Wasiirka Arimaha Dibadda  Somaliland oo Shir jaraa,id ku Qabtay Magaalada Hargeisa

 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)Wasiirka arimaha Dibadda somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay  Xafi iskiisa magaalada hargeisa, waxa uu kaga waramay safar uu dhawaan ku tagay wadanka maraykanka waxaana uu sheegay inuu halkaasi kula  kulm ay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada maraykanka.



Wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxaa uu shirkiisa jaraa,id ku  shee gay inuu la kulmay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid ahayd ku xigeenka kaaliyaha arimaha dibada ee arimaha Africa iyo masuuliyiin kale oo uu sheegay inay ka wada hadleen sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinaca horumarka iyo arimaha nabad galyada.



Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland C/laahi maxamed ducaale waxaa uu dhaleecay usoo jeediyay gudoomiyaha Guddi hoosaadka arimaha Africa ee kongarayska maraykanka donold payne. waxaana uu ku tilmaamay inuu ka shaqayn sidii ay Somaliland iyo somaliya wada hadal uyeelan  lah aayeen. Waxaanu sheegay inaanu la kulmin intii uu joogay maraykanka hase ahaatee waxa uu sheegay in xoghaya arimaha dibada Xisbiga  Muca aridka ah ee kulmiye iyo gudoomiyaha Guddi hoosaadka arimaha Africa ee Kongarayska maraykanku ay kulan ku yeesheen maraykanka.

 


Mudane C/laahi Maxamed Ducaale waxa kale oo uu ka waramay intii uu ku gudo jiray safarkii uu ku tagay wadanka maraykanka inuu la kulamo kula yeeshay masuuliyiin ka kala socotay wadamada Uganda iyo Ethopia.

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Somaliland