyo wada shaqayn toos ah, anaga oo ka duulayna Himilada ay shacbiga Somaliland leeyihiin. Markaa anagu waxa aanu meesha ka saarnay arimo faro-badan oo xakamaynayey dhaqdhaqaaqa siyaasada khaarajiga ee Somaliland, kuwaas oo ay ka muuqatay dareeno iyo walwal iyo cabsi ah in la macaamilka iyo la falgalka dunidu uu khatar ku yahay Somaliland iyo Mandaqadaba, go’aanada aanu qaadanayna waxa ka mid ah 1) Xukuumad ahaan waxa aanu qaadanay go’aan aanu ka tashanay qaybaha kala duwan ee shacbigayaga oo ah in Somaliland ka dhexmuuqato arimaha caalamka iyo kuwa Mandaqadaba. 2) Waxaanu go’aansanay inaanu ka hortagno khataraha siyaasiyan ku soo socda dalka ee inagaga iman kara gobolka aynu ka midka nahay ama meelo kaleba, isla markaana aanu caalamka u soo bandhigno khatarahaas iyo cawaaqibka ka dhalan kara oo aanu tango meelaha arimaheena lagaga hadlayo si aynu xaqeena u soo dhicisano. Tusaale ahaan shirkii bishii 2-aad ee sanadkan ka qabsoomay Caasimadda Britain ee London waxa uu ahaa shir lagaga hadlayey arimaha Soomaaliya hase yeeshaa waxa aanu u aragnay inay shirkaas Somaliland ugu jirto fursad ay isku muujiso oo ay dunida ugu bandhignay xaqiiqda dhabta ah inaga oo ka baxnay Xakamayntii aynu wakhtiyadii hore kaga jirnay arimahaas, sidoo kale-na waxaynu bulshadda caalamka u soo bandhignay khataraha Mandaqada ka jira iyo saamaynta ay inagu yeelan karaan, taas oo aynu ku guulaysanay in caalamku inaga caawin doono ka hortagooda. Dhinaca kale guulaha taariikhiga ah ee Somaliland uga soo baxay shirkaas London waxa ka mid ah in Caalamku go’aan sado markii ugu horaysay taariikhda in Somaliland iyo Soomaaliya iyaga oo laba dawladood ah u wada hadlaan, isla markaana ay ka wada hadlaan aayahooda iyo mastaqbalkooda, arintaas oo ah guushii ugu waynayd ee mudadii ay Somaliland jirtay u soo hooyata, markaa furfurnaanta siyaasada khaarajiga ee Somaliland ee wakhtigani waa ta keentay in dunidu ku taliso in Somalilad iyo Somalia laba dawladood iyaga oo ah ay wada hadlaan”.

Dr. Maxamed Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya martiqaadka dawladda Turkigu la sheegay inay u soo fidin doonto Madaxwayne Siilaanyo iyo sababta keentay, waxa uu yidhi “Waftigaa dawladda Turkiga ka socda ee dalka yimid iyo martiqaadkaa ay doonayaan inay u fidiyaan xukuumadda Somaliland waxaan u arkaa Xidhiidh mihiim ah oo wahktigiisii yimid oo ku soo kordhay Somaliland. Waxaanay arintaasi ku timid oo fursadan suurta galiyey waftigii uu hogaaminayey Madaxwaynaha Qaranku ee ka qaybgalay shirkii London ee bishii February, kaas oo ay suurta gashay inuu Madaxwaynuhu la kulmo Waftigii dawladda Turkiga oo uu hogaaminayey Wasiirka Khaarajiga ee Turkigu, arimihii ay wakhtigaas labada dawladood ka wada hadleen waxa ugu waawaynaa in dawladda Turkigu ay xidhiidh xaga horumarka iyo iskaashiga ah ay la yeelato Somaliland oo aanu filanayno inuu waxtar wayn ka gaysan doono arimaha horumarinta ee Somaliland ka socda. Waxaana wakhtigaas la isla gartay in xukuumadda Turkigu ay Hargeysa u soo dirto Masuuliyiin oo ka kooban Xafiiskooda dhinaca horumarinta iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradooda Arrimaha Dibada, markaa safarka ay waftiga Turkigu ku yimaadeen dalka arintaas ayuu la xidhaadhaa, waxa kale oo kulankaas London ay labada dawladood kaga wada hadleen in xukuumadda Istanbul ay marti qaad u soo dirto xukuumadda Somaliland, kaas oo ay ku danaynayso inay safar ku tagaan dalkooda Wafti uu hogaaminayo Madaxwaynaha Jamhruriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isla markaana ay hogaamiyaayasha Somaliland iyo Turkigu ay si wayn iskala faaqidaa noocyada iyo meelaha ay labada dalka iska kaashanayaan”.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar la waydiiyey waxa ay ku kala duwanaan karaan shirkii February ay dawladda Britain ugu qabatay Soomaalida Magaaladda London iyo shirkan dawladda Turkigu qorshaynayso inay bisha June u qabato Soomaalida, waxa uu yidhi “Shirkaasi sida aad u sheegtay waa shir ay dawladda Turkigu damacsan tahay inay ku qabato dalkeeda, hase yeeshee ma jecli inaan ka hordhaco waxa uu kaga duwan yahay shirkii London maadaama oo aan Ajandihiisa iyo waxa lagaga hadlay aynaan kala hadal dawladda Turkiga, isla markaana iyaduna aanay shaacinin Ajandaha lagaga hadli doono, markaa arintaas ka hordhici maayo. Markaa maadaama oo aan wali la haynin waxa ay dawladda martigalinaysa ee Turkigu damacsan tahay in lagaga hadlo ma fiicna in laga hordhaco, laakiin waxaan bulshadda Somaliland u sheegayaa in xukuumad ahaan aanu mar walba eegayno kulamada noocaas ah faa’idadda ugu jirta qadiyadda Somaliland, markaas kulankasta iyo shirkasta oo Somaliland ay dani ugu jirto oo ay shacbigeena dani ugu jirto waanu ka qaybgalaynaa naga oo kala tashanayna qaybaha kala duwan ee bulshadda sidii shirkii London ee aynu ka helnay Taageeradda dhinacyada badan lahayd”.Wasiirka Khaarajiga Maxamed C/laahi mar wax laga waydiiyey danta Somaliland ugu jirta ka qaybgalka shirkaas, maadaama dawladda Turkigu tahay dawladda ugu Tunka wayn dawladaha u ololeeya wixii la odhan jiray Midnimada, waxa uu yidhi “Ma filayo in shirkaasi khatar ku keeno horumarka iyo kala danbaynta Somaliland ka hirgalay 20-kii sano ee ay xornimadeeda dib ula soo noqoto, shirkan dawladda Turkigu qabanayso-na baaqiisu wuu ka horeeyey shirkii London. Mida kale dawladda Somaliland waxay go’aansatay wixii faa’ido u leh dalkeeda iyo Masaaliixda shacbigeedaba inaanay ka waabanin, sidoo kalena aanay qaadan waxkasta oo dhib u keeni kara isku duubnida shacbiga Somailland, hase yeeshee sidaan hore kuugu sheegay wali shirkan lama faahfaahin ujeedadiisa iyo Ajandaha lagaga hadlayo oo waxaynu kalmadiisa saxda ah ka odhan doonaa dhamaanteen marka aynu ogaano ujeedada ay xukuumadda Stanbul u qabanayso shirkaas, Waxkasta oo qadiyadeena dhaawacayana mana jirto cid ku khasbi karta bulshada Somaliland”.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey Saamaynta uu xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ku yeeshay safarkii isaga iyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland dhawaan ku tageen dalka Masar oo la sheegay inuu hoos u dhigay xidhiidhkii cuslaa ee ka dhaxeeyey Xukuumadaha Hargeysa iyo Adis ababa, waxa uu yidhi “Habayaraatee ma jirto in socdaalkaygii Masar uu hoos u dhigay xidhiidhkii mihiimka ahaa Somaliland iyo Ethiopia, run ahaantiina Somaliland iyo Ethiopia waxa ka dhaxeeya xidhiidh aad u qoto dheer oo Maslaxada labada bulsho ku dhisan, haday nabadgalyo tahay iyo haday arimo kale tahayba”.

Dr. Maxamed C/laahi mar wax laga waydiiyey rajada uu ka qabo xisbiga Kulmiye inuu mar danbe u soo gudbo darada Xisbinimo marka uu ka qaybgalo doorashadda deegaanka ee soo socota, waxa uu yidhi “Tartanka doorashadda golayaasha deegaanka ee la rajaynayo inuu dalka dhawaan ka qabsoomo waa tartan ay ku baratamayaan saddex xisbi qaran oo hore u jiray iyo ururada cusub ee siyasada wixii buuxiya shuruudaha looga baahan yahay, Run ahaantiina doorashooyinkaas soo socdaa waa kuwo dhiirigalinayo, isla markaana kor u sii qaadaya Dimuqraadiyada dalka ka jirta, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa cidkasta oo ka qaybqaadatay suurta galin arintaas. Dhinaca kale xisbiga Kulmiye waa Xisbul Xaakimkii dalka, waana xisbiga ugu balaadhan ee dalka ka jira marka laga qiyaas qaato doorashooyinkii ugu danbeeyey ee Madaxwayne-nimo ee dalka ka qabsoomay, waxaan si wayn u rajaynayaa in xisbiga Kulmiye uu u soo bixi doono Xisbinimo doorashadda deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta”.

source:haatuf