Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo kullan la yeeshay Masuuliyiin ka Tirsan Wasaarada Arimaha Dibadda Jarmalka.

 

 



Sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Wasiirka Khaarajiga Somaliland

Wasiirka Arriimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cu mar oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jarmalka gaar ahaana magaalada Berlin ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada dawlada Jarmalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Wasiirka Khaarajiga Somalil and, waxaana tafaasiil lagaga bixiyay kulanka uu Wasiirku la yeeshay masuuliyiinta ka tirsan xafiiska Arrimaha dibada Jarmalka iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen, khudbad uu Wasiirk u ka jeediyay shir uu ka qayb galay oo ka dhacay magaalada Berlin iyo sidoo kale kulan uu la qaatay saraakiil ka tirsan hay’ada mucaawimada dibada u qaabilsan Jarmalka ee GIZ iyo bangi ga horumarinta ee WFW.


Wasiirka Arriimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cu mar, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Berlin ee caasimada wadanka Jarmalka masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee dawlada Jarmalka, kulankaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada ee Jarmalka.

Waxaanay Wasiirka iyo masuuliyiinta Jarmalku kulankaasi kaga wada hadleen arrimaha siyaas ada iyo nabad-geliyada ee Somaliland iyo in uu Jarmalku ku soo biiro ama ka qayb ka noqdo sa nduuqa horumarinta ee ay Somailand u fureen dawladaha Britian iyo Denmark, iyo sidoo kale wada shaqayn cusub oo dhex marta Somaliland iyo Jarmalka.

Waxa kale oo warkaasi qoraalka ah ee uu soo saaray Wasiirka arrimaha dibada Somaliland lagu sheegay kulan uu magaalada Berlin kula yeeshay madaxda hay’ada mucaamadda dibada u qaabilsan Jarmalka ee loo yaqaano GIZ iyo baanka horumarinta Jarmalka ee GFW la yidhaahd o, kuwaasi go’aan ku gaadhay in ay dhawaan Somaliland u soo diraan wefti ka socda labadaa si hay’adood.

Sidoo kale waxa qoraalkaasi lagu sheegay in wasiirku khudbad dheer oo dhinacyo badan taab anaysa ka jeediyay shirka dhacay xarunta caanka ah ee doodaha siyaasada dibada ee madax da adduunku ay ka jeediyaan khudbadaha ee loo yaqaano SWP, oo ku taala magaalada Berllin ee caasimada wadanka Jarmalka.

Khudbadaasi oo nuxurkeedu ahaa geedi socodka dimuqraadiyada iyo dawladnimada ee ay So maliland gaadhay iyo sidoo kale guulaha la taaban karo ee ay ka gaadhay hanaanka dimuqra adiyada. Waxa kale oo kulankaasi lagaga dooday sidii ay beesha caalamku u tixgelin lahayd qadiyada Ictiraafka Somaliland.

Sidoo kale waxa Wasiirka qaabilay guddoomiyaha guddida baarlamaanka Jarmalka ee arrima ha dibada ee xisbiga Liberal-ka oo ay weheliyeen xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan.

Wasiirka ayaa beri waxa uu booqasho ku tagi doonaa magaalada Hague ee wadanka Holland halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono Wasiirka amniga qaranka ee Holland Chita.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay in Wasiirku uu sidoo kale magaalada Hague kula kulmi doono jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladaasi.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland