Wasiirka Arimaha Dibada Ahna Ku-simaha Raisul wasaaraha Soma liya Mr Omaar oo Ka Xog waramay Kulankii Golaha Amaanka.

 


Muqdisho (TNN)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Maxamed  Cabd ullaahi Oomaar oo ay garab fadhiyeen Wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan iyo Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac ayaa faah faahiyay booqashada halka maalin ah ee uu magaalada Muqdisho ku joogo wakiilka xoghayaha guud ee  Q/midoob ay Ambassador Augustine Mahiga isagoo sidoo kalena faah faahiyay muhiimada kulanka Golaha  Amma anka ee Q/midoobay ee diirada lagu saaray arrimaha dalka Soomaaliya.

Mr. Oomaar ayaa ugu horeynta mahadnaq ballaaran u jeediyay safiirka China ee xilligan madaxweyne ka ah kalfadhiga golaha Amniga (Security Council) maadaama buu yiri uu casuumaada shirkan u soo diray dowladda Soomaaliya isla markaana uu codsaday shirkan in la qabto loogana hadlo arrimaha dalka  Soom aaliya isagoo si gaar ah u tilmaamay in marka laga tago 15 ka xubnood ee golaha ay ka soo qeyb galeen in ka badan 40 xubnood oo matalayay dowladdaha caalamka, halka qaarkoodna ay heer wasiiro u soo direen shirka sida dowladda Ingiriiska.

“Mida koowaad Kalfadhigani wuxuu ahaa mid aan hore u dhicin, mida labaadna waxay cadeyn u tahay in aragtida adduunweynuhu ay aad isu bedeshay ayna doonayaan in maanta arrimaha Soomaaliya xal dhameystiran laga gaaro” ayuu yiri Kusimaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Oomaar oo xusay in miraha ka soo baxay kalfadhigan ay si faah faahsan uga hadli doonaan wefdiga uu hogaaminayo Ra’iisul  Wasaar aha Xukuumada Mudane MaxamedCabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay in beesha caalamku ay soo dhoweysay howlgalada dowladdu wado iyo  qors haha dowladda ee xilliga kala guurka ah ay aad u soo dhoweeyeen “Ka sokow howlgalada dowladda  bee sha caalamku waxay aad u soo dhoweeyeen qorshaha dowladda soo bandhigtay iyo waxyaalaha ay qabatay inay yihiin qaab aad loola cajabay laguna heshiiyay in ambaqaad iyo horuwadid lagu sameeyo”.


Mr. Oomaar ayaa dhanka kale faah faahiyay kulan ay maanta ku wada qaateen magaalada Muqdisho wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambasasdor Augustine P. Mahiga iyo xubno wasiiro ah oo uu h ogaaminayay Kusimaha Ra’iisul wasaaruhu, isagoo xusay in socdaalka Mahiga uu soo bilowday shalay xalayna uu ku hoyday magaalada Muqdisho si uu uga qeyb qaato inta kalfadhigaasi ka socdo New York inuu hambalyo soo gaarsiiyo madaxda dowlada iyo ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM ee kaabaya kuwaasoo todobaadyadii la soo dhaafay guulo la taaban karo ka keenay difaaca iyo dib u soo celinta nabadda dalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Ambassadorka ay ka wada hadleen arrimo ku aadan marxaladda kala  guu rka ah iyo qorshooyinka dowladdu qabto iyo sidoo kale firkaddaha ay qabaan adduunweynuhu, maad ama ay jiraan shirar is daba joog ah laga soo bilaabo shirkii African Union ee Addis ababa welina socdaan shirar kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur ayaa sheegay in gobolada ay  dho waantan gacan ku heynteeda la wareegtay dowladda ay si deg deg ah ugu dhisi doonaan xukuumado (Maamulo goboleedyo) si loo helo amni iyo kala dambeyn.

“Waxaa kale oo aan dowladdaha deriska ah iska kaashan doonaa sidii xuduudaha iyo howlgalada amniga loo sugi lahaa, waxaana ka rajeyneynaa inay nagala shaqeyn doonaan dowladdahan deriska ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia