Wasiirka Arr Ddibadda JSL oo ka waramay socdaalkiisii AddisAbaba

 

Addis Ababa (Timacade News)-Wasiirku ka hor intaanu ka soo ambabixin magaalada Addis Ababa, wuxuu kulan la yeeshay wasiirka Finland u qaabilsan ururka midawga Yurub, Mr Stefeno Manaservisi, iyo xubno ka tirsan safaaradda Finland, kulan kaas oo ay labada dhinac ku yeesheen safaaradda Finland waxa uu ahaa kii saddexaad ee dhex mara labada dhinac muddo bil gudaheeda.


Wasiirka Arrimaha Dibada oo ay wehelinayeen madaxda safaaradda Somaliland ee A ddis Ababa, iyo wasiirka Finland u qaabilsan EU-da, waxa ay ka wada hadleen  xoojin ta xidhiidhka wadareed ee u dhexeeya labada dal, iyo sidii ay iskaashi u yeelan  lahaa yeen dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, siyaasadda iyo inay  gac an ka gaystaan Horumarinta hawlaha Berbera ‘Koori Door’.

Kulankan oo ahaa quraac sharefeed loogu sameeyay safaarada Finland ee Addis  Ab aba, wasiirka arrimaha dibada ee JSL iyo hawlwadeenada safaarada Somaliland ee Addis Ababa, ayaa waxa uu wasiirku gacanta ka galiyay wasiirka Finland u qaabilsan EU-da qoraal koobaya, waxyaabihii uu kala hadlay wasiirka iyo hawlwadeenada  safa arada Finland ee Addis Ababa.

Kulamada kale ee C/laahi Maxamed Ducaale la yeeshay wufuudii ka soo qayb gashay midawga Afrika waxa ka mid ahaa agaasimaha guud ee midawga Yurub iyo  Ambaas aboor welile oo ah la taliyaha guud ee dhinaca amniga ee madaxweynaha koonfur  Af rika, kuwaas oo ay kaga wada hadleen cilaaqaadka ka dhexeeya labada dhinac, iyo sidii Somaliland wax loogala qaban lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Wasiirku waxa uu hore ula kulmay intii uu shirku socday madax fara badan oo ay ka mid ahaayeen kuwa dalalka Yurub iyo kaaliyaha xogyahayaha arrimaha dibada ee Maraykanka ee Afrika, kuwaas oo ay ka wada xaajoodeen xaalada mandaqada iyo sidii layskaga kaashan lahaa dhinacyada nabadgalyada gobolka, dhaqaalaha, adee gyada bulshada iyo sidii wax loogala qaban lahaa Somaliland Arrimahaasi.


 


Allaa Mahad leh,

Ayaanle Salaad Diiriye
Safiir ku xigeenka Safaarada Somaliland ee Ethiopia