Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Siyuum Misfun oo ka sheegay shirka Igad in xiligii Cabdulaahi Yuusuf uu dhamaaday

 

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya Siyuum Misfin oo ka qaybgalaya shirka wadamada IGAD ay uga hadlayaan arimaha murugsan ee Soomaaliya ayaa hadalo aad u adadag ka jeediyey shirkaas kuwaas oo dhan ka ah madaxweynaha Soomaaliya korneyl Cabdulaahi Yuusuf.

Siyuum Misfin oo qudbad dheer halkaas ka jeediyay ayaa ku tilmaamay wax lagu qoslo in waqti kale ay kusii dhumiso beesha Caalamka mudane Yuusuf isagoo sheegay inaysan jirin wax uu dhimi karo ama kusoo kordhin karo arimaha soomaaliya waqtigaan xaadirka maadaama ummadda soomaaliyeed badankeeda ay doonayaan nabad inay ku wada noolaadaan oo la iska iloobi wixii tagay ee la soo dhaafay.

Siyuum Misfin ayaa ku celceliyey inaan Cabdullaahi yusuf laga yeeleynin inuu dumiyo hay’adaha dowladda ku meelgaarka ah mar haddii uu ogaaday inuu isaga meesha ka tagaayo waana laguala xisaabtamayaa habdhaqankiisa iyo sida uu hurinaayo colaado cusub o oka soo cusboonaada gayiga Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay goor dhaw isaga baxeen degmada Caabud waaq,waxaana ay u ruuqaansadeen galbeedka degmada caabud waaq.


Xaalada Degmada caabud waaq ayaa caawa waxa ay tahay mid degan,waxaana shacabka magaalada ay hadal haayaan bixitaanka Ciidamada Ethioia ay isaga baxeen degmada Caabud waaq ee gobolka gal gaduud.

 

 




Dayniile