Wasiirka
Arimaha Gudaha Somaliland Oo Soo Saarey Digreeto Lagu Horumariyo
Bilicda Magaalooyinka Somaliland
Waxaa hubaal ah in Bulshada Reer Somaliland ay yihiin bulsho lagu
yaqaano amase ku caan bax day is-ixtiraam kala dambayn iyo qiiro
Wadanimo, arrintaas oo dhaxal-siisay inay dhistaan Qara n Tiir..
ayuu yidhiwasiirka waran cade
Hargeysa (TNN):- wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed
Waran Cade ayaa soo saar ay amaro ku saabsan bilicda magaalooyinka
somaliland.
Wasiirka arimaha gudaha
Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo warbaahinta kula hadlayey
xafiiskiisa kuyaal magalada hargeysa ayaa waxa uu sheegay in loo
baahan yahay in kor loo qaado bilicda magaalooyinka Somaliland
sidaas darteedna ay amaro ka soo saareen bilicda magaalooyinka
Somaliland.
Waxaanu marka wasiirku u dhigan yahay sida tan wasiirku waxa ay u
dhignayd sidan.
DIGREETO WASIIR WAX QOF QABAN KARO AYAA QARAN KA DHINTAA
KU:- DHAMAAN MAAYIRADA DEGMOOYINKA HARGEYSA, BERBERA, BOORAMA, BURCO,
GABIELY, LAAS-CAANOOD
OG: TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA=
OG: GUDOOMIYAYAASHA GOBOLADA DEGMOOYINKA KOR KU XUSAN
=XARUMAHOODA=OG: MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND =HARGEYSA=
UJEEDO:-DIB U HABAYNTA MAGAALOOYINKA
Waxaa hubaal ah in Bulshada Reer Somaliland ay yihiin bulsho lagu
yaqaano amase ku caan baxday is-ixtiraam kala dambayn iyo qiiro
Wadanimo, arrintaas oo dhaxal-siisay inay dhistaan Qaran Tiirar adag
leh oo aan cid kale caawinin, waxaa kale oo lagu majeertaa Bulshada
Reer Somaliland Dad u Feejigan Nabadooda, wadajirkooda iyo Horumarka
Dalkooda.
Sidaas darteed, marka aynu milicsano hab-dhaqanka Magaalooyinkeena
waxa ay gal-daloolooyin ka muuqdaan ilaalinta Bilicda Guud ee
Magaalooyinka, waa hubaal in aynu qof qof u dhisanay Guryo iyo Goobo
Qurux badan oo aynu ku bixinay dhaqaale fara-badan, oo marka aad soo
dul-marto magaalooyinkeena aad arkayso quruxda dhismayaasha
Magaalooyinka, laakiin marka aad dhulka u soo degto ee aad dhex
marto, waxaan isku kaa qabanayn bilicda iyo dhaqaalaha galay
dhismayaashaasi iyo fool xumada qashinka, camuuda iyo hadhaaga
dhismayaasha
oo hortooda tuulan, sadexda mitir ee u dhaxeeya guriga qaaliga ah
iyo wadada laamiga ah.
Sidaas awgeed Magaalooyinkeena waxay u eekaadeen qof qaarka hore
dhar qurux badan ka xidhan qaarka danbena ka qaawan, sid hadaba aynu
muuqooda bilicda iyo quruxda Dalkeenu isku raaco waxa lama huraan ah
in aynu qaadano talaabooyinka hoos ku qoran:
1. Markay aragtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland baahida
loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo bilicda Magaalooyinka leh
laamiyada sida Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley ,Burco iyo
Laas-caanood.
2. Marka aanu aragnay in wax qof qaban karo Qaran ku xumaan karo.
3. Waxay soo saartay awaamiirtan hoos ku qoran:
4.
a) Waxa la amrayaa qofkasta oo leh dhisme ganacsi ama dhisme guri oo
ku soo jeeda wadooyinka laamiga ah in uu dhiso qurxiya’na sadexda
mitir ee u dhaxeeya dhismaha iyo laamiga hor marta, isaga oo
isticmaalaya marmarka dalka ama mid u dhigma.
b) Waxa la amrayaa meherad kasta in ay horteeda halka la dhigaayo
marmarka ay ku beerto laba geed oo isagu waraabiyo.
c) Waxa la amrayaa in meherad kastaa ay yaalato haan yar oo ay ku
ururiso qashinka inta uu soo maraayo Baabuurka qashinku.
d) Waxa la amrayaa in Dawladaha hoose isku duba ridaan habka farsamo
ee loo samaynayo marmarka si qofba waxa uu doono iyo sida uu doono
aanu u dhigin marmarka.
e) Waxa la amrayaa Dawladaha hoose in ay nidaamiyaan Taagista,
Biraha dhaadheer ee Security Light-ka ee Magaalooyinka oo ah nooca
standard-ka caalimiga ah ee dhaadheer, iyaga oo boqolkii mitirba ku
xidhi doona haan caag ah oo dadka wadada maraya ay ku ridaan
qashinka, subaxiina lagu qaado Baabuurta qashinka ee wadada u xil
saaran.
f) Waxa la amrayaa dhamaan Dawladaha hoose in ay hirgaliyaan
mashruucan dhamaadka bisha ramadaan.
g) Waxa la amrayaa in Dawlad hoose kastaa iyada ay bilawdo sadexda
boqol ee mitir ee ugu horeeya Magaalo kasta si looga shidaal qaato,
habka dhismaha loo samaynaayo, isla markaana waxay Dawlada Hoos
mas’uul ka tahay qorshaha dhismaha iyo dabagalkiisa, isla markaana
waxaa la farayaa gudoomiyayaasha Gobolada Taliye Qaybeedyada
Booliiska in ay gacan ka siiyaan hir galinta mashruucan iyo soo
celinta bilicda Magaalooyinka iyo Nabadgalyadooda
h) Dawladaha Hoose waxaa la farayaa in ay habeen walba xaadhaan
wadooyinka camuudu fuushay
i) Dadwaynaha waxaa lagu wargalinayaa in ay meherad kastaa ama
dhisme kastaa ay ka mas’uul tahay nadiifinta hortooda isla markaana
aan lagu shubin biyaha wasakhda ah laamiga.
Sidaas darteed, waxaa la idin farayaa in aad Digreetadan sideeda u
dhaqan galisaan.
ALLAA MAHAD LEH
CALI MAXAMED WARAN-CADE
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA.
|