Wasiirka
Arimaha Dibadda S/Land Oo Ka Warbixiyey Sidii Ay U Qabsoontay
Xafladii Wanqalka Dalka K/ Sudan Iyo Waxay Kala Kulmeen

“Daahir Rayaale Madaxwayne Kama Ah S/Land, Hadii Uu Si Shaqsiya
Xafladaas Uga Qaybgalayo-Na Maaha Wax Uu Anaga Ogolaansho Naga
Waydiisanayo”W/Khaarajiga Dr. Max’ed C/Laahi
Hargeysa, July 10, 2011 (TNN) – Wasiirka Arimaha dibada Somaliland
Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka warbixiyey sidii ay u qabsoontay
xafladii wanqalka dalka koonfurta Suudaan iyo waxa ay kala kulmeen.
Dr. Maxamed C/laahi ayaa waxa uu sheegay inay xarunta dalkaas ee
Juba ay kala kulmeen soo dhawayn meeqaamkeedu sareeyo, isla markaan
madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu si la meeqaam ah
madaxwaynayaasha kale uu u fadhiyey safka hore.
Wasiirka khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxa
uu ka xukuumadiisa ka difa acay eedayntii xisbiga mucaaridka ah ee
UDUB ku sheegay in dawladu ka danbaysay in uu madaxw aynihii hore ka
baaqsado ka qaybgalka xaflada wanqalka dalka koonfurta Suudaan.
Waxaanu wasiirku sidaas ku sheegay mar uu xalay Haatuf kula soo
xidhiidhay khadka tilifoonka, is aga oo ku sugan xarunta dalka
koonfurta Suudaan ee Jubo, ugu horayna isaga oo ka hadlaya wa xa ay
kala kulmeen halkaas, waxa uu yidhi “Waftigii uu hogaaminayey
madaxwaynaha Somaliland waxay ka qayb galeen xafladii wanqalka,
madaxbanaanida iyo xoriyada dalka cusub ee koonfurta Suudaan oo ka
dhacay xarunta dalkaas ee Juba, waxaana loo sameeyey xaflad aad loo
soo agaasi may oo dunidu ka soo wada qayb gashay, haday tahay Yurub,
Amarica, Carabta, Jimciyadda qur uumaha ka dhaxaysa iyo Afrika-ba.
Waftigii Somaliland ka socdayna waxay kala kulmeen soo dha wayn
xurmo iyo meeqaam dawladeed leh”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Madaxwaynaha
Somaliland waxa uu fadhiistay goobt a loogu talo galay
madaxwaynayaasha caalamka ee xafladaas ka soo qayb galay, calamka
Somalil and-na waxa uu ka mid ahaa calamadii goobta madaxwaynayaashu
fadhiyaan la soo sudhay. Xafladaas maanta ka dhacday Juba waxay
muuqinaysay rayn-raynta iyo guusha ay gaadheen shacbiga koonfurta
Suudaan”.
Wasiirka arimaha dibadda mar wax laga waydiiyey waxa ay kala hadleen
madaxwaynaha Koonfu rta Suudaan, waxa uu yidhi “Madaxwaynaha dalka
koonfurta Suudaan waxa uu xalay casho sharaf u sameeyey dhamaan-ba
madaxwayne-yaashii ka soo qayb galay wanqalka dalkaas, madaxwayna ha
Somaliland iyo waftigiisuna way ka qayb galeen casho sharaftaas.
Waxaanu madaxwayne Axm ed Siilaanyo goobtaas kula kulmay
madaxwaynaha koonfurta Suudaan Salfa-kir, marka hore mada xwaynuhu
waxa uu madaxwaynahaas ugu hambalyeeyey madaxbanaanidda dalkiisa,
Waxa kale oo ay labada madaxwayne ka wada hadleen qadiyadda
Somaliland iyo sidi ay beesha caalamka uga heli lahayd Aqoonsi
caalami ah”.
Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey waxa ay ka soo
korodhsadeen dalkaas, waxa uu yidhi “Waxa nooga soo kordhay oo aanu
la kulanay oo aanu ogaanay saaxiibo badan oo Soma liland leedahay,
kuwaas oo aad ula socda qadiyadda Somaliland, aad-na u soo
dhawaynaya jece lna inay gacan ka gaystaan aayo ka taliska ummadda
Somaliland”.
Wasiirka arimaha dibadda Somaliland mar wax laga waydiiyey eeda
xisbiga Udub u soo jeediyey x ukuumadda ee uu sheegay inay dawladdu
ka danbaysay baaqashada madaxwaynihii hore ee Som aliland Rayaale uu
ka baaqday ka qayb galka xafladaas, waxa uu yidhi “Arintaas waxba
kama jira an, Somaliland-na waxa ay leedahay dawladd kaliya iyo
madaxwayne kaliya, madaxwaynaha Soma liland ayaana xaflada si
rasmiya loogu soo casuumay. Daahir Rayaale Madaxwayne kama ah Som
aliland, hadii uu si shaqsiya uga qaybgalayo-na maaha wax uu anaga
ogolaansho naga waydiisanayo”.
Source:Haatuf
|