Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo U
Kicitimay Dalka Masar
Hargeysa (TNN) :- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda &
Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo socdaal shaqo ugu
baxay dalka Masar ayaa maanta gaadhay ma gaalada Qaahira ee
caasimadda dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa
Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase,
Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrim aha Debadda, Mudane
Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi
Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6;30kii subaxnimo lagu soo
dhaweeyay Gagada Dayuu radaha ee Qaahira.
Weftiga Wasiirka oo shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada
caasimadda ah ee Hargey sa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka
helay dhiggiisa dawladda
Masar, waxana kaga hor yimi Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka
socotay Wasaaradda Kharaajiga Masar iyo xu kuumadda dalkaas oo soo
dhaweeyay weftiga.
Sida ay warbaahinta usoo xaqiijiyeen qaarka mid ah masuuliyiinta
wasiirka ku weheliya weftigii sa ayaa waxa u qorshaysan weftiga
wasiirka mudada ay ku suganyihiin Qaahira inay kulamo mu hiim ah la
qaataan dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha
Debadda Masar M udane Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo
Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Wax barashada, Wasiirka
Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta
ug u sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.
Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb
ka ah sii xoojinta xidhiid hka wada shaqayneed iyo iskaashiga
dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar
Xigasho: Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL
|