Wasiirka Arimaha Dibada Oo Maanta Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirul Khaarajiga Dawlada Sheekh Shariif

 

“Annagu meel baasaboorka Somaliland lagu diiday ma ogin, waa laga yaabaa in shaqsi dawladi dal ku gal u diiday” Wasiirka A. Dibadda


Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Mudane. Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa maanta beeniyay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Khaarajiga ee dawlada Sheekh Shariif ee dalkaasi Soomaaliya oo sheegayay inay Somailand diyaar u tahay inay wada hadal la gasho dawladiisa


Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu kaga hadlay xidhiidhka dawladiisu la leedahay dalka Jaarka ah ee Jabuuti.

Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa ka soo baxaya mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Muqdisho, oo ku andacoonaya in Somaliland wada hadal la galayaan ama kula jiraanba, oo aanu u aragno arrin been ah oo aan waxba ka jirin, qofka marka uu mas’uul yahayna inuu waxa aan jirin uu sheego., waa laga fiican yahay, arrintaa aad iyo aad ayaanu uga xunahay aadna waanu u cambaaraynay naa, warkaasina waxa uu rasmiyan uga soo baxay Maxamed Cabdilaahi Oomaar, oo u qaabilsan arimaha dibada maamulka Muqdisho, markaa waxaanu leenahay walaal arrinkaa waxba kama jiraan, meel aynu ku wada hadalnay iyo meel aanu cid kuugu soo dirsanayna ma jiraan, arintaana waxaanu jecelahay in aad iska ilaalisaan oo ayna dib u dhicin.”

Wasiirku waxa kale uu beeniyay war la sheegay in laga soo xigtay xubin ka tirsan xisbiga UDUB oo ku soo baxay Wargeyska Haatuf, kaas oo ka dalbaday dawladda Sheekh Shariif in ay aqoonsato Somaliland isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu maqlaynay oo aanu saaka (shalay) Jaraa’idka ku arkaynay, nin la baxay Yuusuf Budle oo sheeganaya in uu xisbiga UDUB ka tirsan Maraykankana degan yahay, isagana warkiisa wax ka jiraa ma jiraan cid aanu u dirsanayna ma jirto, UDUB-na siyaasada arimaha dibada ee Qaranka shuqulba kuma laha, xuku umada ayaa arintaa ku shuqul leh, xisbi arimo dibadeedna ma jiro, wixii arimaha dibada ah ee qaranka khuseeya waxa u hadla waa Wasaarada arimaha dibada oo uu Wasiirku Oday u yahay, xukuumadana iyadaa uga wakiil ah.

Markaa waxaanu idinla socod siinaynaa in aanay jirin haba yaraatee wax wadahadal ah oo jira ama dhacay ama laga fkiray oo qorshaha noogu jiraa ma jiro, qolooyinkaa meelahaa ka qalaadinayana waxaanu leenahay hawlihiina qabsada, Inan dhalinyaro ah oo waliba maalmihii uu shirku ka socday Jabuuti halkan joogay oo waliba uu Baabuur (Land-cruiser) ah halkan kaga sii cararay, waxaanu leenahay walaal iska ilaali hore waraaqo waanu kuugu dhiiban jirnay, oo waabanu u dhiibanay waraaqo isaga oo shakhi ah oo ganacsi ah, laakiin taasi waxay ahayd muddo hore, waxaan anu u haysanay nin nasteex ah oo sida reer Somaliland ku abtirsada Somaliland

“Markaa arrintaa wax ka jiraa ma jiraan, heer guud, si toos ah iyo si dadban midna, markaa taasi weyn ayaanu u beeninaynaa, wax ka jiraana ma jiraan, qarankani arrintiisa meel buu dhigtay waana arrin hore u dhamaaday, wax cidi ku gorgortamayso oo laga wada hadlayaana haba yaraatee ma jirto, markaa riyo been ah iyo nin cidlo fadhiya oo ay hadal arrintiisii noqotay, waxaanu leenahay haku riyoonin Somaliland arrinteedii way dhamaysatay, cid ay ka baryayso jiritaankeedu ma jirto, way soo dhawaynaysaa wixii nabadgelyo ah iyo xidhiidhka gobolka oo dhan.”


Wasiirka arimaha dibada Somaliland, Md. Cabdilaahi Maxamed waxa uu sheegay in ay jirin cid Somaliland qadiyadeeda u daba fadhiisanayso “laakiin arrinta qaddiyadda Somaliland Muqdisho uma hayso, Maxamed Cabdilaahi Oomaar-na uma hayo, rag ka waawayn oo sheegay inay dhiig iyo dalba la wadaagaan Somaliland oo manaasiib kaa la mid ah iyo kuwo ka waawaynba haysay oo iyaguna lugo’ay way jireen, oo qaarkood anaga hadda cafis na soo waydiisanayaan, markaa waxaanu leenahay walaal dariiq khaldan ayaad haysaa, haddii aad danaysanayso iska danayso laakiin anaga ha nagu soo xoqonin,” ayuu yidhi wasiirku


Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale waxa uu jawaab kulul ka bixiyay eedo uu xukuumada ku naqdiyay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxaanu yidhi “Waxa kale oo jira ashkaas reer Somaliland ah oo markii ay wax kale waayeen meelahaa ka hadla oo yidhaahda waxa jira heshiisyo qarsoodi ah oo dawlado lala galay, intaana dawlado ayaa la aflagaadaynayaa, qolooyinkaa waxaanu leenahay shir qarsoodi ah oo Jabuuti lagu galay haba yaraatee ma jiro, Jabuuti iyo Somaliland-na waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u wanaagsan, waana mid aanu aad u qadarinayno, labada shacbina waa mid, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle runtii ma geyo aflagaado isaga iyo xukuumaddiisa iyo shacabkiisu toona.


Maxamed Xaashi Cilmi ayaan ka maqlayay arrintaas oo jaraa’idka ku soo qoray, waana arrin aad iyo aad aan uga xunnahay, waana nasiib darro qof suuqa joogga oo aan war hayn in uu siyaasaddii arrimaha dibedda ee qaranka uu isagu ka jawaabo oo aad moodo hawl-maalmeedkeeda in uu isagu gacanta ku hayo, markaa walalaal waxba kama jiraan ee haddii uu shaki kaaga jiro annaga noo kaalay oo na waydii"

Mar wasiirka la weydiiyay su’aal u dhignayd sidan Xukuumaddu waxay sheegtaa in aynu xidhiidh fiican leenahay dawladda Jabuuti, haddana dawladda Jabuuti waxay sheegtay in ay xafiis ka furanayso Somaliland, kamanay furan, ta kale baasaboorkeenii way joojisay oo dalkeeda laguma galo, markaa wasiir bal noo sharax waxa ay dawladda
Jabuuti inala qabato?


Waxaanu Wasiirku ku jawaabay oo uu yidhi “Walaal, xafiisyadii waa tii lagu heshiiyay, heshiiskiina waanagii faafinay markii ay is arkeen labada madaxweyne taas oo aanu hoos u daadajinay, taas ayay wax walba inoogu dhan yihiin, labada xafiisna waa arrin farsamo wakhti dhawna waanu ku rajo weynahay in ay inaga dhamaato, wakhtigeeda ayaynu sugaynaa guddiyaduna sidooda ayay inoogu dhisan yihiin.


Baasaboorka Somaliland waa lagu galaa Jabuuti, dhawaana waxa tegaya dhawr iyo soddon qof, hore ayaana loogu wada tegay. Annagu meel baasaboorka Somaliland lagu diiday ma ogin, waa laga yaabaa in shakhsi dawladdu ay dal-ku-galkaa u diido taasna xukuumaddu iyada ayaa leh sababaheeda, laakiin hadda ayaa la joogaa oo waa lagu dhoofay, todobaadkii dhawayd ayaanu cid u dirnay, markaa anagu ma ogin baasaboorkaa aad leedahay laguma galo.


Ta kale, arrinta budhcad badeeda anagu aad ayaanu u cambaaraynaynaa waayo waa arrin aad iyo aad u xun, fool xumo weyna ku ah gobolka iyo caalamkaba”.


 


Source:Ramaasnews